Monday, May 28, 2012

Hay’ada Maamul Wanaaga oo Baadhitaan ku Haysa Gaadiid Wasaarada Caafimaadku Taarikada ka furtay iyo Fadeexadaha ka soo Fool leh Eedaymaha Dul-hoganaya Masuuliyiinta Wasaaradda Qaarkood

Hay'ada Maamul Wanaaga oo Baadhitaan ku Haysa Gaadiid Wasaarada Caafimaadku Taarikada ka furtay iyo Fadeexadaha ka soo Fool leh Eedaymaha Dul-hoganaya Masuuliyiinta Wasaaradda Qaarkood

Baadhitaanada Maamul wanaaga iyo La-dagaalanka musuqmaasuqu ka bilaabeen Wasaarada Caafimaadka

Hargeysa(GNS)-Hay'ada Maamul Wanaaga iyo la Dagaalanka Musuqmaasuqa Somaliland ayaa shalay Wasaaradda Caafimaadka ka bilowday baadhitaano la xidhiidha Gaadiid Wasaaradaasi leedahay oo ujeedo aan la garanayn looga furay Taarikadii GT-da ahayd ee Dawlada, isla markaana warar soo baxayay ay sheegayeen in si hoose la doonayay suuqa in looga xaraasho. 
Baadhitaanada Maamul wanaaga iyo La-dagaalanka musuqmaasuqu ka bilaabeen Wasaarada Caafimaadka oo shakhsiyaadka lagu bartilmaameedsanayo ay ka mid yihiin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cabdi Guray iyo Agaasimaha Waaxda Agabka Wasaarada oo lagu tuhunsanyahay inay ka dambeeyeen amarka baabuurtaasi lagu xadayay, ayaa ka dambeeyay muran cirka isku shareeray oo maalmahanba ka dhexeeyay Agaasimaha Guud iyo Isuduwaha Gobolka Maroodi-jeex ee wasaaradaasi, midba midka kale ku eedeynayay inuu ku lug-leeyahay dhacdadaasi. 
Eedaymaha Agaasimaha Guud u jeediyay Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Axmed Cabdi Goole ayaa la sheegay inay salka ku hayaan adeenti uu uga dhigayo labada baabuur ee Numbar-da laga furay oo Xafiiska Gobolku lahaa, hase yeeshe yaalay Xarunta Kaydka Daawada ee Asbiiba oo ay maamusho wasaaradu. 
Guddoomiye ku-xigeenka Hay'ada Maamul-wanaaga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa Xuseen Cabdilaahi Jaamac oo aanu wax ka waydiinay baadhitaanada ay bilaabeen iyo natiijada uga soo baxday shalay ayaa sheegay inay wali gacanta ku hayaan hawshaasi, sidaasi awgeedna aanu ka horka dhacayn maxsuulka arintaasi "Arrintaa (maanta) shalay ayaanu bilownay baadhitaankeeda, waxaanay gelaysaa meelo badan oo ay Wasaaradda hawlaha guud ka mid tahay, oo aanan wali gaadhin, markaa wali waxbaa ka dhiman baadhitaanadeeda oo waxba kama sheegi karo mana doonayo inaan ka horka dhaco"ayuu yidhi. 
Mar aanu waydiinay cida la tuhunsanyahay ee falkaasi lala xidhiidhinayo waxa uu ku jawaabay"Laba meelood ayay farta ku fiiqayaan oo Agaasimaha agabka wasaaradu ka mid yahay, laakiin waanu baadhaynaa arinta wali"ayuu yidhi. 
Dhinaca kale ilo wareedyo madaxbanaan oo aanu arintan wax ka waydiinay ayaa sheegaya in Isuduwaha Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Hargeysa si cad isaga baraxay Kiiskaasi, isagoo ku dooday inuu isagu dalbaday in loo dayac tiro gaadiidkaasi, hase yeeshee aanu lahayn amarka Bileedhada lagaga furay, waxna ka ogayn. 
Dooda Isuduwaha ka dib waxa la sheegay in Su'aalo la waydiiyay Ninkii labada gaadhi isagu gacanta kaga furay number-da, kaasoo sida la sheegay lagu wargeliyay inuu hay'adaha arintan baadhaya u fududeeyo dhamaystirka kiiskaasi. 
Dhanka kale Sida ay tibaaxeen Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka tuhunka ugu culus ee Kiiskaasi oo dul-hoganayaa Agaasimaha Guud ee wasaaraddaasi Dr Cabdi Guray oo isaga iyo Wasiir ku-xigeenka Caafimaadku gacanta ku hayaan hawlaha wasaarada, ayaa ku soo beegmaysa xili Wasiirkii Caafimaadka Dr. Xuseen xoog dalka dibadiisa ku maqanyahay, kaasoo warka loogu geeyay Magaalada Geneva oo uu kaga qayb gelay shirkii Caafimaadka aduunka ee sanadlaha ahaa. 
Baabuurta laga furay Taarikadda ee muranka iyo baadhitaanada dhaliyay oo kala Xaajiyad Big UP ah, Bileedh Number-keeduna yahay GT 606 oo xafiiska Caafimaadka Gobolka ay ugu deeqday Hay'ada ICD dhawr sano ka hor iyo Mini Bus Number-kiisu yahay 632 GT oo Wasaarradu iibsatay, ayaa la sheegay in midkood cilad u fadhiyo, ka kalena daalay. 


Gabiley News Desk 
hargeysa Somaliland

--
Ahmed Hassan Arwo


No comments:

Post a Comment