Tuesday, April 16, 2013

Khilaaf ka taagana huteel Dawladda Hoose ee Burco lahayd oo Wasiirka Arrimaha Guduhu u fasaxay in uu dhisto nin Kiro ugu jiray


Khilaaf ka taagana huteel Dawladda Hoose ee Burco lahayd oo Wasiirka Arrimaha Guduhu u fasaxay in uu dhisto nin Kiro ugu jiray


Burco(Waaheen) Maayarka Magaaladda Burco Maxamed Yuusuf Cabdi ayaa joojiyay dhul uu ku yaalay Huteel Dawladda Hoose leedahay oo uu Wasiirka Arrimaha guduhu u fasaxay in uu dhisto.

Dhismaha Dhulkan oo ku yaala xarunta Dawladda Hoose ayaa saaka wax aka dhacay khilaaf weyn oo sababay in ay dad farabadani ku soo xumaan si loo joojiyo dhismahaasi oo uu fulinayay nin la yidhaahdo Aadan Dheere oo ay hore Dawladda Hoose ee Burco uga kiraysay si uu uga ganacsado balse imika Duur la galaan galaystay in uu dhisme ka dhigo.

Dhulkan oo ah Dhul Dayr ku wareegsan yahay aisle markaana lagu cunteeyo dhir Dawladdii Siyaasad Barre lagu beeray oo aan wax dhisme ah lahayn ayaa sababay in Madaxda Gobolku isku qabsadaan dhismihiisa kadib markii ay Ciidamo Booliis ah oo goobta joogay Maayarku Amray inay joojiyaan balse ay diideen iyaga oo ku dooday in wasiirku Amarka dhulkaasi ogolaaday.

Ilaa hada waxa Xarunta Dawladda Hoose ka taagan shir maamulka Gobolku kaga arrinsanayo arrintan oo saaka Buuq ka abuurtay magaaladda, wax natiijo ah oo ka soo baxdayna ma jirto.

Short URL: http://waaheen.com/?p=63923

No comments:

Post a Comment