Thursday, May 9, 2013

Buur-Madow Oo Madaxwayne Siilaanyo Iyo Wasiirkiisa Macdanta Ku Eedeeyey Shaqaaqadii Caynaba, Kana Hadlay Xadhiga Boqor Raabi Iyo Mawqifka S/Land Ee Shirka London



Posted by Nasir001 on May 8th, 2013 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

"Wasiirka Macdanta Iyo Biyuhu Waa Nin Aan Waxba Ka Aqoonin Dhaqankan, Dadka Deegaanka Iyo Sida Loo Kala Yaalo, Awood Sheegasho Iyo Laab-Garaacasho Waxba Ku Hagaagi Maayaan"Boqor Buur-Madow

 

Hargeysa, May 8, 2013 (Halbeegnews) – Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow ayaa xukuumadda ku eedeeyey shaqaaqadii dhawaan ka dhacday Magaaladda Caynaba  ee lagu weeraray Saldhiga Bilayska ee Magaaladaas, kaas oo sheegay inay mishkilada sababtey Digreetadii Madaxwayne Siilaanyo uu Ciidamada Amniga ku furay in talaabo laga qaado cidii ka hor timaada shidaal baadhista, kaas oo tilmaamay inay keentey in shaqooqo dhacdo saldhiga Bilayska Caynaba.

Boqor Buur-madow  waxa sidoo kale eedo horleh ku duray Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Xuseen Cabdi Ducaale oo uu ku sifeeyey nin aan aqoonin dhaqanka dadka reer Somaliland iyo sida ay u kala yaalaan, kaas oo sheegay inaanay dadka deegaanka Caynabo diidanayn in shidaal laga qodo deegaanadooda.

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow waxa uu sidoo kale deedefeeyey Xadhiga xukuumadu xabsiga ku dhigtey Boqor Raabi, kaas oo uu ku sifeeyey xadhiga aan cadaalada ku salays-nayn oo uu si wayn uga soo horjeedo. Buur-madow ayaa waxa uu sidaas ku sheegay mar uu maanta Warbaahinta kula hadlaya Hutelka Guuleed ee Magaaladda Hargeysa. ugu horayna isaga oo ka hadlaya sida uu u arko Shilaalka laga baadhayo deegaanadda bariga Somaliland, waxa uu yidhi "Khayraadka in la soo saaro oo shacbiga ay wixii khayraad ahi ay u soo baxaan oo Somaliland oo dhan ay ka dhaxayso oo aanu ardaa qudha ama beel qudha munaafacaadsanto inaan loo baahnayn ayaanu qiraynaa,  waxaan qabaa wixii halkaas ka xumaaday inay masuul ka ahaayeen Wasiirka Macdanta iyo Biyaha oo ah nin aan waxba ka aqoonin dhaqanka iyo dadka deegaanka iyo sida loo kala yaalo, isla markaana aan haba-yaraatee aqoon u lahayn curfiga ay Somaliland ku dhaqanto, iyo waliba cidii Shirkadda Maamulaysay ee Soomaalida ahayd".

Boqor Cismaan Buur-madow isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu intaas ku daray "Waanu soo dhawaynaynaa inay Shirkaduhu imaadaan oo marna dadka deegaanku may odhanin ha ka baxeen dalka oo wax dhib ahna kalamay hor imanin laakiin waxaan odhan karaa xukuumadu iyadaa abuurtey inay dhibi timaado oo dadka deegaanku waxbay ka tirsadeen qaabka wax loo waddo, qaabka wax loo maamulay, Madaxwaynahana si wanaagsan oo hufan ay ula hadleen odayaashii Caynabo, waxaana loogu jawaabay hanjabaad iyo hadidaad waxaanan leeyahay taasi ma dhaqi-karto dalka, awood sheegasho iyo laab garaacna waxba inoogu hagaagi maayaane, isku duubni iyo walaalnimo ayey wax ku hagaagayaan, waxaanan leeyahay Digreetadaa Madaxwaynaha ayaa dhibta keentey oo looma baahnayn in Digreeto la qoro sababta oo ah Ciidamadda Amnigu iskood ayey ugu xilsaaran yihiin oo waa Distuuri qodobada sharciga ayaana u jideynaya in Ciidamada Amniga iyo Wasaaradda Arrimaha Guduhu ay wax ka qabtaan cidii amniga ka hor imanaysa ee waxyeelaynaysa, laakiin Digreetadaasi mid siyaasadaysan waxna looga jeedo ayey noogu muuqatey shacbi ahaan hadii aanu nahay dadkii deegaanka".

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow mar uu ka hadlayey aragtidiisa la xidhiidha xadhiga Boqor Raabi, waxa uu yidhi "Raabi anigu xadhigiisa waxa aan leeyahay maaha mid xaq ah,  kamuu mid ahayn ragii ka qaybgalay shirkii Xamar, Xildhibaanadii qorayna kamuu mid ahayn".

Dhinaca kale Boqor Cismaan Buur-madow ayaa soo dhaweeyey mawqifkii xukuumadda Somaliland ka qaadatey shirkii Magaaladda London maalintii doraad lagu soo gabo-gabeeyey ee qaadhaanka loogu ururinayey dawladda Somalia, kaas oo xusay in xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ay qaadatey go'aan sax ah.Halbeegnews/Hargeysa Office.

Halbeegnews, Hargeysa

contact@halbeegnews.com

No comments:

Post a Comment