Sunday, December 18, 2011

SHIRWEYNE XISBIGA KULMIYE KU QABSADAY MAGAALADA BRISTOL, UK.


  SHIRWEYNE XISBIGA KULMIYE KU QABSADAY MAGAALADA BRISTOL, UK.

Waxa axaddii bisha December ahayd todoba iyo toban 2011 magaalada Bristol ku qabsoomay shirweyne ay isagu yimaadeen dhamaan guddida fulinta iyo guddiyada laamaha xisbiga Kulmiye ku leehaya wadankan UK iyo waliba ragga iyo dumarka bud dhigga u ah xisbiga Kulmiye UK. Waxaa kale oo shirkaa ka soo qayb galay madax ka tirsan xukuumadda Somaliland oo ay ka mid ahaayeen; , Lataliaya Madaxweynaha ee arimaha Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga Mudane  Axmed Xasan Carwo, Lataliyaha madaxweyne kuxigeenka JSL Cismaan Saciid Jaamac, Badhasaabka gobalka maroodi jeex Axmed Cumar Xaaji C/llaahi ( Xamarje ) Agaasimaha guud ee wasaaradda dibudejinta Axmed Cilmi Barre.

Waxaa shirka aayado quraan ah iyo wacyi diiniya ku furay Axmed Faarax Cadarre ( Gees ) oo kana mid aha gudida fulinta ee kulmiye UK, intaa ka dibna waxaa shirka qudbad soo dhaweyn iyo mahadnaq isagu jirta ka jeediyey gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka laanta Bristol Xuseen Axmed Caydiid iyo Max'd Xaashi Bacado. Xasan Cali Weyd oo ahaa gudoomiyaha qabanqaabada shirkan, ayaa isaguna halkaa ka soo jeediyey qudbad dheer oo uu kaga warramayo sababihii dheliyey shirkan iyo ujeedada laga leeyahay. Xasan Cali Weyd wuxuu sheegay, in tan iyo mudadii uu xisbigu guusha laxaadka leh ka soo hooyey doorashadii uu ku guulaystay madaxwyne Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaano ) aanu xisbigu isagu iman shirarkiisii joogtada haa iyo hawl maalmeedkii xisbiga, sidaa la ajligeedna ay shirkan u qabteen, sidii loo dar-dar gelin lahaa hawlaha xisbiga ee UK.

Kolkii ay soo dhammaatay warbixinadii Laamaha Kulmiye, garabka haweenka iyo dhalinyaraddu ayaa loo galay xog warankii madaxda dalka ka timid. Waxaa hormood u ahaa oo hadalka qaatay La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Dhaqaalaha, Ganacsiga  iyo Maalgashiga, Mudane Axmed Xasan Carwo. Axmed hadal dheer oo mahadnaq, warbixin qaabka dhismaha xukuumadda iyo kaalinta libaax ee ay kaga jiraan reer Kulmiye iyo dowrka looga baahan yahay isku xidhka xisbiga iyo xukuumadda oon kala maarmin ,.."Xukuumadda waxa dhalay xisbiga waxayna ku shaqaysaa barnaamajka xisbiga..sidaas darteed waxa loo baahan yahay in leys barbar taago oo weliba lagu toosiyo barnaamajka xisbiga...waa inaan la noqon sidii UDUB ayna wax talo iyo toosin ah ku lahayn xukuumadda ee waa inay jirtaa wada shaqayn iyo xisaabtan leysku qiimeeyo barnaamajkii leynagu doortay oo berri ka maalin  ummaddu inagula xisaabtami...guusha xukuumaddu waa guusha xisbiga...masiirka iyo mustaqbalka  xisbigu waxuu si toos ah ugu xidhan yahay waxqabadka xukuumadda..." ayuu Axmed Carwo yidhi

Waxa iyana mid mid uga hadalay madaxdii kale oo dhammaan ku nuuxnuuxsaday dowrka xisbiga iyo waxqabadka xukuumadda. Waxaana mahadnaq ballaadhan loo soo jeediyey Guddiga Bristol ee shirka soo qabatay, iyo waxqabadkii Guddiga Fulinta UK, iyadoo si gaar ah loogu mahadnaqay Guddoomiyaha Guddiga Ibraahim Dakhare.


Qudbadahaa madaxda ka dib waxaa la guda galay ajandihii shirka, kaasoo qodobka ugu weyni uu ahaa sidii loo qaban lahaa shirweynihii xisbiga Kulmiye, kaasoo labadii sannaba mar lagu soo doorto gudida fulinta ee Kulmiye UK.
Dood dheer iyo falanqayn ka dib waxaa laysku raacay in madashan laga xulo, xubno soo magacaaba gudida qaban-qaabada shirweynaha Kulmiye Uk, waxaana halkaa lagu soo xulay 21 xubnood oo noqon doona gudida qaban qaabada shirweynaha xisbiga Kulmiye ee Uk, shirkaasoo ku qabsoomi doona haddii Eebe raali ka noqdo mudo sodon dharaarood ah oo ka bilaabmaya marka ugu horaysa ee gudidaasi isu timaado. Waxaana xilka isku keenidda iyo isku xidhka guddiga qabanqaabada loo xilsaaray Guddoomiyaha Guddiga Fulinta iyo ku xigeenkiisa. Waxaana la gartay in Guddiga Fulintu hawshooda sii hayaan tan iyo inta laga dooran doono Guddi kale oo xilka kala wareegta Shirweynha soo socda  kolkuu qabsoomo. Waxaana goáanka golaha ka dhexakhriyey, shirkana soo xidhay Guddomiyaha Guddiga Fulinta UK Kulmiye Mud. Ibraahim Nuux (Dakhare).


Mohamed Haragwaafi
haragwaafi4@yahoo.co.uk

1 comment:

  1. Hello Everybody,
    My name is Mrs Sharon Sim. I live in Singapore and i am a happy woman today? and i told my self that any lender that rescue my family from our poor situation, i will refer any person that is looking for loan to him, he gave me happiness to me and my family, i was in need of a loan of S$250,000.00 to start my life all over as i am a single mother with 3 kids I met this honest and GOD fearing man loan lender that help me with a loan of S$250,000.00 SG. Dollar, he is a GOD fearing man, if you are in need of loan and you will pay back the loan please contact him tell him that is Mrs Sharon, that refer you to him. contact Dr Purva Pius,via email:(urgentloan22@gmail.com) Thank you.

    BORROWERS APPLICATION DETAILS


    1. Name Of Applicant in Full:……..
    2. Telephone Numbers:……….
    3. Address and Location:…….
    4. Amount in request………..
    5. Repayment Period:………..
    6. Purpose Of Loan………….
    7. country…………………
    8. phone…………………..
    9. occupation………………
    10.age/sex…………………
    11.Monthly Income…………..
    12.Email……………..

    Regards.
    Managements
    Email Kindly Contact: urgentloan22@gmail.com

    ReplyDelete