Cisbitaalkan oo noqon doona mid u gaar ah Carruurta isla-markaana qayb ka mid ah..........

Cisbitaalkan oo noqon doona mid u gaar ah Carruurta isla-markaana qayb ka mid ah lagu bixin doono tababarada caafimaadka, ayaa waxa furitaanka ka qayb-galay Masuuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Wasiirrada Caafimaadka iyo qorshaynta iyo dhakhaatiir badan.
Munaasibadan ayaa sidoo kale waxa ka qayb-galay saraakiil ka socotay hay'addaha caafimaadka ee Somaliland ka shaqeeya, kuwaasi oo soo dhaweeyay cisbitaalka Maxamed Aaden Sheekh, kaasi oo laga hirgaliyey halkii uu hore u ahaan jiray Cisbitaalkii Jajabka ee Magaalada Hargeysa, oo sanadkii hore laga raray qoysas danyar ahaa.
Marwada Koowaad oo halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay inay ka qayb-gasho furitaanka qaybta maanta la furay, iyadda oo sheegtay in cisbitaalkani wax badan oo loo baahnaa dabooli doono, waxay u mahadnaqday qoyska Maxamed Aaden Sheekh oo ka hor intii aanu geeriyoon ku sii dardaarmay in cisbitaalkan laga dhiso Somaliland, gaar ahaan Magaalada Hargeysa, kaasi oo dhismihiisu socdo, isla-markaana qaybtii koowaad maanta la furay.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Dr Xuseen Maxamed Muxumed (Xoog) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in wasaarad ahaan ay ka go'an tahay inay dhamaystiraan guud ahaan agabyada cisbitaalku u baahan yahay marka la dhamaystiro, isla-markaana horeba u diyaariyeen shaqaalihii ka hawlgali lahaa.








Gabiley News Desk
Hargeysa
No comments:
Post a Comment