Tuesday, January 24, 2012

Shir ka dhacay London Oo Waxbarashada Iyo Shaqada Lagaga Hadley

Shir ka dhacay London Oo Waxbarashada Iyo Shaqada Lagaga Hadley

Waxaa magalada London ka dhacay taarikhdu markey ahayd 22nd  Jan 2012, shir ay soo aababushay Hayad Cusub oo la yidhaahdo, Centre for Education and Employment Research (CEER). Wax shirkan  lagaga hadlayey waxbarashada iyo shaqada Somaliland. Waxaa shirkaas ka soo qeyb galay aqoonyahano badan oo ka shaqeeya arimaha waxbarashada, shaqada iyo arimaha bulshada oo degen magalada London.
Waxaa shirkaas  ugu horeyn soo dhaweyey aqoonyahanadan  Dr Osman Warsame isagoo dhawaan ka soo noqdey Somaliland. Waxa uu Dr Osman ka waramey arimaha Waxbarashada iyo Shaqaaleynta bulshada Somaliland. Waxaa uu Dr Osman Carabka ku adkeyey in loo bahanyahay aqoonta iyo cilimiga bulsha weynta ku dhaqan Qurbaha. Isagoo faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey  sidii loo heli lahaa horumarinta bulshada iyadoo loo bahan yahay in la kabo waxbarashada aasaasiga ah loona dejiyo strategy lagu abuurayo waxbarasho dhasha habki loo heli lahaa human resource dalka u adeega sidoo kalena la helo habki ay Somaliland ku gaadhi lahayd wax soosaar sida Industralisation oo u bahan aqoonta cilmiga Science ka iyo technologyga.
Waxaa shirkaas kala qeby galay bulshada  reer Somaliland, Agaasimaah tacliinta sare ee wasarada Waxbarashad Mudane Khadar Ahmed Dirir.  Mudane Khadar ayaa ka waramay halkey ay waxbarashada Somaliland mareyso iyo sida ay dawlada cusub ee KULMIYE ay rajeyneyso iney wax uga qabato arimaha waxbarasahada. Waxaa uu khaddar intaa ku daray in qorshe 5 sano ah ay wasarada waxbarashada iyo qorshaynta ay dejiyeen iyagoo leh yool 5 sano ah taas oo wax lagaga qabanayo;
Sidii loo kobcin lahaa waxbarasahda aasaasiga ah
Sidii curriculumka dalka dib loogu eegi lahaa
Sidii tayada macalimiinta kor loogu qaadi lahaa
Sidii xaga tayada guud ee waxbarashada loo adkeyn lahaa
Waxaa halkaa lagu weydiyey su'aalo fara badan iyadoo su'alahi ay u badnayeen side bey reer Somaliland ka ku dhaqan qurbaha ay ka qeyb qaadan lahaayeen sidii wasarada wax loola qaban lahaa.
Ugu danbeyn waxaa shirkaa ka Hadley Eng Mustafe Ibrahim sidii dhaqlaha dalka loo kobcinlahaa iyo faa;idada ay leedahay in la helo commercial Banka dadka u usuuro geliya in ay samayaan dhaqaale abuur, horseeda shaqaaleynta dhalinyarada.
Ugu danbeyn waxaa halkaa uu ururku ku doortey gudidii sanadka hoogamin lahayd arimaha hawleed ee CEER. 
Chairperson – Warda Dirir
Vice-chair – Abdilahi Abdilahi
General Secretary -  Nadra Muse 
Treasurer – Fardus Ali
Secretary for membership and recruitment – Salma  Hassan
Secretary for  Quality Assurance - Fatima Ahmed
Member for Public relations – Mustafa Ibrahim
Iyadoo Dr Osman Warsame  uu yahay Agaasimaha (Director) CEER  oo dhanka hawl maalmeedka u qaabilsan Somaliland iyo Qurbaha.
Waxa ay gudidu ku dheeraadeen sidii loo horumarin lahaa waxbarasha iyo shaqaleynta dhalinyarada reer Somaliland iyadoo  lala kaashanayo dhamaan bulshada Somaliland ee ku dhaqan qurbaha. Waxa uu gudoomiyaha cusubi Marwo Warda Dirir ka codsanaaya soona dhaweynayaan in cidii leh khibrad iyo aqoon arimaha bulshada ay ku soo biraan dhalinyarada isu xilqaantey wax ka qabashada arimaha Somaliland. 
La xidhiidh: ihwarsama@gmail.com amawarda.dirir@gmail.com hadii aad doneysid in aad  nagala qeybqaadatid horumarinta Somaliland.

No comments:

Post a Comment