Tuesday, March 13, 2012

Badhasaabka Saaxil Oo Qiray In 37-Tan Oo Raashin Ah La Leexsaday

Badhasaabka Saaxil Oo Qiray In 37-Tan Oo Raashin Ah La Leexsaday, Mukhalas Falkaas Loogu Xidhay Berbera Iyo Guddoomiyaha Togdheer Oo Ka Hadlay Raashin Lagu Rogay Bakhaar Burco Ku Yaala

HAATUF


"Waxaanu Baadhaynaa 37 Tan Oo Ka Mid Ah Raashinkii Mucaawimada Ahaa Ee Loogu Talo Galay Gobolka Saaxil, Waxaanu U Tuhmaynaa Raashinkaa La Lunsaday NGO-ga GALAD" Ramaax

Hargeysa, March 13, 2012 (Haatuf) – Badhasaabka gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) ayaa qiray in la lunsaday 37 Tan oo ka mid ah 70 Tan oo raashin caawimo ah oo loogu talo galay Gobolka Saaxil, kaas oo dawladda Cumaan ugu deeqday danyarta reer Somaliland, gaar ahaan qaybtii loogu talo galay dadka danyarta ah ee ku nool gobolka Saaxil, kaas oo sheegay in raashinkaas loo diyaarinayey Shaxdii lagu qaybin lahaa.

Mr. Ramaax waxa uu sidaa ku sheegay Waraysi khaas ah oo uu Wargeyska Haatuf khadka tilifoonka ku siiyey isaga oo ku sugan xarunta gobolka Saaxil ee Berbera, kaas oo tilmaamay inay shalay Magaaladda Berbera ku xidheen Mukhalaskii NGO-ga GALAD ee isaga la siiyey Mashruuca rarista raashinkaas, isla markaana la sheegay inuu Wakiil ka ahaa Doontii raashinka lagu waday, kaas oo magaciisa la yidhaahdo Axmed Timacade, oo uu tilmaamay inay wax ka waydiinayaan 37-ka Tan oo raashinkaa la leexsaday ah.

Mr. Ramaax  waxa uu tibaaxay in 70-ka Tan ee Saaxil loogu talo galay in 18 Tan oo ka mid ah la qaybiyey, 15 Tan oo kaliyana la hayo, isla markaana aan gacan lagu haynin 37-kii Tan ee hadhay, waxaanu Badhasaabku dhinac iskaga leexiyey inuu wax lug ah ku leeyahay musuqmaasuqa raashinkaas loogu talo galay dadka Saboolka ah "Anigu dalka waan ka maqnaa oo dibada ayaan jiray markii Raashinkan la keenay, laakiin Raashinka la keenay gobolka waxa uu ahaa 70 Tan, hadana waxa la qaybiyey oo qoladii dekada ka soo saartay ee NGO-ga ahayd ay qaybisay 18 Tan, isla markaana waxa gacanta lagu hayaa 15 Tan waxa la raadinayaa 37 Tan oo la waayey meel ay mareen iyo meel loo  leexsaday, Imikana waxaanu wadnaa baadhitaano aanu ku raadinayno raashinkaas intii maqan".


Ramaax isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi "Waxa aanu u tuhmaynaa oo aanu Masuuliyada Raashinkaa la lunsaday aanu saaraynaa cidii markii hore gobolka keentay ee Masuuliyadeeda lahayd, waxaananu xidhnay nin ka tirsan NGO-gii hawsha waday oo magaciisa la yidhaahdo Axmed Timacade oo su'aalo laga waydiin doono halka uu maray raashinkaas la waayey. Markaa si kasta oo ay noqoto ka hadhi mayno meel kasta oo la geeyo imikana waxaanu ku daba jirnaa Maayarka Xagal ee shalay idiin waramay oo aanu uga shakinay inuu wax ka ogyahay Musuqmaasuqa uu sheegay. Markaa anaga oo anaguna baadhistaankii wadna ayaanu hadana baadhis gobolka ka Madaxbanaan Hargeysa ka dalbanay".

Badhasaabka Saaxil Mr. Ramaax mar wax laga waydiineyey in Raashinkaas loo aanaynayo inay Maamulka gobolku lunsadeen, waxa uu yidhi "Dadka leh Maamulka gobolka ayaa arintaas raad ku leh waxaan u sheegayaa inaanay jirin cid ka mid ah Maamulka gobolku inaanu wax shaqo ah ku lahayn arintaas, runtuna hortiina ayey iman doontaa marka baadhistu dhamaato".

