Monday, January 21, 2013

Waresigii VOA-La Yeelatay Wasiir Duur Oo Dibada Soo Dhigatay Khibar Yaraantiisa

Waresigii VOA-La Yeelatay Wasiir Duur Oo Dibada Soo Dhigatay Khibar Yaraantiisa

Wareysigii shalay VOA-du la yeelatay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland
waxay bannaanka soo dhigtay oo daaha ka fayday khibrad yaraanta Siyaasadeed
ee mudane DUUR. Wasiirku wuxu adeegsanayay erayo aad u liita marka laga
eego luqadda Diplomacy-yadda (diplomatic language). Wasiirku wuxu muujiyey
walaac aan loo baahnayn iyo sas uu shacbiga ku riday.

Haddii aanan Wasiirka ugu cudur daarin in hadalaasi ka ahaayeen aqoon darro
maxaa kale ee ay noqon karaan ???????

Ereyadaa aadka loo qoonsaday ama laga biyo diiday waxaa ka mid ahaa:

- "waxay ahayd DAL burbursan bay ka yimaaddeene inay codsadaan
in wax lala qabto
-waxay kaloo ahayd inay codsadaan in GOOBAHA nabadda ah
ee SOMAILAND ka mid tahay in la taageero,
-waxay kaloo ahayd in ay codsadaan
in uu qeyb kala qaato dawladda maraykanku in somali la isku keenkeeda iyo wada
hadalkeeda sidii ay u sii socon lahaa khaasatan Somalia iyo Somaliland wada

hadalkeeda sidii uu u sii socon lahaa inuu qeyb ka qaato"


waxa iyana la yaab ahayd oon meesha qabananin is barbardhigga qaranKa Somaliland
iyo maamul goboleedyo ka tirsan Somaliya. Waxana Wasiirka hadaladiisii ka mid ahaa:

"waxaad mooddaysay inay ku yara jirtay woxogaa MAAMULADA KALE
ee sida SOMALILAND oo MAAMUL AH, puntaland oo iyana maamul goboleed ah
in woxogaa tahdiid ihi ku yara jiray "


Ma ha markii u horreysay ee Wasiir Duur hadallo aan loo miidaan dayin oo dadweynuhu
la yaabaan uu ku hadlo, waxaa xusid mudan doorashadii Madaxweynaha Somaliya
xasan sheekh oo uu wasiirku qirtay in dawladda somaliland gacan ku lahayd soo
bixitaankiisa doorashada madaxweynanimo taas oo Wasiirka Arrimaha Dibedda
Somaliland uu deedefeeyey oo uu meesha ka saaray.

Cali M. Adam (Cali Xaruuri)
adam.32@live.nl

No comments:

Post a Comment