Friday, December 28, 2012

Natiijada Xiisadihii ka Dhashay Doorashada oo Isaga Baxay Min Saylac ilaa Sanaag

Natiijada Xiisadihii ka Dhashay Doorashada oo Isaga Baxay Min Saylac ilaa Sanaag

Hargeysa-Natiijada xiisadaha iyo loollanka awoodeed ee ka dhashay Doorashada Goleyaasha Deegaanka ee dalka ka dhacday 28 November 2012th ayaa si isku mid ah u saameysay dhismaha hogaanka Goleyaashada Deegaanka ee Degmooyinka dalka iyo dareenka bulshada ku dhaqan min daraf ilaa daraf dalka.

Loollanka Siyaasadeed iyo qul-quladahaas oo ahaa kuwo meelo iska shabahay meelaha qaarkoodna ku kala gedisnaa, ayaa badi waxay salka ku hayeen laba arrimood oo ah hirdanka kuraasta hoggaanka Goleyaasha Deegaanka iyo kan kale oo ah tabashooyinka taageerayaasha Ururada/Siyaasada iyo musharaxiintii hadhay.

Haddaba inkastoo xulashada hoggaanka Goleyaasha Deegaanka ee dalku ay kala xaasaasiyad badnaayeen, hadana waxay ka sinaayeen arrimahan kor ku xusan, gaar ahaan marka laga yimaada Goleyaasha Deegaanka ee Degmooyinka Magaalo madaxda u ah lixda Gobo lee dalka, waxa mushkilada arrintani ku fiday xataa Degmooyinka Derajadoodu tahay B iyo C.

Tusaale ahaan waxa muran xoogani ka yimi xulista xubnaha buuxin doona jagooyinka Maayarka iyo Maayar-ku-xigeenka Golaha Deegaanka ee Degmada Saylac ee Xarunta Gobolka Selal, kadib markii is-mari-waa arrintaa ka dhashay sababay inay istaagaan hawlihii ay u xil saarnaayeen Xildhibaanada la doortay. Inkastoo markii dambe la doortay gudoon, hase yeeshe cabashada arrintaasi waxay hada u muuqdaan mid aan sidaa damin, maadaama Degmada Saylac ku taalo xuduuda Somaliland la wadaagto dalka Jabuuti, sidaa darteedna mid beelaha ugu badan ee deegaankaasi ay labada dalba Deegaan ka tahay.

Sidoo kale waxa loollanka iyo rabshadaha arrintani xiisado ka oogeen Magaalooyinka Boorama, Gabiley Hargeysa, Berbera Burco, Ceerigaabo iyo Degmada Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag.

Degmada Ceel-Afweyn oo hawsha xulista gudoonka Golaha Deegaanka Deegaanka Shalay ka dhacday, ayaa sida wararaku sheegayaan, waxa debad-bax arrintaa ku lagu diidan yahay Shalay Magaalada ka sameeyey dadweyne aad u tiro badan oo saluug ka qabay qaabka xulista gudoonka cusubi u dhacday. Arrintaasoo suurtogashay kadib markii 9 xubnood oo ka mid ah 17 xubnood ee Golaha Deegaanka cusub iska dhex doorteen Maayar iyo Maayar-ku-xigeen, iyadoo aanay arrintaa waxba socon 8 xubnood ee kale.

Mushkiladan baahday ayaa badi Deegaanada dalka waxa masuuliyadeeda Siyaasiyiinta Ururada/Axsaabta iyo dadweynuhu u sibir-saarayeen Xukuumadda oo iyadu rabta in hoggaan ka noqdaan Goleyaasha Deegaanka Xildhibaanada kasoo baxay Xisbiga talada haya ee KULMIYE ama xubno kale oo ay ku xilatay siyaalo kala duwan, hase yeeshee waxa marag-ma-doon ah in natiijada kasoo baxay xiisadihii ka dhashay Doorashadii Goleyaasha Deegaanku ay noqdeen ku saameeyey min Saylac – Sanaag dalka.

No comments:

Post a Comment