Sunday, April 7, 2013

TACSI KA TIMID LA-TALIYAHA DHAQAALAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA

TACSI KA TIMID LA-TALIYAHA DHAQAALAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA


TACSI GEERIDA MAYOR YUUSUF WARSAME SICIID



Waxaan tacsi u dirayaa ehelka, ubadka, tafiirta kale, gacalka, qaraabada, xigaalka, xito iyo asxaabta uu marxuum 
MAYOR YUUSUF WARSAME SICIID ka tegay meel kasta oo ay joogaanba . Sidoo kale waxaan tacsi u dirayaa shacbi weynaha Somaliland , gaar ahaan gobalka Maroodijeex  iyo Golaha degaanka caasimadda .

MAYOR YUUSUF WARSAME SICIID taariikhdiisa oon la soo koobi karin waxaan ka qori aaska dabadi.  
Waxuu ahaa hormood Injiineer architect ah oo haysta licenka dalal badan oo Yurub ah. Nin dhismayaasha uu dhisay yihiin qaar ka muuq dheer wax kasta oo la ag dhigo carada Soomalida.

Waxuu ahaa nin hammo dheer ooy u suntanayd sida caasimadda Hargeysa ay u muuqan karto xiliga dhow iyo kan fog. Nin Hargeysi u hanweyneyd oo loo doortay si aan qabiil iyo reer ahayn. Nin dhalinyarada iyo waayeelku isku si u arkaayeen, nin gabadh iyo hooyaba ay ka sugayeen waxqabad iyo hiil uu u hiiliyo caasimadda. Waxuu goostay inuu aqoontiisa ku sunto bilicda Hargeysa iyo mustaqbalka Soomaliland.
Waxuu ka mid yahay tirada yar ee Soomali isku raacday aqoon iyo hab-maamul wanaag, ayna xusi doonaan jiilasha soo socda fac ilaa fac.

Waxuu ahaa nin  af gaaban oo gacan dheer, gacan furan oo deeqsi ah, kaftan hufan oo qosol badan, nin cadhadu ku yartay, bulshaawi dad-dhexgel wacan oo dunida oo dhan la saaxiib ah. 
  
Waxaan Illaahay uga baryayaa inuu u naxariisto oo uu janatal fardows ku abaal mariyo, innagana dhammaan inaga siiyo samir iyo Iimaan. 


Ahmed Hassan Arwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga
Hargeysa.

No comments:

Post a Comment