Thursday, March 7, 2013

Madaxweyne Siilaanyo oo gaashaanka ku dhuftay Qorshe Wasiiro Wershada Sibidhka iyo Markab Badda yaala Iskaraab ahaan ugu siinayeen kooxo Bililiqaysanayay

Madaxweyne Siilaanyo oo gaashaanka ku dhuftay Qorshe Wasiiro Wershada Sibidhka iyo Markab Badda yaala Iskaraab ahaan ugu siinayeen kooxo Bililiqaysanayay

Wuxuu Amray in loo Celiyo Lacagihii laga qaaday Dadkaasi

warshada sibidhkaBerbera(Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa la sheegay inuu toddobaadkii hore joojiyay Amaro ay bixiyeen qaar ka mid ah Golihiisa Wasiiradda oo Dad gaar ah u siiyay inay Iskaraab ahaan u furfurtaan Wershada Sibidhka Berbera iyo Markab weyn oo Badda dhex yaala.

Qorshahan ayaa la sheegay Madaxweyne Siilaanyo inuu ku war helay kadib markii ay laba kooxood oo kala duwan oo ay midi Wasaaradda Ganacsiga Warqad Ogolaansho ah oo ay ku fur furanayaan Wershada Sibidhka la tageen Berbera, halka ay kooxda kale sida la sheegay ogolaansho ay Madaxtooyadda ka sidatay ku damacsanayd in ay Markab Badda yaala ku fur furato.

Kooxda Wasaaradda Ganacsiga qoraalka Ogolaanshaha ah ka haysatay ayaa la sheegay in ay isku beel yihiin Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, balse kooxda kale ayaa la sheegay inay qaarkood ka soo jeedeen Gobolka Saaxil. Halka ay warar dheeraad ahina ka sheegayaan in ay labada kooxoodba dad kale oo aan la cadayn shuraako hoose ka yihiin.

Kooxahan ayaa markii ay Toddobaadkii hore tageen magaaladda Berbera waxa ay iska hor yimaadeen Maamulka Gobolka iyo ka Golaha Deegaanka, kuwaasoo diiday in ay fuliyaan Amarada ay kooxahani ula tageen, taas bedelkeedana waxa ay la soo xidhiidheen Madaxtooyadda, si ay u hubiyaan.

Madaxweyne Siilaanyo markii ay gaadhay fariinta Maamulka Gobolka Saaxil iyo ka degmadduba waxa la sheegay inuu Amar Deg deg ah ka bixiyay talaabooyinkaa lagu bililiqaysanayay khayraadkii Dalka, waxaana la sheegay inuu Amray Wasiiradaasi lacago ay ka qaadeen inay u celiyaan, balse Waaheen wax nuqul ah oo ka soo baxay dhinaca Madaxtooyadda may helin, walow ilo wareedyo rasmi ahi u sheegeen in Ogolaanshaha la soo siiyay labada qolaba ay arkeen.

Si kasta ha ahaatee wada socod la'aanta Madaxda Sare iyo kuwa ka hooseeya ayaa marar badan sababa in dad dano gaar ah lihi meel dhexe ka fushadaan Mashaariic wiiqaya Dalkaa dhan ee dhaqaalihiisu ku lumayo fara dhexdood.

 

Short URL: http://waaheen.com/?p=61098

No comments:

Post a Comment