Tuesday, February 26, 2013

Masuul (Haweenay) Dhalasho Ahaan Ka Soo Jeeda Somaliland Oo Loo Magacaabay Chief Of Cabenit-Ka Golaha Wasiirada Somaliya


Masuul (Haweenay) Dhalasho Ahaan Ka Soo Jeeda Somaliland Oo Loo Magacaabay Chief Of Cabenit-Ka Golaha Wasiirada Somaliya

Muqdisho--Warar Rasmiya oo Qarannews ka heshay siyaasiyiin u dhuun daloola Xafiiska Madaxweynaha Somaliya ayaa tibaaxaaya in Madaxweyne Xasan Shiekh Maxamuud Doraad si rasmiya ugu magacaabay Xogahayaha Golaha Wasiirada (Chief of Cabinet) Somaliya haweenay dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland oo la yidhaahdo Khadra Axmed Kayse X.cabdi Ducaale.
Khadra Axmed Kayse ayaa waxaa dhalay Axmed Kayse Cabdi oo ah Siyaasi ama Dibitaati hore oo ka mid ahaan jiray Barlamaankii Somaliya ee lixdameeyadii amaba Barlamaankii ugu horeeyay ee Dawlad Somaliyeed yeelato, Axmed Kayse waxay isku hayb iyo beelba ka soo jeedaan Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilanyo.

Khadra Axmed Kayse ayaa ka mid ah Qurbajooga reer Somaliland ee dhawaan Muqdisho xilalka u soo doontay inkastoo qaar badani waayeen iyadu waxay calafsatey xilkaas Chief of Cabinet-ka oo Doraad si rasmiya loogu xushay.

No comments:

Post a Comment