Saturday, February 4, 2012

XUUSKA MAWLIIDKA NABIGA SCWS IYO SOMALILAND

Magaalooyinka Waa Weyn Ee Somaliland Oo Maanta Laga Xusayay Mawliidka Nabiga Naxriis Iyo Nabad Gelyo Korkiisa Ha Ahaatee

Xafladan ayaa waxa ka Hadley Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Wadani C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro, waxana uu si qoto dheer uga waramay taariikhdii iyo dhalashadii Nabigeena Suuban

Hargeysa - Xuska dhalashada Ras'uulkeenii Suubanaa ee Muxamed (NNKH) ayaa maanta si weyn looga xusay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, Xafladdan oo ka qabsoontay Hotel Maansoor ee Magaaladda Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay Gudoomiyaha Goloha Wakiiladda Somaliland, ahna Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Wadani C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro, Xubno xildhibaano ah oo ka tirsan goloha wakiiladda iyo guurtiddda, Gudoomiyaha urur SIyaasadeedka Dalsan, Siyaasyiin, aqoonyahano, culma awdiin, iyo marti sharaf kale oo aad u fara badan.

Xafladan ayaa waxa ka Hadley Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Wadani C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro, waxana uu si qoto dheer uga waramay taariikhdii iyo dhalashadii Nabigeena Suuban ee Maxamed (NNKH), waxana ka mid ahaa hadalkiisii "Waa maalin qiime weyn inoo leh mawliidka Nabiga (NNKHA), waxa uu Nabigu inaga mudan yahay inaynu weynayno dhalashadiisa oo u dabaal degno. Waxaan si weyn ugu mahad celinayaa cid kasta oo soo qaban qaabisay xafladan sharafta leh,". 

Sidoo kale waxa xafladaasi hadal kooban ka soo jeediyay Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka DASAN Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yarre), waxana uu si adag ugu nuuxnuuxsaday taariikhdda iyo dhalashadda Rasuulka (NNKH), waxana uu cararbka ku dhuftay in loo baahan yahay in la weyneeyo Nabigeena Maxamed (NNKH). 

dhanka kale Waxaa xafladdani hadalo kala duwan ka soo jeediyay masuuliyiinka kalla duwan oo isugu jira culma awdiinka Somaliland ee soo qaban qaabiyay xafladaasi, iyo xildhibaano, waxana ay ka sheekeeyeen Siiradii Ras'uulkeenii Muxamed Nabadgalyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee. 

Dhinaca kale, xafladda tan la mid ah ayaa waxa ay ka dhacdey magaalooyinka iyo9 Goboladda somnaliland, waxana si weyn looga xusay magaalooyinka waa weyn ee Somaliland dhalashadda Rasuulka (NNKH), waxana maanta fasax ahaa gabi ahaanba Shaqaalaha Dawlada, xxarumahaas ayaa waxa ay fasax ka haayeen hawlahooda shaqo mawliidka nabiga darteed. 

No comments:

Post a Comment