Friday, May 4, 2012

Difaacayaashii Boqor Buur-Madow oo Gacmaha Ka-Laabtay Dacwadda, Kuna Eedeeyey Xumuudda Farogalin ku

Difaacayaashii Boqor Buur-Madow oo Gacmaha Ka-Laabtay Dacwadda, Kuna Eedeeyey Xumuudda Farogalin ku

YOOL

Difaacayaashii Boqor Buur-Madow oo Gacmaha Ka-Laabtay Dacwadda, Kuna Eedeeyey Xumuudda SIILAANYO Inay Faragelin ku Samaysay KIISKA

Hargeysa(YOOL)-Qareennada difaacayay Boqor Cismaan Aw-Maxamuud (Buur-madow) oo Xukuumadu ku eedeeysay falal isugu jira Aflaagado iyo dhaliilo lid ku ah hoggaamiye Axmed Siilaanyo iyo Xukuumadiisa, ayaa sheegay inay gacmaha ka laabteen difaacida eedaynahaas, kadib markii sida ay sheegeen Xukuumaddu farogelin kusoo samaysay Maxkamadda Gobolka Hargeysa, oo iyadu gacanta ku haysay KIISKII.

Dhegaysiga eedaha loo haysto Boqor Buur-madow oo muddo ku dhaw Sagaashan Maalmood ku jiray Xabsiga dhexe ee Magaalada Hargeysa oo markii labaad Maxkamaddu Shalay u balansanayd, ayaa dhegaysiga dacwadaasi burburay, kadib markii Xeer-ilaalintu ka baaqsatay fulinta go'aan garsooraha dacwadu qaadayey fadhigii hore kasoo saaray, kaasoo ahaa in Xeer-ilaalintu soo beddesho eeddaha ay u cuskatay dacwada Boqor Buur-madow ka hor inta aan la gaadhin fadhiga labaad ee dacwada oo Khamiistii Shalay loo ballansanaa, sidoo kale waxa garsooruhu go'aankiisa ku sheegay haddii Xeer-ilaalintu mudadaas kusoo bedeli weydo eedahooda in Maxkamaddu qaraar KIISKA ka soo saari doonto.

Qodobada Xeer-ilaalintu u cuskatay eeddaha Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buur-madow fadhigii hore ee dacwada oo la dhegaystay 24 April, ayaa ahaa 212XQG Iyo 2i5XQG, kuwaasoo qareenada difaacayay ku tilmaameen kuwo aan waafaqsayn eedaha. Sidaa awgeed ay Maxkamaddu laasho dacwada, ama haddii ay hayaan qodobo kale iyo eeddo kale Maxkamadda usoo gudbiyaan, waxayna taasi sababtay inuu Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa Cabdirashiid Duraan oo KIISKA Garsoore ka ahaa kasoo saaray qaraar lagu laalay eedahaa, kadibna ku wargeliyay Xeer-Ilaalinta inay Maxkamadda hor keenaan eeddo waafaqsan sharciga iyo qaanuunka dalka, basle dacwad oogayaasha ka socday Xeer-Ilaalinta ayaa u hogaansami waayay qaraarka Maxkamadda, iyagoo fadhigii labaad oo Shalay dib loogu  soo celiyay Maxkamadda eedihii ay hore u laashay oo aan waxba laga bedelin.

Garyaqaan Maxamed-Siciid oo ka mid ah Saddex qareen ee difaacayey Boqor Cismaan Buur-madow, ayaa Saxaafada u xaqiijiyey inay ka baxeen gebi ahaanba dacwadaa, kadib markii sida uu caddeeyey Xeer-ilaalintu fulin wayday go'aankii Maxkmadda ee ahaa inay keenaan eedo waafaqsan sharciga oo la xidhiidha KIISKA Boqor Buur-madow ama Maxkamaddu xoriyadiisa u celiso. Waxaannu qareenku tilmaamay in aanay Xeer-ilaalintu u hoggaansamin go'anka Maxkamadda, isla markaana dib u soo celiyeen eedahoodii hore ee Maxkamaddu laashay, taasina ay caqabad ku noqotay dhegaysiga KIISKAA.

