Tuesday, March 20, 2012

TACSI KA TIMID LA-TALIYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA IYO GANACSIGA

TACSI KA TIMID LA-TALIYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA IYO GANACSIGA


TACSI: MARXUUM ISMAACIIL FAARAX JIHAAD

Anigoo ku hadlaaya magaca Xafiiska La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha iyo Ganacsiga, ka reer Cabdi Carwo, iyo kan xaaskeyga Amaal Cumar Carte, waxaan tacsi u dirayaa reer  FAARAX JIHAAD oo uu hormood u yahay SAED FAARAX JIHAAD iyo dhammaan tafiirta, ehelka, xigtada, xigaalka iyo asxaabta Marxuumka meel kasta ooy joogaanba.
Waxuu Ismaaciil ahaa nin afgaaban, camal san oo dabci macaan, Alle ka cabsina ku caan ahaa.   Alle ha u naxariisto Ismaaciil Faarax Jihaad.

Waxaan marxuumka Alle uga baryayaa danbi dhaaf, naxariis iyo inuu ka yeelo kuwa dhaxla janatul Fardaws, ehel iyo asxaabna waafajiyo samir iyo duco. Aamiin.

Ahmed Hassan Arwo
La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Dhaqaalaha
samotalis@gmail.com

http://samotalis.blogspot.com/

No comments:

Post a Comment