Monday, June 25, 2012

HANBALYO IYO BOGAADIN KA TIMID LA-TALIYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA, MUDANE AXMED XASAN CARWO XUSKII 52NAAD EE 26KA JUUN, MAALINTA XORRIYADDA SOOMALILAND


The Office of Somaliland Presidential Advisor on:
 Economy, Commerce, and Investments.
Mr. Ahmed Hassan Arwo

002522 409 64 21

HANBALYO IYO BOGAADIN KA TIMID LA-TALIYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA, MUDANE AXMED XASAN CARWO
XUSKII 52NAAD EE 26KA JUUN, MAALINTA XORRIYADDA SOOMALILAND


Waa 26kii Juun, waa ayaantii qarannnimada Soomaliland, waa hooyadii taariikhda, waa hooyadii halganka SNM. Waa dharaartii aynu noqonay qaran jira, madax banaan oo dunida laga aqoonsaday. Maalin farxad iyo reynreyn, maalin guul iyo damaashaad, maalin himmilo wacan iyo mustaqbal nuuraaya. Waa maalin siyaasiintii xiligaasi ku hamiyeen mideynta shanta Soomali. Dal weyn iyo dad badan oo isu hiloobay.

Waxa hammigaas dhooqeeyey ciddii dhinaca koonfur talada u qabatay ee ilowday israacu inuu ahaa dhabada loo maraayo mideynta shanta Soomaliyeed. Waxay ka dhigteen inay xukunka ku qadhaabtaan kana dhigaan dukaan ay leeyihiin iyo hanti u gaar ah. Isla 1961 kiiba reer Soomaliland wey ka biyo diideen sida wax u socdaan. Waxa fashilmay inqilaab lagu soo celinaayey gooni-isu-taaga Soomaliland. Waxa iyana cod weyn lagu diiday dastuurkii loo codeeyey 1961 dhinaca Soomaliland. Waxa cadaalad daradii iyo maamul xumadii keentay ina ay baabaday himiladii seddexda maqan lagu doonaayey. Waxay seddexdu arkeen maamulka labadii israacay sida loo xumeeyey, waxayna noqdeen qaar ka fogaada, kana jeesta baaqii beenta ahaa ee Xamar ka soo birqamaayey.
Waxa xigtay tu ka daran oo askarti xukunkii la wareegtay deedna xumaniba xumaan sii dhasho. Waxa bilaabmay diidmadii cadaalad darada, oo noqotay xasuuq, dil, dhac, burburin, duqayn magaalo cir iyo dhulba iyo qixii magaalooyinka looga yaacay ayda iyo bisaaska. Waxa xoogaystay halkankii hubaysanaa ee SNM guushuna waxay ku biyo shubatay 18 May 1991 iyo la soo noqooshadii xorriyadda iyo madaxbanaanida.
Intaas oo dhammi waxay ka dhasheen oo hooyo u aha 26ka Juun 1960 ee aynu hogaanka dalkeena gacanta ku qabanay, kana saarnay gumeysigii Ingiriiska ee qarni ku dhowaadka dalkeena haystay wax qabadna ka madhnaa. Waa maalin xusuus wacan, waa maalin qaranku midnimo ku ciido, waa maalintii Soomaaliland noqotay dal xor ah oo adduun weynaha ka m id ah, helayna aqoonsi caalami ah.
Waxaan halkan hanbalyo iyo bogaadin u dirayaa bulshaweynta Soomaliland, qurbajoog iyo dal-joogba, xukuumadda baar ilaa sal, Golayaasha Sharcidejinta, Ciidamada, Shaqaalaha, Ganacsatada, muruqmaalka, xoola dhaqatada iyo beeraleyda, Soomaliland oo dhan rag iyo dumar, wiil iyo waayeel, waxaanan leeyahay xusa 26ka Juun oo qadariya maalinta xorriyadda. Ku waara nabad, naruuro, bashbash iyo barwaaqo.
Guul iyo horumar.


Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga.
Temp. Contact: Riyadh, Saudi Arabia ( 054 054 2267)  

http://samotalis.blogspot.com/


No comments:

Post a Comment