Sunday, December 30, 2012

Madaxweyne Siilaanyo Iyo Xubno Ka Mid Ah Salaadiinta Dalka Oo Ka Wada-hadlay Sidii Looga Wada Shaqayn Lahaa Nabad-gelyada

Madaxweyne Siilaanyo Iyo Xubno Ka Mid Ah Salaadiinta Dalka Oo Ka Wada-hadlay Sidii Looga Wada Shaqayn Lahaa Nabad-gelyada

Madaxwaynaha iyo salaadiinta Somaliland oo ay wehelinayeen Madaxwayne ku xigeenka Cabdiraxmaan..........

Hargeysa (GNS) - Hargeysa Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo) ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay qaar ka mid ah Salaadiinta Somaliland, kuwaasi oo uu marti qaad u fidiyey. 

Madaxwaynaha iyo salaadiinta Somaliland oo ay wehelinayeen Madaxwayne ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Guddoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa uu Madaxwaynuhu ugu soo bandhigay sidii Madax-dhaqameedka dalku uga door laxaadle uga qaadan lahaayeen ilaalinta nabadgalyada dalka iyo weliba sidii ay cid kasta oo dhibaato wada ugu waanin lahaayeen ilaalinta nabadgalyada. 
IMG_7739 
Kulanka Madaxwaynaha iyo Madax-dhaqameedka oo ahaa mid saacado aan badnayn socday ayaa waxa uu ku dhamaaday isfaham iyo in laga wada shaqeeyp nabadgalyada, iyadda oo Garaad C/rashiid Garaad Ismaaciil, Suldaan Naasir Suldaan Cabdi, Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi, Suldaan Cismaan Suldaaan Cali Madar iyo Suldaan Axmed Daahir Muuse oo warbaahinta kula hadlay gudaha Madaxtooyaddu ay sheegeen inay ku faraxsan yihiin casuumada uu Madaxwaynuhu u fidiyey, iyagga oo sheegay inay Madaxwaynaha isla qaateen sidii nabadgalyada iyo Madax-banaanida Somaliland meel looga soo wada jeedsan lahaa. 
IMG_7756 
IMG_7759 
IMG_7763 
IMG_7766 
IMG_7767 
Gabiley News Desk 
Hargeysa

No comments:

Post a Comment