Sunday, June 17, 2012

Weerarkii Tukaraq+sarkaal dilay sarkaal kale iyo laba askari+ hanbabarkii Cadami


Weerarkii Tukaraq+sarkaal dilay sarkaal kale iyo laba askari+ hanbabarkii Cadami


Hargysa,-Ciidamada Somalilanad ee deganaa jiida Ganbadha ayaa saaka ku ruqaansadey tuulada Tukaraq oo ku dhaw soohdinta kala badha maamul goboleedka Puntland iyo Somaliland,hase yeeshee sida warar xogogaala oo aanu ka helay dad degan gobolka Sool oo aanu la xidhiidhnay noo xaqiijiyeen inaan degaanka Tukaraq ka dhicin wax khasaare naf iyo maalba ah oo ilaa hadda la soo sheegay balse maleeshiyo beeleedkii Khaatumo State ee halkaas ku sugnaa u baxsadeen ama u kolonyeystaan jihada Koonfureed, lana ogeyn ilaa hadda meelay jaan iyo cidhib dhigeen.Wararka iska soo daba dhacaaya ee aanu helaynaa waxay sheegeen in ciidamada qaranku ku soo laabteen fadhiisamadoodii ka dib markii ay kala eryeeen maleeshooyinkii halkaas deganaa oo la sheegay inay maalmahanba soo kordhayeen.

Wararkaanu ilaa hadda na soo gaadhayaa waxay tibaaxayaan in sarkaal hubaysan oo ka tirsan ciidanka qaranka oo ka soo jeeda gobolka Sool saaka rasaas la dhexqaaday ciidanku ka tirsanaa halkaasna ku dilay hal sarkaal, dhaawacayna sadex askari oo dhamaantood ka tirsan ciidamada qaranka markii laysku af-dhaafey qadiyadii dagaalka saaka ciidamada qaranku ku qabsadeen Tukaraq.

Dhinaca kale wasiirka wasaarada gaashandhiga Cadami oo goor dhaweyd shir jaraaid ku qabtay hargeysa oo ka hadlay weerarkaas ciidamada Somaliland ku qaadeen jiida Tukaraq ayaa ku sheegay in sababta ciidamadu goobtaas u weerareen ahayd inay kala eryaan maleeshiyooyin u daacad ah Khaatumo State oo beryahanba Tukaraq isku urursanaayey, wuxuuna intaas raaciyey inay ciidamadoodu ku soo noqdeen fadhiisamadoodii awelbana ujeedadoodu ahayd inay maleeshiyadaa kala eryaan balse may rabin inay tukaraq qabsadaan ayuu raaciyey.


--
Ahmed Hassan Arwo


No comments:

Post a Comment