Sunday, March 3, 2013

TACSI KA TIMID LA-TALIYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA IYO GANACSIGA AXMED CARWO


 TACSI KA TIMID LA-TALIYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA IYO GANACSIGA AXMED CARWO

GEERIDA MARXUUM MAXAMED HAYBE JIRE. 

INNAA LILAA WA INAA ILEYHI RAAJACUUN.


Waxaan tacsi u dirayaa ehelka, qaraabada iyo asxaabta marxuum Maxamed Haybe Jire oo ku geeriyooday London, U.K. Waxaan marxuumka u baryayaa dambi dhaaf iyo naxariista Eebbe.

Maxamed Haybe Jire waxuu ahaa oday ka mid ah tiirarka jaaliyadda Soomaliland ee UK ilaa xiligii gumeysiga Ingriiska.Waxuu qayb libaax ka qaatay gobonimo doonkii iyo halgankii SNM. Waxuu ahaa deeqsi, dad wadeen ah oo bulshada halka hore ka galo kolka ay noqoto danta guud iyo kor- u- qaadka nolosha dadweynaha. Marna kamuu maagin kamana gabban deeq loo yaboohay danta guud. Waxuu ahaa nabad-doon dadka isku xidha oon kala qaybin. Waxuu ahaa nin af gaaban bal se ficil dheer.

Alle ha u naxariisto Maxamed Haybe samir iyo iimaanna ha ka siiyo ehel, qaraabo, xigto, xigaal iyo asxaabba meel kasta ooy joogaanba. Alle ha waafajiyo inta taqaanay iyo intaan aqoonba inay faataxada u maraan una duceeyaan marxuumka qaaliga ahaa ee ka geeriyooday Soomaliland oo u ahayd hoy aan marna laabtiisa ka bixin.

Allow naxariistaada u fidi waxuu ahaa nin u naxariista inta itaalka yar. Allow dambigiisa dhaaf oo ku manayso janatul fardows. Aamiin. 

Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga


Hargeysa Tel: 409 6421

No comments:

Post a Comment