Sunday, December 23, 2012

War Deg-deg ah: Eng Yuusuf Warsame Siciid Oo Loo Doortay Maayarka Caasimadda Hargeysa, UCID Oo Maayar Ku Xigeenka Helay Iyo Dhaarinta Mudanayaasha Golaha Deegaanka

War Deg-deg ah: Eng Yuusuf Warsame Siciid Oo Loo Doortay Maayarka Caasimadda Hargeysa, UCID Oo Maayar Ku Xigeenka Helay Iyo Dhaarinta Mudanayaasha Golaha Deegaanka

 

 

Hargeysa  Dec 23,2012 – Golaha deeganka Caasimadda Hargeysa oo saaka yeeshay fadhigoodii ugu horeeyey ayaa waxa dhaarisay Maxkamada Gobolka Hargeysa, waxaana markaa ka dib ay iska dhex doorteen Maayarka iyo Maayar ku xigeenka Caasimadda Hargeisa.

Fadhigan oo ay ka maqnaayeen xildhibanada ka soo baxay urur siyasadeedeka Xaqsoor ayaa waxa Maayarka Caasimadda loogu doortay Eng Yuusuf Warsame Siciid oo ka soo baxay xisbiga tallada dalka haya ee Kulmiye.

Sidoo kale,  Xildhibaanada Golaha deegaanka ayaa waxay Maayar ku xigeen u doorteen Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cago-weyne) oo ka soo baxay xisbiga UCID.

Eng Yuusuf Warsame Siciid, ayaa waxa u coddeeyay 15 xildhibaan, inkasta oo xildhibaanada Xaqsoor madasha ka maqnaayeen.

No comments:

Post a Comment