Sunday, June 17, 2012

DAREENKEYGA IYO SUCUUDIGA 20 SANO KA DIB-3


DAREENKEYGA IYO SUCUUDIGA 20 SANO KA DIB-3
Geerida iyo aaska Aamiir Na'if Bin Cabdiasiis

Ahmed Arwo

Maanta waxaan halkan ku soo qaadi doonaa dhacdo soo jiidatay indhaheyga iyo qalbigeyaga, waa geerida Alle ha u naxariistee ku timid amiirka ku-xigeenka boqorka NaĆ­f in badana ahaa wasiisrka gudaha. Waxa aynu ka war haynaa sida dalal badan oo xataa dalkeenu ka mid yahay ay u dhinac maraan habka loo aaso madaxda iyagoo ku dheeha dhaqan ka soo jeeda kristaanka oo bigil, miisik baroor ah iyo gaardi askar iyo calanka oo lagu duubo ku sagootiya madaxda inaga dhimata.
Maanta intaasi mey dhicin. Calan lagu duubay ma jirto, sanduuq la qurxiyey lama saarin, gaardis iyo rasaas looma ridin, bigil looma afuufin. Mara caadi ah ayaa lagu kafnay deedna naxash dul qaawan ayaa lagu qaaday, mey qaadin cid aan ahayn wiilashiisa kuwa uu dhalay iyo kuwey sii dhaleen iyo kuwuu adeerka u ahaa. Waxa amiirka lagu tukadey salaada maqrib ee xaramka. Waxa ku tukadey dadweyne jinsi kasta leh oo ka dhex muuqda agagaarka boqorka iyo reer Cabdicasiis. Waxa iga yaabisay sida hawsha yar ee nabadda loo sugay iyadoo cidhiidhiga lagu hayo boqorka iyo sida dadweynahu ugu dhowyahay oo jinsi kasta leh aan loo diidin lana joojin.

Waxa ka muuqatay sunaha diinteena aan ogolyn kibir, isweynayn, ee mar walba leyna xusuusiyo sinaanta, walaalnimada, wadajirka iyo kala sooc la'aanta. Waxa ruux kasta oo daawaday dareemayaa adduunku inuu yahay geedi nolasha joogta ahina tahay ta aakhiro. Ninka guuleystayna yahay kan aakhiro u saad qaata ee ayna ahayn waxa dunida lagu faano ee dahab, macadan iyo qasar leh, ee leh mansab iyo maqaam. Waxa guuleysta ninka aakhiradiisa mansabka uu hayo ku ilaashada, ninka ogaada in xisaabi ka dambeyso, ruux garta maqaamka uu hayaa inuu yahay mid u horseedi kara guusha janada amba hoogga naarta.

Xabaasha lagu aasay waa mid caadi ah, ma laha astaan iyo calaamda ka duwan kuwa muslimiinta ku aasan, ma laha qudbi iyo dhisme, ma laha dhex iyo meel magac lagu qoro. Waa god la qoday deedna dhinaca dhulka loo dhigay oon lahayn sanduuq iyo wax dhulka ka xiga, deedna ciida lagu boobay oo lala simay xabalaha ka horeeyey. Waa mid muujineysa sinnaanta diinteenu inta badan inoo dheegtay, waa ciddii wax ku qaadanaysa..dhegaha waansan ayaa wax maqla. Dunidu waa geedi ee noloshu waa aakhiro.
Alle ha u naxariistee Amiirkani waxaa lagu tilmaamaa nin dhinaca amaanka dalkan dhisay ahaana tiir adag oo nabadda xujaajta iyo xajka mas'uuliyad gaar aha iska saaray oon cidna ku haleyn. Waana mas'uuliyad eed badan, adag oo dhib badan.
Waxa uu halhays u lahaa erey noqday calaamada ciidanka booliska oo aha "ASKARIGA KOOWAAD EE NABADDU WAA MUWAADINKA"
Erey kale ayaan anigu ku xusuustaa. Iyadoo la weydiiyey waxa uu dumarka ugu diidan yahay darawalnimada ayuu si hawl yar ugu jawaabay " Ma diidani ee ha ogolaadaan dadweynaha Sacuudigu… sowdinka yidhaahda dimuquraadiyadu waa waxa inta badani dooneyso…haddaba ha la gaadha kolka inta badani sidaas doonayso….ha ogolaadaan waalidkood iyo walaaladood "

Maqaalkan umaan qalin qaadan inaan wax ka sheego wax qabadka iyo waxyeelada Amiirka Alle naxariista janno ha ka waraabiyee, ee waxaan rabaa inaan dareenkeyga idinla wadaago iyo habka fudud ee ku salaysan shareecada Islaamka ee aaskani u dhacay iyo sida dhaqanka gaaladu u bedeley habka aynu u aasno madaxdeena. Waxaana habboon in aynu dib ugu noqono diinteena. Marka uu ruuxu ugu dhowyahay Illaaha abuurtay aynaan ku sagootiyin dhaqan ka soo jeeda diin kale iyo gaalnimo. Aan tuurno calan duubka, bigilka, heesaha baruur diiqda ah, gabayga iyo ciidanka naxashka la qurxiyey gaadaa-socodka ku qaada.

Waxuu noqday Amiirkii ugu horeeyey ee Xaramka lagu tukaday Makanna lagu aasay iyadoo cadadu ahayd in lagu aaso Riyaad, taas oo lagu sifeeyey inuu isagu ku dardaarmay.
Inaa lilaa wa inaa ileyhi raajacuun. Alle ha u naxariistu Amiir Na' if Bin-abdicasiis ehelkiisa iyo umaadda Sacuudigana ha waafajiyo duco iyo samjir.

Axmed Xasan Carwo

http://samotalis.blogspot.com/

No comments:

Post a Comment