Sunday, February 17, 2013

Kulan Xasaasiya Oo M.Siilanyo,Wasiiradiisa Iyo Hogaanka Kulmiye Ku Dhexmaray Qasriga Madaxtooyada Caawa Iyo Wuxuu Ku Dhamaadey


Kulan Xasaasiya Oo M.Siilanyo,Wasiiradiisa Iyo Hogaanka Kulmiye Ku Dhexmaray Qasriga Madaxtooyada Caawa Iyo Wuxuu Ku Dhamaadey

Hargeisa-(Qaran-news)-sida ilo xogogaala Qarannews u sheegeen Waxaa caawa Qasriga Madaxtooyada ka dhacay kulan xasaasiya oo ay isku soo horfadhiisteen Madaxweyne Siilanyo iyo wasiirada xukumadiisa ugu tunka waaweyn oo isku dhinaca iyo Hogaanka xisbiga Kulmiye oo iyaguna dhinaca kale ahaa.
Kulankan oo ahaa mid si qarbo-qarbo ah loo abaabulay ayaa la sheegay in xubno ka mida hogaanka xisbiga Kulmiye gaar ahaan Gudoomiyaha xisbiga Muuse Biixi iyo Ku xigeenkiisa Maxamed Kaahin hordhigeen Madaxweyne Siilanyo farogelin,cabashooyin iiyo dhaliilo dul hoganaaya shirweynaha xisbiga oo kaga imanaya xagga golahiisa xukumada,taas oo ay sheegeen haddaan la xalin in bubur iyo dildilaac ku keeni karaan shirweynaha xisbiga Kulmiye sidii kal-hore.
Sidoo kale labadan hogaamiye ayaa la sheegay inay si weyn uga cadhoodeen ,ugana cawdeen dhaqdhaqaaqyo iyo hab-dhaqanka xubno ka tirsan golaha wasiiradu oo ay sheegeen inay lugta ku walaaqayaan habsami u socodka hawlaha diyaar garowga shirweynaha kulmiye oo la filaayo inuu qabsoomo bisha soo socota ee Maarso.
Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi ayaa la sheegay inuu isagu si dadban farta ugu fiiqay Wasiirka Maaliyada Samaale oo abaabul shir-doceedyo kale dhinac eryaya kaas oo uu danisan yahay ama tuhunsan yahay in Madaxweyne Siilanyo dhabarka ka soo taabtey,una doonaayo inuu noqdo gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ,kaas oo sida la sheegay adeegsanaya awoodii iyo hantidii qaranka,islamarkaana haddii Madaxweyne Siilanyo iyo Beeshiisa oo isku duubani la jaal yihiin aanu Muuse biixi u babac dhigi Karin inuu ka guulaysto.
Geesta kale Muuse Biixi wuxuu si weyn uga biyo diidsan yahay ,oo aanu aqbali Karin in Samaale saameyn ama talo ku yeesho soo xulida xubnaha golaha dhexe ee xisbiga kulmiye ee ka iman doona beesha isaga iyo Muuse Biixi ka soo wada jeedaan ee Sacad Muuse,wuxuuna muuse Biixi soo jeediyey in Cabdiicasiis Samaale ku ekaado wasiirnimadiisa oo faraha kala baxo hawlaha xisbiga iyo soo xulida ergada shirweynaha iyo golaha dhexe taas oo Muuse biixi ka dhawaajiyey in hogaanka xisbigu xaq u leeyahay inuu soo xulo Ergada.
Isku soo wada duuboo Kulankaa ayaa la soo weriyey inuu dhamaadey ama lagu kala dareeray iyadaan ujeedadii laga lahaa laga midho dhalin ama xal laga gaadhin,wuxuuna ku soo gebageboobay doodo weerar iyo weerar celisa oo ay isweydaarsanayeen Hogaanka xisbiga iyo Golaha xukumada Siilanyo inkastoo ay iska cadahay in tartanka gudoomiyenimadu Kulmiye dhexyaalo Wasiirka Maaliyada Samaale oo madaxtooyada iyo xukumaduba daaha dabadiisa ka hagayaan iyo Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi oo isaga gegi cidlo ah looga dhaqaaqey. Muuse Biixi ayaa la sheegay inuu ku taliyey in Cabdicasiis Samaale xilka wasiirnimo ka dego oo xisbiga dhex yimaado oo markaa tartan galo balse isagoo wasiira aanay aqbalayn inuu la tartamo

No comments:

Post a Comment