Mar uu ka hadlayey sida ay u qorsheeyeen in loo qaybiyo raashinkaas, waxa uu yidhi "Waxaanu ugu talo galnay Raashinkan 70-ka Tan ah inaanu u shaxayno sida loogu qayibinayo Gobolka, maadaama oo dalka dawlad ka jirto, isla markaana gobolka maamul ka jiro waxa aanu xaq u leenahay inaanu ku dabo la socono meelkasta waxa loogu talo galay, markaa anigu markii aan imid waxaan amar ku bixiyey in halka uu yaalo Raashinkaasi lagu ilaaliyo inta la helayo badhka maqan".

Maxamuud Cali Hayste (Ramaax) mar wax laga waydiiyey halka uu ku danbeeyey khilaafkii Warshada Sibidhku, isaga oo ka gaabsanaya, waxa uu yidhi "Ma Jecli inaan ka hadlo arinta Warshada oo Wasiiro ayaa arintaas ku jira, marka wakhtigeeda la gaadhana waan ka hadli markaa sidaas ayaan kaga cudur daaranayaa arintaasna".

guddoomiyaha gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlay halka ay ku danbeeyey khilaafkii Warshada Sibidhka, kaas oo laga soo saaray qodobo dhexdhexaadin ah.

Dhinaca kale Badhasaabka gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayar oo xalay Haatuf khadka tilifoonka ugu waramayey isaga oo ku sugan Magaaladda Burco ayaa isagu beeniyey in la lunsaday raashinkii mucaawimada ahaa ee gobolkaas, isla markaana sharaxaad ka bixiyey labadii baabuur ee lagu rogay xaafadda Hodon ee Burco, waxaanu tibaaxay in deeqdaas loo waday Badhan lana gaadhsiiyey Magaaladaas.


Waxaanu yidhi "Xaalada gobolku aad ayey u wanaagsan tahay marka laga yimaado dhacdadii Hargeysa ka dhacday oo saamayn meel walba ku yeelatay, isla markaana dadkeenuna hada dabeecadoodu way is badashay oo baahi badan ayaa jirta oo dadkeenu hada dabeecadii Oromada ayaabay yeesheen oo baahidii ayaa badatay sababta oo ah dadkeenu cunto iyo raashin may boobi jirin. Markaa raashinkii mucaawimada ahaa ee dawladda Cumaan ugu soo deeqday dadka reer Somaliland gobolka Togdheer Shan goobood ayaa lagu qaybiyey, markaa 5-tii goobood ee meelaha barakacayaashu dagan yihiin ayaa la geeyey".

Isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi "Anigu tirada raashinka ma garanayo kamanaan qaybgalin laakiin Ciidanka bilayska ayaanu ku wareejinay ciidankuna hay'ad iyo  Wasaarada Dib-udajinta ayaa goobahaas u qaybinayey. Waxa kale oo jira laba baabuur oo khalad laga fahmay oo raashin Magaalada Badhan u waday oo si ku meelgaadh ah ninkii raashinka waday oo u dhashay deegaankaas Badhan oo kharashkiisii aan loo dhamayn uu ugu rogay Magaaladda Burco, taasina waanu dhamaynay oo shalay ayaanu amarnay inuu raashinka u qaado goobtii loogu talo galay, labadaas baabuurna si cad ayaa loo raray oo dadka khalad ayaa loo sheegay baabuurtaas oo la rarayo TV-yada ayaad ka arki doontaan".

Mr. Cabdoo isaga ka jawaabaya su'aal ku saabsanayd inay Musuqmaasuqeen raashinkaas, waxa uu yidhi "May ma jiro raashin lagu Musuq-maasuqay Magaalada Burco, baabuurtii raashinkaas wadayna sidii loogu talo galay ayaa loo qaybiyey oo shantaa meelood ee ay Barakacayaashu ka dagan yihiin gobolka ayaa loo qaybiyey".

Isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya wafti Wasaaradda Waxbarashada ka socda oo ku sugan Burco ujeedada socdaalkooda, waxa uu yidhi "Waftigaasi way joogaan oo Wasiir ku xigeenka Waxbarashada iyo Agaasimaha guud ee Waxbarashada iyo Injineerka ayaa ka mid ah oo hawsha ay u socdaana waa Inistiyuutkii Burco Mashruuciisii oo la dhagaxdhigayo maalinta bari (Maanta), markaa dhagaxdhigaas ayey iyaga iyo Gudida horumarinta iyo Maamulka gobolkuba wada qabanayaan bari, dhamaan Masuuliyiintaas oo dhami Waxay ka socdaan Wasaaradda Waxbarashada oo ma jirto hawl  intaas dheer oo ay u socdaan oo ay u yimaadeen gobolka"

No comments:

Post a Comment