Saturday, March 23, 2013

SIIRAANYO MALAHA WAXAABU DOORBIDAYAA INTAA EDEG LA GALIYO, UU SHIRKA KA DHAGAYSTO, WAA AYAAN DARRO , TALISKA BAKAYLAYAASHU GUUL KU TILMAAMAYAAN.

SIIRAANYO MALAHA WAXAABU DOORBIDAYAA INTAA EDEG LA GALIYO, UU SHIRKA KA DHAGAYSTO, WAA AYAAN DARRO , TALISKA BAKAYLAYAASHU GUUL KU TILMAAMAYAAN.

Wayska xaal adduun, malaha waa erayadii cabdi qays, mise waa kuwii cabdi aadan. Malaha guurtidii miyirkoodii ayaa arraday, maya ee kollay waan hubaa Sheekh Axmed Furre Alla ha gargaaree waa Oday laftii. Layskuma jiro ummaddana guurti meesha uma joogto, haddii kuwii siyaasadda ku saaqiday, ay guurtida gaashaan iyo garabba u noqdeen, golaha baarlamaankuna mushaharka ayay taladooda ku soo koobaan. Yaa dalkan masuuliyadi ka saarantay. Yaa loo igmaday, in ummaddan laga horumariyo talo xumada, iyo masuuliyaddan lala daalaadhacaayo, ee aan madax iyo mijo kala lahayn, ee hadba inan yari intuu sidii qabbaankii kula kufaayo meel aanay waxba uga shan iyo toban ahayn, ee ummadda sharafteedii iyo milgadii ay Somaliland lahayd, ka dhigaya hashii caweer ee goor xun ninka ku duldhacday, ee cid ka kicisana aan meesha ka dhawayn. 

Somaliland mawaxay qaar aan ogahay inna odhanayaan tegista shirka aan lagu soo hadalqaadayn ee laga hadlaayo soomaaliya ayaa lagu hambalyaynayaa sida fiican ee ay wax uga qabatay nabadda, iyo ladagaalanka budhcad badeedda, ee xataa afka laga dhawrayo, in la magacaabo xataa. Mawaxay u boholyoobayaan in shir dawladda soomaaliya leedahay oo caalamku kala arrinsanayo danahooda, ay iyana duddada u fadhiistaan, oo la yidhaa somaliya cidi kama maqnaa marka lagu daro kuwaas edegta ku jira ee maqlaya waxa lagu wada hadlayo. Mawaxay u jeeleen in la yidhaahdo waxay la hadleen oo macsuuntay dawladda Britain, mise gacan maris ayay ubuseeleen, oo waxaabay dani ka haysaa suudhka loo galinayo iyo diyaaradda ay raacayaan. Dibadmeeraysiga ayaabad mooddaa inay ka horraysiinayaan inay carradooda iyo ciiddoda oo ay sharafku leeyihiin fadhiyaan, ciddii dani ka haysaana ay iyaga ugu timaaddo oo ay kala xaajoodaan iyaga oo intaa ka sharaf badan, kana qabweyn.

 Mise anaaba moodaye dadkan aynu moodayno inay umaddan Somaliland u diran yihiin waxay u qabbaanayaan dadkale oo mushahar aynaan ogayn ayaaba meelo kale uga qoran. Waa yaab dhagtaydaa afkayga maqli wayday, waa yaab ishaydaa jooggayga arki wayday, malaha waanan ogayne, ummadda Somaliland dastuurkii ay samaysatay, iyo sharcigii aan qiraalkiisa usoo joogay , wax kale ayaaba ku qornaa, ee maahayn sida naftaydu ii sheegto. Inna ma istidhi dadka qaar ayaaba sad mooda waxbuu noqday, hayskaba xumaate. Dagdagsiiyo hadday door dhalaan kaadsiiyo kiish lacagay dhalaane, caqliga, garaadka, iyo aqoontu ma go' la huwadaa, oo hadba dusha la iska soo saaro,
 ma hadday latadii ummaddu gaadhay labaatan sano ka hor, goroyo hororsanaysaa, oo gorgortan la rabaa in la galiyo
. Malaha kuwa meesha joogaa waxaanay war ka haynin ummadda daawanaysa, ee iyaga sidii ruwaayadaa dhinaca ka soo jeedaalinaysa, ee leh ma aqoontoodaa intaa taagan, ma garaadkoodaa, rabbi sidan ka dhigay, mise waaba ka bes oo waxay isleeyihiin manta ayuunbaad Somaliland wax uqabateen oo taariikhda baal fiican ayaad kaga 
jirtaan, mise waa ayaan darro ummaddan haysata, iyo dulmiga dalka ka socda jisaa'igiisii, oo aanay dareensanayn. Waa yaab kollay hadduu shirka tagona Somaliland jeebka kuma sii ridan karaayo e , waxuu soo noqon isaga oo intaa ka miisaan yar, oo aan sharaf iyo aragti ummadda ku lahayn, haddii taliska bakaylayaashu u raacaanna waaba qudhaanjooy ku quuso, oo talo dambe cidina waydiin mayso, war layna odhan doonaana maba hadhin. Waxaabase layaableh waxaynu ugu diidayno in maamulka siiraanyo shirka soomaaliya tagaan,

 haddaynu ogaynba inuu hambalyeeyay baarlamaankii isbeenfariimay, ee yidhi waxaanu nahay baarlamaanka soomaaliya, oo gobollada waqooyina way soo dirsadeen guurtidoodii iyo wakiilladoodii, ee hambalyeeyay guddoomiyihii golaha baarlamaanka soomaaliya, ee hambalyeeyay, in soomaaliya madaxweyne loo doortay, ee hambalyeeyay in soomaaliya raiisal wasaare maamul soo dhisa la doortay, ee waliba hambalyeeyay in manta ay dawlad somaaliya yeelatay, ee aan marna ogayn inay dunidu isku raacday inay iyaguna ku jiraan cidda ay hambalyeynayaan ee iyaga ka wakiilka ah.

Wayska xaal adduun.

Walee taliska bakaylayaasha ayaan kob cagaar leh ka soo durdurin


Eng. Youssuf Ahmed

London U. K.

jicsin@hotmail.com

No comments:

Post a Comment