Thursday, December 6, 2012

TACSI KA TIMID LA-TALIYAHA DHAQAALAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA

TACSI KA TIMID LA-TALIYAHA DHAQAALAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA

Geeridii ku timid marxuum Cabdiwahaab Cumar Sheekh Muxumed oo ku geeriyooday magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska.


Waxaan tacsi u dirayaa ehelka, ubadka, tafiirta kale, gacalka, qaraabada, xigaalka, xito iyo asxaabta uu marxuum Cabdiwahaab Cumar Sheekh Muxumed
ka tegay meel kasta oo ay joogaanba . Sidoo kale waxaan tacsi u dirayaa shacbi weynaha Somaliland iyo gaar ahaan Xisbiga KULMIYE.iyo Degmada Gabiledy ee uu ka soo jeeday qoys magac weyn  ku leh.

Cabdiwahaab waxuu soo qabtay xilal badan oo xisbiga laamahiisa UK tan iyo intuu xisbigu jiray. Waxuu ahaa nin aan hawsha xisbiga, tan qaranka, danta guud iyo hawlaha jaaliyadda UK gaar ahaan Birmingham aan hagran waxna kala hadhin muruq, maal iyo maskaxba. Waxuu aniga ii ahaa saaxiib dhinaca siyaasadda aanu wadaagno aragtiyo mi9deysan.  


Waxaan Illaahay uga baryayaa inuu u naxariisto oo uu janatal fardows ku abaal mariyo, innagana dhammaan inaga siiyo samir iyo Iimaan.



Ahmed Hassan Arwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga
Hargeysa,
Eci.advisor@gmail.com



http://samotalis.blogspot.com/


--
Posted By Blogger to SAMOTALIS at 12/06/2012 12:59:00 PM

No comments:

Post a Comment