Thursday, April 18, 2013

Raysal Wasaaraha Britain Oo Qaabiley Madaxwayne Siilaanyo Iyo Waftigiisii & Nuxurka Qodobadii Ay Ka Wada Hadleen Labada Hoggaamiye


Raysal Wasaaraha Britain Oo Qaabiley Madaxwayne Siilaanyo Iyo Waftigiisii & Nuxurka Qodobadii Ay Ka Wada Hadleen Labada Hoggaamiye

"David Camaron Oo Somaliland ka dalbaday Inay Ka Qaybgasho Shirka London Oo Uu Sheegay Inuu Ahmiyad wayn U Leeyahay"

London, April 17, 2013 (Halbeegnews) – Raysal Wasaaraha Dalka Ingiriiska David Cameron ayaa Xalay xafiiskiisa Number 10 Downing Street ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wafti uu hogaaminayey oo socdaal ku jooga dalka Ingiriiska.

Raysal Wasaaraha Dalka Ingriiska David Cameron ayaa kulannkaas ugu soo bandhigay Waftiga Madaxwaynaha Somaliland inay ka soo qaybgalaan shirka dhawaan ay Somalia ugu qabandoonaan Magaaladda London oo uu sheegay Raysal Wasaare Cameron inay dan wayni ugu jirto Somaliland iyo Xukuumadda Britain-ba, isla markaana kulankaas ayey labada hogaamiye diirada ku saareen wadashaqaynta labada dal ee Somaliland iyo Ingiriiska iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Waxaana sidaas lagu sheeegay Warsaxaafadeed xalay ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakadda Caalamiga ah ee Halbeegnews, kaas oo isaga oo dhamaystiran u dhignaa sidan:- "Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hogaaminaayey ee ku sugnaa maalmahanba Dalka Ingiriiska gaar ahaan Magaalada London ayaa caawa fiidkii la kulmay Ra'iisal wasaaraha Dalkaasi Ingiriiska David Cameron.

Kulankan oo ahaa mid ay ku lafa-gureen labada dal, wada shaqaynta iyo xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya, ayaa madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo kulankaasi ku dheeraday sidii loo ilaalin lahaa wada jirka iyo wada shaqaynta ay labadan dal mudada dheer soo wadeen iyo sidii laysaga kaashan lahaa xoojinta iyo adkaynta nabad-gelyada geeska afrika, horu-marka iyo dhaqaalaha.



David Cameron oo isna madaxweynaha uga mahad-naqay sida qiimaha leh ee ay Somaliland marwalba isaga xil-saarto adkaynta iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa labadan dal, ha noqoto dhanka ammaanka mandaqada geeska afrika iyo xidhiidhka caalamiga ahba.



Sidoo kale waxa uu ra'iisal wasaare David Camaron Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u soo bandhigay ahmiyada uu leeyahay shirka London lagu qaban-doono ee Somaliland iyo Soomaaliya la doonayo in lagu wada hadashiiyo oo uu ku nuux-nuuxsaday ra'iisal wasaaruhu in ay Somaliland faa'iido weyni ugu jirto ka soo qayb-galkaasi, ingiriiskana ay muhiim u tahay.



Kulankan waxa Madaxweynaha kulankan ku wehelinayay Wasiirka Arrimaha Dibeda JSL. Dr. Maxamed CabdilaahI Cumar, Wasiirka Madaxtooyada JSL, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Ingiriiska, Ambasador Cali Aadan Cawaale. Dhinaca Raisal Wasaarahana waxa ku wehelinaayey Wasiirka Arrimaha Dibeda Ingiriiska Mr. William Hague".Halbeegnews/London Office.


No comments:

Post a Comment