Sunday, December 30, 2012

Madaxweyne Ku Xigeenka Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Borama U Tagay Xal U Helida Mudaharaadkii Maanta Ka Dhacay

Madaxweyne Ku Xigeenka Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Borama U Tagay Xal U Helida Mudaharaadkii Maanta Ka Dhacay

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici iyo wefti Wasiirro iyo guurti isugu jira..........

Boorama (GNS) - Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici iyo wefti Wasiirro iyo guurti isugu jira ayaa galinkii dambe ee maanta u ambo-baxay Magaaladda Borama oo ay ka dhaceen Mudaharaado. 

Madaxwayne ku xigeenka iyo weftiga la socda ayaa halkaasi u tagay sidii ay u damin lahaayeen Mudaharaadadaasi oo ay dhigayaan dad ka cadhaysan dib u dhaca ku yimid maayar u samaynta Magaaladda Saylac, kuwaasi oo weliba xukuumadda ku eedeeyay inay faro-galisay doorasho Maayar cusub loogu doortay Magaaladda Saylac ee xarunta Gobolka Salal. 

Madaxwayne ku xigeenka iyo masuuliyiinta kale ee la scoda oo la filayo inay gaadhaan Magaaladda Saylac, ayaa caawa kulamo la qaadanaya Madax-dhaqameedka reer Awdal ee ku doodaya inay xaq u leeyihiin Maayarnimada Saylac oo dood adag ka taagan tahay, inkasta oo Mudanayaasha Guurtida kala socda qaarkood yihiin kuwii Madaxwayne Siilaanyo ka diiday qorshihii ahaa in beesha Awdal ka tanaasusho Maayarnimada Saylac ee ay ku doodayaan. 

Gabiley News Desk 
Boorama 

No comments:

Post a Comment