Masuuliyiintii Xisbiga WADANI UK Oo Dhammaantood Is Wada Casilay Iyo Burbur Maamul Oo Ku Yimid Xisbigii WADANI Qaybtiisii Dalka Ingiriiska

Xubnaha caawa iska casilay xilalkooda ee Halbeegnews macluumaadkooda heshay waxaa ka mid ahaa Afhayeenkii xisbiga WADANI ee dalka ingiriiska Qaasim Aadan Saleeban, waxaa sidoo kale xubnaha is casilay ka mid ah Engineer Cabdilaahi Camay oo ka mid ahaa haldoorkii -aas-aasay ururka WADANI ee dalka ingiriiska.
Xubnaha kale ee aadka loo hadal hayo inay iyaguna qarka u saaranyahiin inay iska casilaan xubinimada xisbiga WADANI ayaa waxaa ka mid ah guddoomiyaha ururka ee dalka ingiriiska, Guddoomiyaha WADANI qaaradda yurub iyo xubno kale.
Warka ayaa intaasi ku darraya in sababta ay xubnahani wakhtigan uga huleelayaan xisbiga WADANI ay tahay cunsuriyad iyo takoorid siyaasadeed oo ay kala kulmeen gudaha xisbiga WADANI iyagoo in dhawaydba xubnahii ururkii hadhay ee UMMADDA xilalkoodii la dul keenay isla markaana aan habayaraate hawlaha xisbiga lagala tashanin.
Xubno kale oo iyaguna xilal sare ka haya xisbiga ayaa la filaya inay iyaguna xilalkooda ka tagaan.
No comments:
Post a Comment