Tuesday, February 26, 2013

Qiimaha Laydh-Tiriiga Somaliland Oo La Kordhiyey+ Cida Kordhisay +Waxay Ku Sababeeyeen


Qiimaha laydh-Tiriiga Somaliland oo la kordhiyey+ cida kordhisay +waxay ku sababeeyeen

Hargeisa--Gudoomiyaha Shirkadaha Wershadaha Laydh-tiriiga ee sida gaarka ah loo leeyahay ee Hargeysa Eng.Cabdi Cali Barkhad ayaa maanta shir Jaraaid oo ay ku qabteen Hargeysa kaga dhawaaqey inay shirkadahoodu si wadajira u go'aansadeen inay kordhiyaan lacagta laga qaado macaamiisha laydhka boqolkiiba labaatan (20%).

Gudoomiye Barkhad ayaa ku sababeeyay kordhinta qiimaha laydhka,Shidaalka Naaftada ee ay isticmaalaan oo shirkadaha ay ka soo iibsadaa kordhiyeen.
Geesta kale wuxuuu Gudoomiye Barkhad ku eedeeyay shirkadaha shidaalka soo waarida ee ay ka soo iibsadaan in qiimaha ay kaga soo iibin jireen Foostada Naaftada ah ku kordhiyeen ama ku dareen $20 iyadaan Shidaalka suuqayda caalamku ka kordhin.

Isku soo wada duuboo Xikmad baa ah Miskiin baa misko la fuulo leh" ee kordhinta qiimaha Laydh-tiiriiga ee Gudoomiyaha Wershadaha Laydh-tiriigu ku bushaareeyay inay qaliyeeyeen ayaa dhiig-bax iyo culays ku ah dadka saboolka ah ee haddana baahi weyn u qaba laydh-tiriiga.

No comments:

Post a Comment