Thursday, December 27, 2012

Wasiirka Maaliyada Oo Golaha Wakiiladda Hor-geeyay Miisaaniyad Sanadeedka Cusub Ee 2013

Wasiirka Maaliyada Oo Golaha Wakiiladda Hor-geeyay Miisaaniyad Sanadeedka Cusub Ee 2013

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa markii Munadanayaasha loo.............

Hargeysa (GNS) - Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa maanta golaha wakiilada horgeysay odoroska Miisaaniyadda sanadka cusub ee 2013-ka, taasi oo 17% ka badan tii hore. 

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa markii Munadanayaasha loo qaybiyey odoroska Miisaaniyada, waxa uu halkaasi ka jeediyay khudbad uu ku sharaxay odoroska iyo meelaha ay ka filayaan inay ka soo bixi doonto miisaaniyadda sanadka cusub oo dhan 125 Milyan oo doolar. 

Wasiir Samaale waxa uu mudanayaasha golaha Wakiillada uga xog-warramay miisaaniyadda 2013, isaga oo ammaan u jeediyay shaqaalaha wasaaradda maaliyadda oo uu sheegay inay dedaal dheer u galeen sidii ay u kordhin lahaayeen miisaaniyadda qaranka, isla markaana oddoroskii miisaaniyaddii sannadka 2012 ay u soo wada xeroon lahayd "ILAAHAYBAA mahadle, wixii ILAAHAY fududeeyo ayaa fududaada, waxaan u mahad-celinayaa shaqalahaa Wasaaradda Maaliyadda, Madaxdooda kala duwan ee suurto-galiyey in miisaaniyadda 2012-ku ay sidii loogu tallo-galay u soo baxdo, kuwaasi oo la'aantood aanay hawshaasi fusheen, waxaan u mahadnaqayaa cashuur bixiyayaasha oo si xilkasnimo ah u bixiyey cashuurta, waxa kale oo aan u mahadnaqayaa golaha Wakiilada, Golaha wasiirrada iyo dadkii xilkasnimada muujiyey ee nala shaqeeyay"


Wasiir Samaale waxa uu sheegay in oddoroska miisaaniyaddii sannadkii hore ay ahayd 106 Milyan oo Dollar, halka ay ta sannadka 2013-na ka tahay 125 Milyan Dollar, isaga oo xusay inay miisaaniyadda sannadkan ku soo dareen kala-sarraynta ciidamada oo mid waliba uu ku mushahar qaadan doono derajadiisa iyo 1500 oo shaqaale cusub ah oo ay wasaaraduhu qaadan doonaan, si shaqo-abuur loogu sameeyo da'yarta jaamacadaha ka soo qalinjebisa. 

Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale waxa uu tilmaamay in mashaariicda horumarka ay ku jiraan dab-demisyo loo soo iibinayo magaalooyinka iyo diiwaangelinta dadweynaha Somaliland, si aanay doorashooyinka dambe u dhicin wax khalkhal ahi, isaga oo xusay in kharashkaasna ay bixinayso dawladda Somaliland. 

Samaale waxa uu sidoo kale xusay in miisaaniyaddan ku jirta lacagtii la siin jiray xisbiyada qaranka oo looga kordhin doono intii ay waayadii hore qaadan jireen, iyada oo tanna looga dan leeyahay ayuu yidhi sidii xisbiyada loo kobcin lahaa. 

No comments:

Post a Comment