Saturday, April 13, 2013

Madaxweynaha Dalka Turkiga Cabdalle Gul Oo Si Wada Jir ah Xafiiskiisa Goor Dhawayd Ugu Qaabilay Madaxweynayaasha Somaliland Siilanyo Iyo Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Daawo Sawirada


Madaxweynaha Dalka Turkiga Cabdalle Gul Oo Si Wada Jir ah Xafiiskiisa Goor Dhawayd Ugu Qaabilay Madaxweynayaasha Somaliland Siilanyo Iyo Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Daawo Sawirada


Ankara (Halbeegnews)–13/04/2013– Madaxweynaha dalka turkiga Cabdalle Gul ayaa goor dhawayd xafiiskiisa xarunta madaxtooyada dalka turkiga wuxuu si wada jir ah iyagoo u socda ugu qaabilay labada madaxweyne Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Kulanka ayaa ahaa mid labada dhinac uu hogaamiyaha dalka Turkigu kala hadlaayey sidii loo gaadhi lahaa xal wada hadalada maanta uga furmay dalka Turkiga oo wajigiisii koobaad ku dhamaaday is af garan waa.

Qoraal kooban oo xarunta madaxtooyada dalka Turkiga laga soo saaray ayaa lagu sheegay in madaxweynaha dalka Turkigu Mr. Gul oo labada nin si wada jir ah ugala hadlay sidii meel dhexe la iskugu iman lahaa isla markaana labada ninba ay u samayn lahaayeen tanaasulaad dheeraad ah.

Kulankani ayaanay jirin cid ku wehelinaysay mana jirin wax muuqaal callan ah oo la keenay goobta iyadoo labada hogaamiye Somaliland iyo Soomaaliya lagu wada fadhiisiyey kursi keliya halka madaxweynaha dalka Turkiguna Gul uu ka soo hor jeeday.

Labada nin ayaa la filayaa inay sidoo kale la kulmaan ra'isal wasaaraha dalka turkiga Erdokan oo isaguna cadaadis dheeraad ah ku saari doona sidii xal kama danbays ah loo gaadhi lahaa.

Kala Soco Halbeegnews warar dheeraad ah

Hoos Ka Daawo Sawirada


laba1laba

 


This post has been viewed 116 times.

No comments:

Post a Comment