Sunday, March 24, 2013

Dawladda Emirateka Oo Si Diiran Usoo Dhawaysay Wefdigii Madaxweyne Siilaanyo Hogaaminaayey Iyo Amiirka Dalka Emirateka Oo Qaabili Doona


Dawladda Emirateka Oo Si Diiran Usoo Dhawaysay Wefdigii Madaxweyne Siilaanyo Hogaaminaayey Iyo Amiirka Dalka Emirateka Oo Qaabili Doona



Abu Dhabi (Halbeegnews)-3/03/2013– Wefdigii uu madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo hogaaminaayey ee ay ka mid ahaayeen raxan golahiisa wasiiradda ka mid ah iyo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey gegida diyaaradaha ee magaalada Dubai oo uu halka ku soo dhaweeyey saraakiil ka tirsan boqortooyada dalka Emirateka carabta iyo wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Emirateka.

Booqashadani madaxweyne Siilaanyo iyo wefdiga la socda ayaa ah tii ugu heerka saraysay ee masuuliyiin ka socota dawladda Somaliland ay ku tagaan dalkaasi Emirateka carabta, iyadoo wararka ay Halbeegnews hellaysaana tibaaxayaan in shariikadaha Batroolka qoda iyo weliba tujaarta dalka Emirateku ay qayb weyn ka qaateen socdaalkani inay dawladda Emirateka ku qanciyaan Somaliland oo loo arkay goob soo hiraysa.

Waa markii labaad ee madaxweyne Siilaanyo uu booqasho ku tago dalka Emirateka carabta isagoo booqasho tan la mid ah ku tagay sannadkii 2011-kii iyadoo markaasina uu la kulmay wasiirka tacliinta ee dalka Emirateka oo ahaa masuulka ugu sareeya ee uu la kulmay balse markani ayaa wararku tibaaxayaan in heerka booqashadu ay intaasi ka weyntahay.

Wararka arrintani ku saabsan kala soco Halbeegnews

silanyo tripsilanyo trip1silanyo trip2

Halbeegnews, Abu Dhabi

halbeegnet@gmail.com

No comments:

Post a Comment