Tuesday, February 5, 2013

Madaxwayne Axmed Siilaanyo Oo Digreeto Wasiir-Ku-Xigeeno Cusub U Magacaabay Wasaarraddaha Ganacsiga Iyo Caddaaladda

Madaxwayne Axmed Siilaanyo Oo Digreeto Wasiir-Ku-Xigeeno Cusub U Magacaabay Wasaarraddaha Ganacsiga Iyo Caddaaladda
Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda oo uu ku saxeexan...........

Hargeysa (GNS) - Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa u Magacaabay laba Wasiir ku xigeen oo ay yeelan doonaan Wasaaraddaha Caddaaladda iyo Ganacsigum 

Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland oo u dhignaa sidatan: 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-1573/022013 ku magacaabay laba wasiir ku xigeen kuwaas oo uu u magacaabay wasaaradaha Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wasaaradda Ganacsiga ee Jamhuuriyadda Somaliland. 

Madaxweynuhu:- 

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka; 

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo; 

Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay; 

Wuxuu go?aansaday 

1. In Mudane, Aden Diriye Cigaal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga ee Jamhuuriyadda Somaliland. 

2. In Mudane, Nuur Cismaan Guuleed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland. 

ALLAA MAHAD LEH 


Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul) 

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

No comments:

Post a Comment