Sidoo kale waxa Qareen Maxamed-siciid sheegay in markii ay arkeen in Xeer -ilaalintu la timi eedahoodii hore ay garsoorihii Maxkamadda ku wargeliyeen in aanay Xeer-ilaalintu waxba ka soo beddelin eedihii lagu amray inay soo beddelaan oo aanay u hogaansamin qaraarka Maxkamadda, sidaa darteedna Maxkamaddu qaraar ka soo saarto arrintan, balse waxa garyaqaan Maxamed-Siciid talaabadan ku tilmaamay in Maxkamaddu ku adkaysatay in eedahaas la dhegaysto, taasoo loo fasiran karo mid muujinyasa Sawir ah in Maxkamaddu la safatay Xeer-ilaalinta. Dhacdana ayaa sababtay in Garyaqaanadii difaacayey KIISKA Boqorku ay joojiyaan gabi ahaanba joojiyaan difaacida Boqor Buur-madow, kadib markii ay la tashadeen eedaysanaha, maadaama uu meesha ka baxday awoodii Maxkamaddu ay ku lahayd, mar haddii Xeer-ilaalinta iyo Xukuumadda isku dhinac ka yihiin qadiyada KIISKA.

Boqor Buur-madow, ayaa sida ilo-xogogaal u ahi noo sheegeen dhinaciisa aan ka soo xaadiri doonin Maxkamada tan iyo inta uu ka helayo garsoor caddaalad ah oo aan farogelin lagu samaynayn. 

Tallaabadda qareennadu ku qaadaceen difaacida KIISKA Boqor Cismaan Buur-madow, ayaa daaha ka fayday inay Xukuumaddu farogelin qaawan ku hayso dacwadiisa, isla markaana waxay talaabadani meesha ka saaraysaa in garsoorka Somaliland yahay mid madaxbannaan sida ay ku faanto Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo marar baddan ku cel celisa inay dib u habayn ku sameeyeen garsoorka dalka, isla markaana aanay Xukuumad ahaan wax faragelin ah ku samaynayn dacwadaha ka socda Maxkamaddaha dalka. Dhacdadan ayaa noqon karta mid marka si loo eego dhaawici karta kalsoonida shacabka ee dhinaca garsooorka.

Tan iyo Markii Boqor Cismaan Aw-Maxamuud loo taxaabay xabsiga  badhtamihii  Bishii May, waxa soo baxayay baaqyo gudaha iyo debedaba kaga imanayay Xukuumadda oo lagu canbaaraynayo xadhigiisa, iyadoo baaqyadaasi ka imanayeen Haya'addaha caalami ah ee xuuquqda Aadamada, waxaana ugu danbeeyay baaqyada Xukuumadda lagaga dalbanayo in xoriyadiisa loo soo celiyo Boqor Cismaan 84 Madax-dhaqameedka Salaadiinta Somaliland  oo laba maalmood ka hor kulan ay Xukuumadda la yeesheen kaga dalbaday in xoriyadiisa loo celiyo Boqor Buur-madow.

Sidoo kale Todobaadkan gudihiisa waxa xabsiga  dhexe ee ku xidhanyahay ku booqday Boqor Cismaan Saraakiil ka socotay Hay'adda caalamiga ah ee Human Rights Watch, iyadoo ay horena Dublamaasiyiin shisheeye, Madax-dhaqameedka Somaliland iyo qaybaha kale ee Bulshadu baaqyo lagu canabaaraynayo xadhigiisa kasoo saareen,  balse dhawaa qyadaa  ayaa noqday kuwo ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dhegaha ka furaysatay.

 

Yool


No comments:

Post a Comment