Thursday, August 16, 2012

AYAAMAHA BARAKEYSAN IYO CIMRADII XARAMKA-1


AYAAMAHA BARAKEYSAN IYO CIMRADII XARAMKA-1 

Ahmed Arwo 
La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha 

Assalamu calaykum. Hor iyo horaan Alle heynaga yeelo kuwa bishan barakeysa iyo ciidda uu naarta ka xoreeyo. Ciid wacan oo wanaagsan. Alle ha ka yeelo ayaamahan barakeysani qaar nabad iyo wanaag muddo dheer oo fog inagoo caafim qabna inagu soo noqnoqda. CIID MUBARAK DHAMMAANTIIN. Amiin. 

Waxa dhammaad ah bisii barakeysnayd ee ramadaan, bishii quraanka, bishii raxmadda, bishii cibaadada, bishii taraawiixda, bishii dambi-dhaafka iyo toobadda. Waxaan ku bilaabay kheyr iyo salad, quraan akhris iyo tasbiixi sida islaamku u badan yahay. Anigoo muddo dheer ku noola dal aan eedaan iyo dhaqdhaqaaq salaadeed lahayn, ayaan macaansaday kolka afarta geesoodba dhowaaq kuugu yeedhaaya kheyrka iyo salaadda Alle ka yeedhaan. Waa macaan uu garanaayo ninkaan muddo maqlini. Ruux kale waa u caadi. Kaba daran ee qaarbaa leh maxaa mikarofoonka hoos loogu dhigi waayey. Waa adduun oo nimcada Eebbe ciday ka maqantay ayaa qiimaheeda og. 

Waxaad arkeysaa masaajidii oo camiran lana soo buuxiyey caagado biyo ah oo dadka tukanaaya loogu talogalay. Waxaa maqribka iyo cishaha u dhexeeya 2 saacadood oo ruuxu cunto iyo inta uu maqribka tukanaayo noqonaysa. Waxa bilabmeysa taraawiix aan degdeg ahayn aadna u dheereyn ee dhexdhexaad ah iyo quraan si luuq macaan ah loo akhriyo, oodna daal iyo haamansi lahayn. Waa arrin ruuxi ah iyo dareen qalbi. 

Haddaba aan u talaabo dulucda maqaalka iyo socdaalkaan ku booqday beytka Alle. Waxay aqoontu iyo horumarku, oo Sacuudigu si weyn uga faa'ideystay, ay keentay in wax walba si hawl yar loo qabto loona helo. Dhowr cisho ayaan internetka baadhay inaan helo safarka ugu habboon een ayaamaha barakaysan aan cimradeyda ku beegi karo. Waxaan helay dayuurad baxaysa 23ka Ramadaan oo hal qof ka dhimantay. Waxbaba kuma xidhna ee waxaan buuxiyey magacayga iyo halkaan ka dhoofaayo iyo halkaan u socdo, deedna waxa ley furay sidaan lacagta ku bixin lahaa. Waxaan ku baxshay VISA card UK ah. Ticketkii ayaa email leygu soo diray. Intaas kumaan joogsan ee tigidhkii diyaarad fuulka ( Boarding Pass) ayaan arkay in isna aan goosan karo 12sacadood ka hor safarkeyga. Xiligaas ayaan baaskii diyaarad fuulka buuxsaday ayaa waxa iga yeebisay in telefoonka message ahayn aan ku helaayo. Taas ayaan qaatay ilaa dayuuradiina telefoonka ayaan u furaayey. Wax kale oo weydiin ah lama kulmin. Taas waxaan u soo qaatay siday ahayn jirtay intayada ogayd inay garaneyso sida wax isu bedeleyn. 

