Monday, October 29, 2012

Ururka Rays Oo Gabiley Ka Soo Sharaxay Musharax Ka Soo Jeeda Bariga Burco Iyo Dad-Waynaha Oo Siyaabo Kala Gedisan Ufasiray Musharaxnimadiisa.

Ururka Rays Oo Gabiley Ka Soo Sharaxay Musharax Ka Soo Jeeda Bariga Burco Iyo Dad-Waynaha Oo Siyaabo Kala Gedisan Ufasiray Musharaxnimadiisa.
Musharax Xasan Cali Sh.Axmed (Xasan Barre) oo ka mid ah Dhalinyarada Gobolka Togdheer gaar ahaa bariga Magaalada burco...

Wajaale (GNS)- Urur Siyaasadeedka Rays ayaa Gobolka Gabiley ka soo sharaxay Musharax ka soo jeeda Bariga Burco ka dib markii uu ku guuldaraystay in uu buuxiyo tirada xubnaha laga rabo in uu Gobolka ka soo sharaxo. 

Musharax Xasan Cali Sh.Axmed (Xasan Barre) oo ka mid ah Dhalinyarada kasoo jeeda Gobolka Togdheer gaar ahaa bariga Magaalada burco ayaa ururka Rays uga sharaxan Doorashada Golaha deegaanka Somaliland Degmada Gabiley iyada oo dadka deegaanku siyaabo kala duwan ufasiteen Musharaxnimadiisa. 

Qaar ka mid ah dadwaynaha ku dhaqan magaalada tog-wajaale ayaa sheegay in Gudoomiyaha ururka Rays Xasan Gaafaadhi buuxinayo shuruud ka mid ah Qodobadii lagu heshiiyay shirkii gar'adag ee Beeshiisu ku yeelatay halkaasi, taasi oo uu tilmaamay in ay ka mid ahayd in Xubnaha beesha ka soo jeeda laga sharaxo gobol kasta inta xukuumadda Madaxwayne siilaanyo dalka haysto. 

Dadka qaar ayaa sheegay in ay tahay arin dimuqraadiyada kor u qaadaysa in musharax kastaa iska sharixi karo gobol kasta oo Somaliland ka mid ah haddii uu ka heli karo cod uu kusoo bixi karo doorashada. 

Waa markii ugu horeysay ee musharax ka soo jeeda bariga Burco lagu arkay isaga oo ka sharaxan golaha deegaanka Degmada Gabiley gaar ahaana magaalada ganacsiga ee Tog-wajaale oo uu hadda musharuxu ka shaqeeyo. 

Gabiley News desk 
Wajaale office

No comments:

Post a Comment