Sunday, May 20, 2012

18 MAY IYO SHARQIYA, SACUUDI ARABIA

18 MAY IYO SHARQIYA, SACUUDI ARABIA

                                                                                                  

Waxa munaasabad heer sare ah lagu qabtay markii ugu horeysay magaalada Khobar ee mandaqadda Sharqiya Sacuudiga laguna xusaayey munaasabadda 18ka May 2012. Waxaa isagu myimid hormoodka jaaliyadda ee ku nool magaalooyinka gobalka sida Dhahran, Khobar, Dammaam, Jubail iyo Xasa. Waxaa marti sharaf  ahaa Mudane Axmed Xasan Carwo, Mustashaarka Madaxwenaha ee Arrimha Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga.Waxa kaloo marti ku ahaa Mudane Xasan Meygag Samatar aqoonyahan, siyaasi iyo oday taariikheed.


Waxa xafladda abaabulay Ururka Dhalinyarada Soomaliland oo manta si rasmi ah u hawl galay. Ururkan oo la yidhaahdo Alsharqaawi Somaliland Youth. Waxa xafladda lagu furay aayadaha quraanka deedna waxa la daawaday barnaamaj laga soo duubay Hargeysa iyo horumarkeeda, Deedna waxa hadal taariikhda mandaqadda iyo Somaliland ka akhriyey. Sh Rashiid Hassan M Caydiid oo tilmaamay sida ilaa SNM ay gobalkanai ahaa mid halka hore kaga jira taakulinta iyo ka qaybgalka horumarinta dalka hooyo. Isagoo tibaaxay inay bilaabeen tartanka caanka ah ee Xifdiga Quranka lana qabto bil kasta oo Ramadaan ah. Sidoo kalena ay taakulin u fidiyeen Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasaaradda diinta iyo Awqaafta.

Waxa isna si cilmiyeysan soo bandhigay taariikhda Somaliland ilaa xiligii faraaciinta, xidhiidhka dhaqan ee inaga dhexeeya qawmiyadaha kale ee geeska, dunida Islaamka iyo asalka reer Soomaliland nin dhalinyaro ah oo cilmi-baadhis ku sameeyey arrimahaas Mudane  Cabdiraxman Maxamed A Da'uud. 

Waxa xigay oday Xasan Meygaag Samatar oo ka warbixiyey israaci Soomalida hadafkii shanta lagu doonaayey, iyo maamul xumadii himmiladaas dumisay ee xaqsoor la'aantu la bilaabantay isla xiligii israaca bal se ay gaadhay heer dil iyo burburin iyo xadhig ay ku kordhisay xukunkii macangaga ahaa ee askarta. Waxuu si mug leh iyana oga hadlay aasaaskii SNM iyo taariikhdii halganka.

Waxa barnamajka dhextaalo u ahaa nashiidooyin wadani ah iyo ciyaar Somali hidaha iyo dhaqanka ah oo ay wadeen dhalinta Sharqiya ee Somaliland.

Waxa la gaadhay xiligii khudbadii rasmiga ahayd ee martida xukuumadda Mustashaar Axmed Xasan Carwo. Axmed waxuu ku bilaabay salaan iyo hanbalyo munaasabadda ah oo uu ka sido Madaxweynha, waxuuna tilmaamay sida uu ugu faraxsanyahay inuu Sharqiya oo 20 sano ka hor uu ka shaqayn jiray mudadii halkanaka SNM na uu ka ahaa guddiyadii mandaqadda inuu ku soo laabto munaasabaddana kala qayb galo asxaab iyo ehel ay in badan kala maqnaayeen.


"Waxa sharaf gaar ah ii ah in xafladani tahay tii idiinku horeysay ee Khobar ku qabsataan xuska 18ka May iyo inaydun isla halkan ku aasaastaan urur dhalinyaro ee Somalilnad ..Sharqaawi Somaliland. Guul iyo horumar ayaan u rajeynayaa.."
Axmed waxuu ka hadlay taariikhda dalka iyo SNM oo uu goobjoog u ahaa shirkii lagaga dhawaaqay 1981 London. Axmed waxuu ka xusay sidii shirkaas aanu ku habaysnayn sifo qabiil ee ay jaliyaduhu soo dirteen cid matasha, golahana ay yimaadeen in badan oo isku reer ah, reero kalena ka maqnaayeen.. bal se sida cadada noqotay aan leys weydiin…lana odhan dhan ayey ka rarantay..waayo midnimo ayaa wax lagu doonaayey, jaaliyaduhuna waxay soo dirteen wufuud aan qabiil loo eegin. "Waxaan kale oon ku xusuustaa in mudada 10 Sano ay iska bedeleen 5 Madaxweyne oo inoo barbaariyey dimuquraadiyada aynu ku naaloonayno. Xilka ay isu dhiibeen Axmed Jimcaale, Yuusuf Cali Guray Sh, Cabdiqaadir Koosaar, Axmed Silaanyo, Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa inoo fududeeyey ku dhaqanka dimuquraadiyada. Alle ha u naxariito afarta Madaxweyne ee SNM ka geeriyooday iyo Madaxweyne Cigaal. Maantana wax sharaf SNM u ah in Madaxweynaha dalka maamulaa yahay kan keliya ee ka nool …"

Axmed waxuu ka hadlay guulaha xukuumadda oo uu ka xusay miisaaniyadda is-labalabtay iyo la dagaalanka musuqa oo arrintaas dhaliyey. Waxuu se sheegay in wax badan ay hor joogto kartida iyo aqoonta shaqaalaha oo aad u hooseysa haddeerna loo wado tababaro iyo dib u habayn…
Waxuu Axmed ku booriyey inay qurbajooga looga fadhiyo inay maalgashi la yimaadeen dhinac kastana u furan yahay bad iyo bariba. "Dalku wuu dihin yahay waa inaydun abuurtaan sharkado ood wax isku darsataan lana timadaan maal gashi dhinaca kalluunka, iyo wershadaha, beerha, macdanta iyo xoolahaba..xukuumaddu diyaar ayey idiin tahay gacan qabasho..cidna uma xidhan waa suuq furan..mudnantana waxa leh muwaadinka debed iyo gudaba.

Axmed waxuu sheegay inaan dalka lagu lahayn deyn xukuumad iyo shacbiba taasna tahay sifo Somaliland u gooni ah…"Waxa inoo diyaar ah bangiyo maalgashi kolkaan ansixino sharciga baananka ganacsiga ah..waxayna noqon doontaa mid dhaqaalaheen balaayin doolar soo gelisa…bal taas dhinac dhig miisaaniyadeen manta ee 100ka Milyan ah oo la mid ah mushaharka 2000 jaamici oo hadduun ka qalin jabiyey Sacuudiga…."



Waxa xigtay bixintii shahaadad sharaf lagu maamusay Mustashaarka Axmed Xasan Carwo, iyo oday Xasan Meygaag iyo oday ka tirsan jaaliyadda ahaan macalin muddo dheer Oday Ibraahim Maxamuud Cali.

Xafladani waxay ahayd mid taariikhi ah oo waayeel iyo dhalinyaraba ku mideysnaayeen korna u qaaday macnawiyadda iyo nufuudda jaaliyadda oo bilaabay is habayn iyo hawl gelin, iyagoo shirar gooni gooni ah la yeeshay Mustashaar Axmed Carwo si ay u helaan xogo badan oo la xidhiidha dhinaca
maalgashiga.





Maxamed Haragwaafi


Guul iyo hanbalyo.  

No comments:

Post a Comment