Wednesday, March 13, 2013

Masuuliinta Wasaarada Warfaafinta Oo Fidno Kula Dhex Jira Shaqaalaha Iyo Hawl Maalmeedka Shaqada. Writen by Qaran News


Masuuliinta Wasaarada Warfaafinta Oo Fidno Kula Dhex Jira Shaqaalaha Iyo Hawl Maalmeedka Shaqada.
Writen by Qaran News 


Masuuliinta Wasaarada Warfaafinta Oo Fidno Kula Dhex Jira Shaqaalaha iyo Hawl Maalmeedka Shaqada.

Tan iyo markii xukuumada siilaanyo ay talada dalka la wareegtay ayaa waxay noqotay wasaarada warfaafintu tan ugu hadal hanta badan bulshada dhexdeeda iyada oo mar marka qaar la maqlo in khilaaf ka dhex oogmo masuuliyiinta iyo shaqaalahooda, hadaba waxaa maal mahan ugu danbeeyay ay qaar ka mid ah warbaahinta dalku qorayeen in khilaaf cakirani soo kala dehx galay masuuliyiinta wasaarada warfaafinta iyo qaar ka mid ah shaqaalaha taasi oo keentay inay masuuliyiinta qaarkood iyo shaqaaluhu is bahaystaan arintaasi oo keentay sida ay sheegayaan warbaahinta madaxa banaan ee somaliland inay masuuliyiintu qaar ka mid ah shaqaalaha ay u ogalaadaan inay wasaarada ku dhex haystaa hub taasi oo ah meel ka dhac hanaanka dawladnimo, waayo arimahaasi waxay sabab u noqdeen inay shaqaalaha wasaaradu xiligan la joogo ay kala shakiyaan oo qaarba dhan u shiraan halka qaar kalena aysan ka dhamaan xafiisyada masuuliyiinta oo lagu arko iyada oo ay qaarkood dhex aa

Hadaba waxaa layaab leh sababta xiligan keentay inay qaar ka mid ah shaqaaluhu ay masuuliyiintu hubka ugu ogolaadaan inay la soogalaan wasaarada dhexdeeda.

Arintan ayaa dadka u dhuun daloola arimaha wasaarada warfaafintu ayaa waxay tilmaameen inay tahay fadeexad tii ugu xumayd ee soo waajahda dalka iyada oo aysan hore uga dhicin inay la yidhaa wasaarad ama xarun dawladee ayaa shaqaale loogu ogolaaday inay hub la soo galaan, tani waxay leeyihiin dadka faaqiyada arimaha siyaasadu waxaa isku dhex yaacsan arimihii maamulka ee wasaarada warfaafinta oo la iskugu keenay dad aan khibrad iyo waayo aragnimo u lahayn shaqada ay hayaan halka qaar kalena ay dadtooda oo qudha ka eegtaan yihiin .

Hadaba dadka masuuliyiinta ka ah wasaaradaasi waxaa ka mid ah wasiir ku xigeenka wasaaradaasi oo ah nin wata dano gaar ah iyo islamrkaana ku hawlan hanti urursi , halka uu masuulka labaadna uusan laahyn wax khibrad ah shaqadan loo dhiibay isaga oo hore u ahaan jirey farsame yaqaan mobileda ah, halka uu wasiirka haduna yahay nin hore loogu eedeyn jirey islamarkaana hore loogu xidhay iska horkeenka beelaha walaalaah ah ee wada dega deeganka ceel bardaale.

Hadaba xudunta khilaafkan cusub ayaa waxa uu sababi karaa hadii uu sii socdo shaqada wasaarada oo joogsata hadaan si deg deg ah madaxweyne siilaanyo wax uga qaban.

Guntii iyo gabagabadii waxaa hubaal ah inay wasaaradani noqotay meel halaq galeen ah isla markaana idaacadii cusbeyd e lacagta badani inaga gashay ay tiraba dhawr jeer ay bakhtiday.

Qalinka:C/casiis Bashiir Nuur

Tel:4144434

Email:c.casiis98@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland

No comments:

Post a Comment