Cibaadadu waa niyadda. Kolka aad niyooto ayaa culays kaa hadhayaa. Sheydaan iyo waswaas iyo wasakh adduun ayaad iska meydheysaa. Waxaan ixraamka ka xidhay guriga iyo magaalada Riyaad. Inagoo qushuuc iyo labayk alaahum ma labeyka….. qalbaga ka akhriyaaya ayaan dayuuradi fuulay. Aniga cidi ilama socoto oo keli ayaan ahay, laakiin dayuuradda inta badan rakaabku waa sideyda oo wey ixraaman yihiin. Saacad iyo badh dabadeed ayaanu ku degnay madaarka Jidda. Isla albaabkii aan ka soo baxay ayaan maqalay nin ku qaylinaya…Xaram..Xaram iyo baabuurtan yaryar ee toddobada kursi leh..nasiib wanaag waxa ka dhiman laba qof degdeg ayaan u fuulay oon uga dheereeyey dhowr qof oon isku mar soo baxnay..Rakaabki waxuu noqday caalamka islaamka..waa Sacuudi, Aniga, Suuri, Masri iyo Malaysian. 

Dariiqu dhowaayo kolkaad tasbiix iyo duco naftaadu laasinto, eed ka dhoofto waayaha adduunka iyo werwerkeeda. Durtaba gaadhnay Xaramkii oo agtiisa intaanu ku degnay dhex qaadnay moojadu dad ah oo gees walba ka imanaaya. Waxaan wataa shandad yar oo dhar aan is leeyehay ixramka iskaga bedel ay ku jiraan. Waan ka war haya inaan ley ogolaanayn inaan Xaramka la galo. Waxa kolkaas maskaxdeyada ku jirta inaan dukaan iska dhigo haddi ley diido. Kolkaan ku dhowaaday xaramka ayaan arkay boodh weyn oo leh Waa meesha lagu kaydiyo shandadaha. Maa shaa Alla. halkiibaan dhigtay oo 5 riyaal iyo shan saacadood ah. Baarakala bi rakhiis…waa 80 pence oo UK ah iyo 5 saacadood. Waa wax ay keentay aqoonta iyo ilbaxnimada iyo hawsha Sacuudigu ula diyaarka yahay ilaalinta dadka u soo dhoofa cibaadada Alle ku waajibiyey noqdayna martida Alle. 

Sidii anigoo u sooman ayaan casar galay Xaramkii..jidhkeyga waxa soo gashay nafaqo iyo ruux kordhiyey awoodii jidhkeyga xoog iyo nafsiyanba. Waxaan raacay leynka cagaaran ee kuu hogaaaminaaya Kabcada anigoo ka galay albaabka Boqor Fahade kuna xiga albaabka Boqor Cabdi Casis. Kolka indheheygu qabteen muuqaalkii Kabcada ayaa jidhkoo dhami dareen galay. Weynida Alle iyo takbiirta kolkaan qaaday ayaa indhehu I qoyeen..kolkaan u sii dhowaadaba jidhkaa waxa ku soo kordha lexaad. Dadku garabka ayey isku hayaan. Cidhibtaa leysku dhufanayaa, garbiska iyo riix, qofna qof eegimaayo oo qushuuc iyo dareen jeceylka Alle ayaa dad madaxa iyo qalbigaba si wacan u buuxiyey. Askarta iyo inta nidaamka wadaa, waxaan hadal qabow ahayn iyo waano ma leh. Askar hanjabaad iyo hadal adeg laga waayey, waa duul cabsida Alle yaqaan, ogsoon karaamada guriga Alle iyo martidiisu leedahay. Waa duul tababar gaar ah leh, dulqaadkoodana aan cidi qiyaasi karin. 

