Monday, February 11, 2013

Xil Iska Casilid


Xil Iska Casilid: Gudomiyaha Qurbajooga Yurub Dr. Cabdiraxmaan Ubaxle.

Ku: Gudoomiyaha Qurbajooga & Xidhiidhka jaaliyadaha Somaliland Maxamud Abdiraxman Ali
Og: Wasiirka wasaarada Arimaha Dibeda Dr. Maxamed Abdilahi Omar
Og: Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland
Og: Saxaafada Somaliland ee Dawliga ah & Kuwa gaarka loo leelayahayba
Og: Jaaliyadaha Qurbajooga Somaliland ee Wadamada Yurub
Og: Asxaabtayda & Taageerayaashayda Siyaasadeed


Ujeedo: Is Casilaad aan iska Casilay Jagada Gudoomiyaha Qurbajooga Yurub.
Aniga oo ixtiraamaya jiritaanka iyo milgaha dawladnimo ee qaranka Somaliland isla markaana jecel oo garab taagan horumar kasta iyo talaabo kasta oo u soo korodha Jamhuuriyada Somaliland, anigoo aan waxba kala hadhayn dedaalka aan ugu jiro horusocodka iyo horumarka dalkayga meel aan joogoba, anigoo aan waxba kala hadhayn taageerida iyo is barbar taaga xisbul xaakimka aan ka midka ahay ee Kulmiye, anigoo ku faraxsan kuna qanacsan horumarka uu dalku gaadhay intii uu madaxweyne Axmed Maxamed Siilanyo hogaanka u qabtay.
Waxaan halkan maanta oo taariikhdu tahay 13/2/2013 ku cadaynayaa in aan gebi ahaanba iska casilay xilkii aan u hayey jaaliyadaha Qurbajooga Somaliland ee Yurub, xilkan oo aan hayey mudo sanad ah waxaan ka gaadhay guulo waaweyn oo aan ku hore mariyey isku xidhka jaaliyadaha Somaliland ee Yurub, waxaa mustaqbalka jaaliyadaha u qorshaysnaa inay ka midha dhaliyaan u hiilinta iyo is barbartaaga qadiyada Somaliland iyagoo isku duuban, socdaal aan horaantii bishii jenuary ku tegey wadamo yurub ah waxaanu isla garanay in sanadkan la isugu yimaado 18.May Xarunta Parlamenka Yurub ee Biljam si qurbajoogu u muujiyo isku duubnaanta ay ku doonayaan in dalkooda la ictiraafo, sanadkii 2012 wuxuu taariikhda UK ka galay markii ugu horaysay oo ay Jaaliyadaha Somaliland si midaysan hal xaflad oo dawliya lagu xusay qadiyadada somaliland 18/5/2012 taasina waxay ku suuro gashay dedaalka aan u galay siday u midoobi lahaayeen Jaaliyadaha Somaliland meelna uga wada duuli lahaayeen.
Iyadoo dhamaan ay guulahaas la taaban karo gaadheen jaaliyadaha Qurbajooga iyo Xafiiska Xidhiidhka jaaliyadaha Somaliland oo isku xidhani ayaanay hadana jirin hab ku salaysan maamul iyo protocol oo naga dhexeeya wasaarada Arimaha Dibeda iyo Wasiirkeeda oo aanu si wadajira ugaga tashano hadba talaabada la qaadayo, sidaa darteed waxaan gartay inaan xilkan iska casilo mar hadii aanay jirin hab maamuus wada shaqayneed.

Dr. Cabdiraxmaan Cali Ubaxle
EX. Guddomiyaha Jaaliyadaha Qurbajooga Somaliland

No comments:

Post a Comment