Friday, May 11, 2012

Waraysi Gaar Ah: Wasiir Axmed Cabdi Xaabsade

Waraysi Gaar Ah: Wasiir Axmed Cabdi Xaabsade

Hargaysa,(Geeska Afrika )-Wasiirka hawlaha guud iyo gaadiidka  Md. Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa markii igu horaysay ka hadlay  guddida wada hadalada Somaliya ee lagu daray, kana waramay khibradiisa waayo aragnimo iyo waxii uu u soo joogay, sida uu u arko dhaliilaha xukuumada uu ka tirsan yahay loo soo jeediyo, xaalada goabalka Sool iyo wasaarada uu haatan wasiirka ka yahay.

Wasiir Cabdi Xaabsade waxa uu arimahan kaga waramay waraysi gaar ah oo uu xafiiskiisa ku siiyay wargayska Geeska Afrika, waxaanu u dhacay waraysigaasi sidan.

Ugu horayn  wax =aad war baxin kooban naga siisaa wasaarada hawlaha guud ee dhawaan wasiirka lagaaga dhigay?

Wasaarada hawlaha guud ee aan hadda wasiirka ka ahay, waa wasaarad culus, dalkana u haysa macne weyn, wasaaradan waxay haysaa dhismayaashii dalka oo dhan iyo gaadiidkii dalka, labadubana maanta waxay u baahan yahiin in laga shaqeeyo oo wax laga qabto, nashqadii qaranka ayaa ay wasaaradani haysaa oo aan raacnaa, miisaaniyada ay ku shaqayso iyo hawsha laga doonayaana waa wax kala badan, markaas miisaniyadan maanta la ansaxiyay aniga way iga horaysay oo kama aanan hawl galin, laakiin wax lagu shaqayn karo waa ay ka yartahay, hasa yeeshee dalkoo dhan ayaa iska faqiir ah, dhib kalena ma jirto oo hawshii waa in la qabtaa, waxii lagu qaban lahaana dawlada ayay u taala in laga helo.

Mudane wasiir waxa aad ku jirtay gudidii loo xulay hordhaca wada hadalada Somaliland ay Somaliya la galayso, wada hadaladaas qaab caynkeeya ayaad ku bilaabaysaan? Mida kale wasiiradii kale waxay kugu tilmaameen inaad ugu weyntahay da' ahaan uguna khibrad badantahay, arintaas iyadana sideed ugu faa'idaynaysaa?

Horta sideedaba Somaliland iyo Somaliya waxay ahaayeen laba dal oo walaalo,oo jaar ah, oo xadna kala leh, laba dawladood oo reer Yurub ahina ay kala xukumaan, nasiib daro iyo nasiib wanaag miday doontaba ha noqotee waa laysku geeyay, mudadii laysku geeyay anigu talaabaday qaadaba waan la socday, ilaa markii xoriyada la doonayay ee Ingiriiska la waydiisanayay, ilaa markii laynoo ogalaaday iyo isku darkiiba, runtiina Somaliya may doonayn inaan raacno, laakiin Somaliland ayaa ku qasabtay, waanata keentay in la yidhaahdo wax la kala qoranayaa ma jirtee, duuduubkaas aan ku galno, duuduubkii muddo yar oo aan bil dhamayn ayaa laga soo booday, ilaa maanta burburkaas la soo gaadhay, Somaliland tabashadeedu waa ay taagnayd, inqilaab shacbi ah iyo mid milatariyaba waa laysku dayay, intaasba waa ay soconaysay, imikana anigu ma arko wax dib laysugu noqdo.

Waa la xisaabtamayaa waa laysku tagayaa, waxa waaqica ahna waa lagu wada hadlayaa, hadday garawsadaan walaalahayo inaanu ka go'no, waa ahlan wasahlan, hadday garawsan waayaana muranku waa uu iska taagnaanayaa.

Gudidayadii la saarayna wali isumaanu iman, waxaana naga carqaladeeyay inaan isku nimaadno markii wada hadalkaan ku soconay lagu soo daray laba nin oo Somaliland ka tirsan, waxaana looga jeeday si ay carqalad u timaado, markaas anaguna waanu diidnay inay nimankaasu soo galaan, waayo waxa shirkii London lagu go'aamiyay Somaliland oo gaara iyo Somaliya oo ay matasho dawladaas kumeel gaadhka ah inay wada hadlaan, Somalilandna xadbay leedahay dadna wa ay leedahay.

Wasiir Xaabsade xukuumadan aad kamidka tahay dhaliilo badan ayaa loo soo jeediyaa, dhaliilahaas sideebaad u aragtaa?

Anagu dhaliilo uma aragno ee waxaan u aragnaa mucaarad, dawlada Axmed Siilaanyo waa dawlad la soo xulay oo hawsheeda qabsan karta, oo intaanu qabanay labada sanno ee wax yar ka hadhayna waa wax la taaban karo, markaas ninka maanta dhaliil sheegayaa waxanu ogayn dhaqaalaha dalka, waxaanu doonayaa in lacag inta layska soo qaad qaato oo cid walba la siiyo, waxyaabaha badan ee laga cabanayaana waxa weeye dawladii hore dadka ayay wax siin  jirtay, tana shaqaalahii ayay lacagtii u kordhisay.

Adiga oo mahadsan xaalada guud ee gobalkii Sool bal wax warbixin aha naga sii?

Qaylada iyo dagaalkaas aad arkaysaan waxa wada, niman yar oo iyagu dan gaar ah leh oo aan u danaynayn dadka meesha dagan, dadka nina igama jecla inay wanaag helaan, waayo waan ka dhashay,waan ku dhashay,waxna waan ku bartay, waar wax sheegta ayaa la leeyahay oo gogal soo fadhiista hadlana, xagaasna waxa la leeyahay ha hadlina ee meesha ka taga, iskuulada ha galina ee qalimaanta tuura, xabad baanu idiin soo diraynaaye qaata xabada, umaddana looma hoggaamiyo meel halaag ah, walaalahay waxaan leeyahay halaaga iska saara oo wada hadal qaata, dooda, haddii waxii aad doonayseen la yeeli waayo markaas hadla, laakiin marka ugu horaysa nin kugu yidhi aan wada hadalno waa aan heshiino, lamana diidi karo gaalo iyo islaam cidii ku tidhaahda aan wada hadalno. Gogashiina dhiga oo fadhiista anaguna waanu idiin imanaynaa, waxaad doontana sheego xataa xidigaha cirka, laakiin horta wax sheego.

 Muddo bil iyo ayaamo ah deegaanadaas waxba kama  ay dhacin, daganaasho ayaana ka muuqda, daganaashahaasu maxuu  salka ku hayaa, ma wada hadalo hoose ayaa jira?

Dawladu wax dagaal ah ma wado, waxa jirtay mar Kalshaale qolaba mar soo weerartay, laakiin hadda dawladu waxay taagantahay aan wada hadalno, aanu wada fadhiisano, wax allaale iyo waxaad doontaan waraaqdaas cad qaatoo ku qorta, dadkuna dad kala maarmaya maaha, Puntland waa la diiday, Xamarna horaa looga yimi, Somalilandna waxa loo wada qaatay in aan dawladan wada dhisano waana la wada dhistay,bina'aadam baynu nahay oo khaladaad badana waa ay iska jiraan,laakiin waxay hadda taagantahay aynu wad hadalno oo wax qaybsano isuna nimaadno oo aynu walaalawno.

Geeska Afrika

No comments:

Post a Comment