Wednesday, May 8, 2013

Dalalkii Ka Soo Qayb Gallay Shirkii Soomaaliya London Oo Ku Yaboohay Lacag Dhan 300 Milyan Oo Dollarka Maraykanka Ah


London (Halbeegnews)–07/05/2013 Ra'isal wasaaraha Britain David Cameron oo shir jaraa'id oo uu kula qabtay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda Britain Madaxweyne Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ka hadlaayey ayaa ku dhawaaqay in lacag dhan 300 milyan oo dollarka maraykanka ah ay dalalkii ka soo qayb gallay shirka oo ahaa deeq bixiyayaashu ugu yabooheen Soomaaliya lacagtaasi oo lagu dhisayo badankeed ciidamadda ammaanka dalkaasi Soomaaliya.

meeting

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shirka jaraa'id ka hadlaya ayaa wuxuu yidhi "shirkani wuxuu ahaa mid aad iyo aad iyo aad u dhiiri gelinaya Soomaaliya, waxaa nala siiyey fursad weyn waana mid u taalla Soomaaliya iyo dawladayada sidii fursadaasi looga faa'iidaysan lahaa loogana midho dhalin lahaa" ayuu yidhi.

Ra'isal wasaaraha Britain ayaa sheegay inay tani tahay fursad weyn oo beesha caalamku siisay Soomaaliya "waxaa Soomaaliya la siiyey fursad weyn, waxaan doonayna in la dhiso haayadahii ammaanka, in Soomaliya lugaheeda ku istaagto waa mid u taalla dadka Soomaaliyeed waxaana halkani London maanta lagu muujiyey in beesha caalamku ay taageersantahay Soomaaliya" ayuu yidhi

Lacagtani ayaa badankeed waxaa bixiyey dalalka Midawga Yurub, Maraykanka iyo dalalka khaliijka carbeed kuwaasi oo dhamaystiri doona bixinta lacagtaasi ilaa dhamaadka sannadkani.

Halbeegnews, London

contact@halbeegnews.com

--
Sent via http://goo.gl/ShmGM

No comments:

Post a Comment