Thursday, April 18, 2013

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo u fadhiya Gar-naqa wasiir Duur iyo Maayarka Burco

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo u fadhiya Gar-naqa wasiir Duur iyo Maayarka Burco

 sayliciHargeysa(Waaheen) Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici ayaa u fadhiya Gar-naqa Maayarka Buro Maxamed Muraad iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale Duur kuwaasoo shalay amaro iska soo horjeeda ka bixiyay dhul ah Huteel ay Dawladda Hoose leedahay.

Weftiga Maayarka Burco ayaa Duhurkii soo gaadhay Hargeysa Halka Wasiir Duur oo u bixi lahaa Safar Caynaba ah loo hakiyay Gar-naqooda, waxaana ilaa hada wada hadalka labada dhinac ku jira Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

Wali lama hayo go'aan ka soo baxay gartaasi hase yeeshee waxa la filyaa in sida ugu dhakhsaha badan natiijo looga soo saari doono arrintan oo meel adag ka kala maraysa labada dhinac.

Short URL: http://waaheen.com/?p=64050

No comments:

Post a Comment