Thursday, April 12, 2012

Qaybinta Raashin Mucaawimo Ah Oo Aan Weli La Gaadhsiin Dadkii Loogu Talogalay Iyo Xukuumada Oo Aan Ka Warqabin

Qaybinta Raashin Mucaawimo Ah Oo Aan Weli La Gaadhsiin Dadkii Loogu Talogalay Iyo Xukuumada Oo Aan Ka Warqabin

Raashinkani ayaa ay ururka bishacas si rasmi ah ugu wareejiyeen maamulka degmada caynaba

Caynaba(GNS)Waxaa maalmihii la soo dhaafay uu ururka bisha cas soo gaadhsiiyey magaalada caynaba ee xarunta gobolka saraar raashin mucaawino ah oo loogu talogalay in la gaadhsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen iyo weliba dadka danyarta ah ee ku dhaqan dhamaanba tuulooyin badan oo hoos yimaada gobolka saraar oo ay dhawaanahanba ka jireen abaaro dabadheeraaday iyo cudurka jadeecada oo isna ka dilaacay deegaamada qaar. 

Raashinkani ayaa ay ururka bishacas si rasmi ah ugu wareejiyeen maamulka degmada caynaba kaasi oo ay sidoo kale si wadajir ah ugala wareegeen gudoomiye xigeenka gobolka saraar ahna ku simaha gudoomiyaha gobolka ibraahin jaamac maxamed iyo maayarka degmada caynaba khaliif ismaaciil saleban iyadoona ay masuuliyiintani iyo madaxa hayada bisha cas ee gobolka saraar faarax axmed carab si rasmi ah u bilaabeen qaybinteeda raashinkaasi la gaadhsiiyey 13 tuulo oo keliya halka la doonaayey in loo qaybiyo in ka badan 50 tuulo waxaanan ilaa waqti xaadirkani la garan karin meesha uu maray raashinkaasi mucaawinada ah ee ay ururka bishacas ugu soo gurmadeen walaalahooda abaaraha ba'an ee sadex sano jirsaday ku haleeleen dalka. 

Dhanka kale waxaa iyana arintan cabasho xoog leh ka muujiyey qaar ka mid ah dadka danyarta ah ee raashinkani caawimada loogu soo talogalay iyagoona tilmaamay in raashinkan aan weli loo qaybin siday ku muujiyeen cabashadoodani iyagoona intaasi ku daray dadkani danyarta ahi inaanay jirin meel ay uga cawdaan masuuliyiintani ay ku sheegeen inay lunsadeen mucaawimadii loogu talogay. 

Madaxa hayada bishacas ee gobolka saraar faarax axmed carab ayaa noo sheegay in raashinkani oo dhamaa sidoo kalena saarnaa in ka badan 10 gaadiidka xamuulka ah loogu talogalay 1773 qoys oo ku nool buu yidhi 13 tuulo oo keliya oo ay inta ugu badan leeyihiin dadka danyarta ah ee ku nool gudaha magaalada caynaba ee xarunta gobolka saraar taasi oo aan la garan karin sababta keentay iyadoona sanadihii hore raashin mucaawimo ah oo noocan oo kale isla markaana ay bixisay hayada bishacas uu gudoomiyaha gobolka saraar ibraahin x xasan cali si balaadhan ugu qaybiyey isla markaana u wada gaadhsiiyey in ka badan 50 tuulo oo abaaro heleen isla markaana loogu talogalay. 

Si kastaba ha ahaatee ilaa waqti xaadirkani ayaa waxaa la isweydiinayaa meesha uu maray isla markaana uu dabada gelin doono raashinkaasi mucaawinada ah ee aan ilaa iyo intii uu gobolka soo gaadhay loo qaybin dadkii danyarta ahaa ee hayada bishacas ugu soo talogashay iyadoona aanay sidoo kale xukuumada iyo gudida la dagaalanka musuqmaasuqu ka warqabin raashinkani oo ururka bishacas ka soo dejiyey dekeda magaalada boosaaso ee maamul goboleedka puntland iyadoona loo turjuman karo in masuuliyiintani ay ku andacoonayaan inaanay raashinkani xukuumadu keenin isla markaana maadaama aanay xukuumadu waxba ka ogayn ay siday doonaan ka yeeli doonaan waxaana arintani sidoo kale ku soo beegmaysaa xili gudoomiyaha gobolka saraar hawlo shaqo uga maqan yahay gobolka isagoona ku sugan magaalada hargaysa ee caasimada somaliland. 

Maxamed Dirir 
Gabiley News Reporter 
Caynabo Somaliland 


No comments:

Post a Comment