Sunday, April 28, 2013

Hantidhawraha Guud Oo Sheegay Inay Gacanta Ku Dhigeen Shabakad Isku Xidhan Oo Lacag Badan Ku Lunsatay Waaxda Cashuuraha G/Saaxil


"Waxay Badaleen Ducumenty-Yada Dawladda Iyadoo La Been Abuurayo Rasiidho Lacag Qabasho Oo Aan Jirin, Lagana Dhigayo Dakhligii La Soo Qabtay Oo Aad U Yar" Maxamuud Dheere

Hargeysa, April 28, 2013 (Haatuf) – Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka Maxamuud Aw Cabdi Ibraahim (M. Dheere) ayaa sheegay inay gacanta dhigeen Shabakad dhalinyaro ah oo si wayn iskugu xidhan, isla markaana lacag badan ku lunsan jiray Waaxda Cashuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Saaxil. Maxamuud Dheere waxa uu xusay inay mudo dheer ay daba-socdeen kooxdaas dhalinyarada ah oo uu tilmaamay inay qaar ka mid ah hayaan, kuwa kalena ay ku daba jiraan, isla markaana ay baadhistoodu socon doonto ilaa inta ay salka soo taabanayaan.

Hantidhawraha guud waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay la hadlay Telefishanka afka xukuumadda ku hadla ee Qaranka. Ugu horayna isaga oo ka hadlaya, dhalinyarada ay qabteen waxa uu hadalkiisa ku bilaabay "Waxaanu ku guulaysanay inaanu qabano niman dhalinyaro ah oo yaryar oo samaystey hab ama dhaqan lagu xado lacagta dawladda ee Waaxda Cashuuraha ee gobolka Saaxil, iyaga oo badalaya Ducumenty-yada dawladda markaana ka dibna la been abuurayo Rasiidho lacag qabasho oo aan jirin, kuwaasna laga dhigayo dakhligii la soo qabtey oo aad u yar una kooban, isla markaana lacagta adagna qaadanaya oo xadaya. Way dhacaa Caalamka oo dhan in qofka meel noocaas ah joogaa uu isku dayo inuu Xatooyo sameeyo hab been abuur ah oo dadwaynaha lacagta looga qaadayo oo ta dawladad loo xaranayo iyo ta ay kooxahaasi qaadanayaana ay kala badan yihiin. Alxamdulilaah waanu qabanay ragaas oo way istaagtey arintaasi oo cidii ku luglahaydna waanu ku daba-jirnaa waxna gacanta ayaanu ku haynaa oo way istaagtey mar hadii la qabtey oo ma soconayso, markaa sidaan sheegay waanu ku guulaysanay cidii Musuqaas samaysay".

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan ahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete