Thursday, October 25, 2012

LA-TALIYAHA MADAXWEYNHA EE DHAQAALAHA OO DIRAAYA HANBALYADA CIIDDA

LA-TALIYAHA MADAXWEYNHA EE DHAQAALAHA OO DIRAAYA HANBALYADA CIIDDA

Waxaan hanbalyo iyo bogaadin u dirayaa ummadda Soomaliland, shacbi iyo xukuumad, yar iyo weyn, dumar iyo rag munaasabadda ciidal Adha Al- Mubarak. Sidoo kale ayaan hanbalyada u dirayaa ummadda Islaamka si gaar ahna inta ku abtirsata Soomalida ee ku nool Soomaliya, Kiinya, Itoobiya, Jabuuti iyo qurbajooga Soomaaliyeed. Waxaan dhammaan inoo rajeynayaa Ciid caafimmad, Ciid dambi-dhaaf, Ciid naxariis iyo In Alle qof walba u fidiyo muraadkiisa ifka iyo aakhiro waxii kheyr ugu jiro.

Waxaan Hujaajta Alle uga baryayaa inuu xajka ka aqbalo, kuna soo guryo celiyo dalalkooda iyagoo nabad iyo caafimmad qaba. Allow maytidayada iyo kuwa Islaamkaba ka yeel kuwa ku naalooda qabri waasac ah oo u furan janatul fardows. Amiin.

Ciid Mubarak iyo ayaan soo noqosho badan oo kheyr iyo badhaadhe iyo naxariis leh.

Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynha ee
Dhaqaalaha, Ganacsiga, iyo Maalgashiga

eci.advisor@gmail.com
Hargeysa

http://samotalis.blogspot.com/


No comments:

Post a Comment