Saturday, March 17, 2012

Shir Guddoonka Wakiilada Oo Madaxtooyadu Kala dooranayso iyo Siciid Cilmi madaxtooyadu Isha kuu Gubayso.

Shir Guddoonka Wakiilada Oo Madaxtooyadu Kala dooranayso iyo Siciid Cilmi madaxtooyadu Isha kuu Gubayso.

Waxa jagada gudoomiye ku xigeenka kowaad ee wakiilada ee uu baneeyay wasiir Samaale isku soo sharaxay  xildhibaanada kala ah:
  1. Siciid Cilmi Rooble
  2. Ibraahim Axmed Haybe
  3. Maxamed Xuseen Xaaji Ciise
  4. Baashe Maxamed Jaamac
  5.  Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac)
  6. Xildhibaan Cali Yusuf

Ilaa hada si rasmiya looma oga mudanaha ku guulaysan doona jagadaasi ee wasiir Cabdicasiis Samaale uu ka doorbiday xilka wasiirnimo, hase yeeshee Mudane Ibraahim Axmed Haybe iyo Md Siciid Cilmi Rooble ayaa la sheegay inay ka mid yihiin xildhibaanada loo filayo in jagadaasi loo doorto, kuwaas oo labadooduba ka soo jeeda xisbiga Kulmiye, hase yeeshee waxa la filayaa in xaaladu kala cadaan doonto fadhiyada todobaadka soo socda horaantiisa goluhu yeelan doono.

Inkastoo aan illaa hadda aan si  cad loo saadaalin karin cidda  gollaha wakiilada ku guulaysanaysa  gaar ahaan jagada banaanaatay ee Cabdicasiis ka guuray ayaa  dhawr xubnood u tartamayaan, waxaana la filayaa in mid kastoo ka mid ah gollaha oo hungureeyey jagadaasi uu cid ka haysto taageero. Haddii aynu soo qaadano shakshiyaad sida culus loo hadal-hayo, waxaa ka mid ah Cali Yusuf iyo Xildhibaan Nacnac oo   ay doonayaan madaxtooyada in mid kood loo dhiibo, weliba si xoog ah ugu ololaynaya  Xildhibaan Nac nac loo dhiibo.

Waxaa madaxtooyada laga soo sheegayaa in ay doonayaan in Baashe noqdo Guddoomiye ku-xigeenka kowaad halka ay doonayaan in nacnac noqdo guddoomiye ku xigeenka labaad. Waxaa kaloo ay doonayaan in Xildhibaan Cali Yusuf laftiisa uu hungureeyey jagada, weliba madaxtooyada ujeedo kasta oo ay leeyihiinba ay taageero u muujiyeen, iyaga oo haddana aanay daacad  ka ahayn in uu jagadaas helo.

Waxaa illaa shalay xubno masuuliyiin ah oo ka socda madaxtooyada ay shirar u qabanyeen xildhibaan ay u iftiiminayeen sida ay doonayaan in ay u dhacdo doorashada gollaha wakiilada shirguddoonkoodu, waxaana ay aad ugu ololaynayeen in baashe maxamed Jaamac noqdo guddoomiyaha koowaad, halka Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye noqod guddoomiye ku xigeenlka labaad.   Wararka ka dhawaa shirarkaas ay dabada a riixayeen madaxtooyadu waxa ay sheegeen, in markii Siciid Cilmi magaciisa la keenay ay aad uga digeen in aanay la shaqan karayn, sidaas awgeed aanay iyagu madaxtooyo ahaan soo dhawaynayn doorashadiisa. Xildhibaan Siciid oo ah xildhibaan ka soo jeeda Kulmiye, weliba ahaa kuwii ugu cuslaa, lagana yaabo in uu kalsooni badan ka haysto gollaha ayaa diidmada ugu badan kala kulmaya madaxtooyada.

Indho ku gubta xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ee madaxtooyada ayaa tilmaamaysa in madaxtooyadu aad ugu milantay shir guddoonka, shaanbadana iyagu doonayaan in ay ku dhuftaan qofka shir guddoonka ka mid noqon doona.

Cabdixakiim Yuusuf cali

Somalilandfuture Online


--
Ahmed Hassan Arwo


No comments:

Post a Comment