Kolkaan dawaafkii soo dhammeystay ayaa maqrib la adimey. Waxa timir la qaybinayey ley dhiibay dhowr midh kolkaan fadhiisaty ee la adimay yaan nin agteyda jooga arkay oon timirtii wax ka siiyey. Haddana biyo ayaa naloo qaybshay. Sidiibaan ku bilaabay inaan sacyigii guto waa toddoba jeer oo Safa iyo Marwa la dhex soconaayo meelaha qaarna la ordaayo amba la gucleynaayo. Iyana waan dhammeystay, waxa soo dhowaatay Cishihii iyo taraawiixdii. Meel loo baxaa ma jirto oo qofka baxaa siduu u soo noqon ma leh. Sidiibaan ku galay Cishihii iyo taraawiixdii. Haddaba waxa la yaab leh inaanan marna dareemin gaajo iyo daal. Waxa afkeyga galay waa laba koob oo biyo ah iyo 3 hal oo timir ah. Waxaan xusuustaa waxaan saanbuusi, quraac, khudaar, shurbad, shah, keek, timir, casiir, caano, iyo biyo aan afurka cuni jiray iyo maanta oon sidan ahay, ayaan haddana maanta ka awood badanay kana gaajo yaray. Ma sha Alla. Waa niyadda gaajadu, raaxaduna waa tan qalbiga. 

Kolkaan taraawiixda dhammeystay ayaan u dhaqaaqay inaan masjidka ka baxo. Khalqi sida daadka u sinsimaaya oo ax iyo ax toona lahyn ayaan muddo ku dhex jiray. Waxaan u baxay barxadii debedda mise iyana waaba masjid oo waliba ay u dheertahay in dadka qaar jiifaan, hurdaan, qaar cuntu ku cunayaan. Lugtaad qaadaba waa inaad hoos u eegtaa halkaad dhigeyso. Barxadda waa qabow iyo naacow macaan, waxaad video ku arki doontaa muruwaxado waayeen oo naacaw biyo qabow ah hareeraha ku soo afuufaaya barxadda. Waa arrin kale oo horumarku keenay. 

Dhibta manta taagani waa hurdada iyo cuntada. Waxa la dumiyey caro dhan oo hoteelo iyo dukaamo ahaa. Waxa soo hadhay mool ( Shopping Mall) iyo hotel ku dhegan barxadda oo aan sinaba ku filnayn baahida daka. Waa se mid lagaga bixi doono kolka dhismayaasha hadda socdaa ay wada hawl galaan. Waxa hadaba la helay in leysu dulqaato. Meel kasta qofku wuu seexan kara, wax ku cuni karaa. Waxaad arkeysaa dukaan hortiisa iyo ilaa gudihiisa cunto lala fadhiistay. Inta dukameysanaysaana ka talaabsanayso, ninka meesha lihina aanu waxba ka qabin. Xaataa waxaad arkaysaa dariiqa cidhiidhiga ah ee baabuurta oo darafyadiisa bacadle iyo wadhato laga dhigay. Dawlad hoose iyo mid sare toona ayna waxba ka qabin. Waa diintaana macaan ee ina faraysa inaynu u dulqaadana dhibta, isu naxno danyartana hoos u eegno. Dadka niyadda wacan u yimid waxay yihiin kuwa cidhiidhiga mara ee u dhowaada kabcada, ma aha kuwa Hoteelka masjidkiisa ku tukada ee awoodda dhaqaale leh. Waa mid ay ku tusayso in lacagtu kaa fogeyn karto kheyrka haddaadan iska jirin. Waxa se jira rag badan oo awood dhaqaale leh bal se cimradooda u mara dariiqa danyarta. Waa sida keliya eed ugu dhowaan karto Kabcada. 



Waxaan galay saf dheer oo aan cunto ku iibsado. Anigoo weli saf ku jira oo 3 sacaadood ku dhowaad ay iga qaadatay ayaa loo kacay salad tajahud. Waan ka baxay oo hotelka xaramka iyo dugaamada dushooda ayaa masjid weyn oo ah kan ay madaxduna ku tukato oo isla barxadda masjidka saran ayaanu galnay waaba masjid aan ka yareen barxadda debedda ee dadku is buuxdhaafsahy. Kolkaan salaadii dhammeystay ayaan cunta doontay, hadda saxmaddu wey yartay laakiin wax saacad ka yar ayey iga qaadatay inaan helo bariis iyo digaag, kolkaan soo qaatay bal adba hel meel aad la fadhiisato. Waxan arkay qoys reer Senegal ah oo la cidhiidhsan karo. Nasiib wanaag ayagaaba garaty oo wiil yar ayey kiciyeen ana halkiisii igu soo dhoweeyeen. Waa meel raxmad iyo naxariis taalo, qof walba waxuu rabaa inuu ajar shaqaysto, inuu soo dhoweeyo martida Alle, inoo dulqaato, inuu noqdo kan lagu qaldamo, intuu noqon lahaa ka qaldama. 

Kolkaan cunteeyey, ayaan isla markiiba goostay inaan salaadda subax ku dhowaado Kabcada. Nasiib wanaag meel wacan oon jidhjiidhna lahayn oo ah taaga ugu horeeya ee masjidku barxadda Kabcada xadkeeda ah yaan helay. Waxa kaabad yar oo dhowr qof noo dhexeyso ku tukanaysa haweeney Shiina ah oo da'ah. Askar iyo wadaadba wey kaxayn kari waayeen si ay u geeyaan halka dumarku ku tukado. Waxa la yaab ah qushuucda ruuxaas ka muuqta waxay duco iyo oohin la kala baxday, deedna waxa ku adkaatay wadaadadii inay saaraan, waxay yidhaahdeen haddaanu deyno dumarka kale ayaa ku dayanaya. Caala kuli xaal macaa anagii waxaanu isla garanay in la daayo. Hadalkeedii waxa laga garatay inay tidhii ilaa cimrigeya ayaan sugaayey inaan ku tukado meel Kabcadu iiga muuqato. Maantaan hayaa kana tegimaayo… Dumar kale oo isku dayey kolkii loo xaal waramay wey iska tegeyn. 

Ducooyinka Xaramka waxaad had walba ka maqleysaa iyadoo Madaxda Islaamka loogu duceynaayo in Alle tuso wanaaga kana dheereeyo xumaanta. Inagu taas ma nidhaahno. Kolkaas ayaan idhi horta maxaa inoo diiday inaynu madaxdeeyna u ducayno iyo madaxda Islaamkaba. Waxaa dalka iyo madaxdaba ugu soo duceeyey in Alle ina tuso xaqqa iyo wanaaga, inagana fogeeyo xumaanta iyo waxii inoo horseedaaya naarta. Allow Madaxeynaha iyo madaxda kaleba tus una fududeey halka danta dadka iyo dalkuba ku jirto, Allow ku garab gal wax kasta oo wanaaga ah oo ay qabanayaan mid diineed iyo mid duunyaba. Allow nabadda noo xooji, oo na tus macaankeeda, nagana dheeree colaadda iyo dabkeed. Allow roob, raxmaad iyo barwaaqo dhaqaale noo fur adaa rasaaq ah oo khalqigaaga dhergin karee. Allow naga yeel dadka ka fogaada eexda iyo dulmi talinta, Allow nagu hanuuni cadaaladda iyo tubta toosan. Aamiin. 

Waxaan kolkaan cimrada dhammeystay qaatay mobilkeyga oon ku soo duubay socdaalkan barakeysan oo ii noqon doona xusuus ma guurta ah. Guji linka hoose si aad video ahaan u daawatid. 

Idina ii soo duceeya in Alle iga aqbalo Cimrada, soonka iyo salaadda, idinkana sidoo kale heydiinka aqbalo. 

Alle heynaga yeelo kuwa uu bishan barakeysan uu naarta ka xoreeyo. Aamiin. 






Mahad oo dhan Alle ayaa leh. 

Ciid Mubaarak waa kuli caam wa intum bil kheyr. 

Ciid wanaagsan oo wacan, waa inoo kulan dambe iyo qaybta labaad. 



Axmed Xasan Carwo 

La-taliyaha Madaxweynaha ee 

Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga 

http://samotalis.blogspot.com/


No comments:

Post a Comment