Thursday, May 9, 2013

Dawladda Ingiriiska oo Lixdan Milyan oo Dollar oo ku jirtay Sanduuqa dhaqaalaha Somaliland Trust Fund ku wareejinaysa Qaadhaanka loo Ururinayo Somaliya


Somaliland oo sanadkan ugu talo gashay Miisaaniyad sanadeedka inay ku darsato iyo Mu'aamarad Ingiriisku u dhigay

Sarkaalkii Rayaale Orya walaalaha ahaayeen ee Reer Kulmiye ka Eryeen Mashaariicdii Somaliland dhaqaalaha loo soo marin lahaa oo Madax looga dhigay lacagta Somalida la inoo soo marinayo.

xukuumadaHargeysa(Waaheen) waxa soo baxaya lacag lagu qiyaasay ku dhawaad Lixdan Milyan oo ku jirtay sanduuq Dhawr Dawladood u sameeyeen Somaliland oo la yidhaahdo Somaliland Trust Fund oo loogu talo galay in lagu fuliyo mashaariic Horumarineed in la xanibay oo loo wareejiyay dhaqaalaha Somaliya loogu Ururinayo Dalka Ingiriiska.

Sanduuqan oo wax weyn ka tari lahaa baahiyaha Aasaasiga ah ee Somaliland waxa hore u samaysay Dawladda Ingiriiska hay'addo u xil saaraan ururinta qaadhaamada, waxaana kala qayb qaatay dhawr Dal oo ku yaboohay qaybo ka mid ah lacagta Sanduuqaas ku jirtay oo kor u dhaaftay kontomeeyo kun oo Doolar.

Hase yeeshee Somaliland marna umay suurtogelin dhaqaalahaas in gacanteeda lagu soo wareejiyo, balse waxa socday Qorshe sadex geesood ahaa oo dhawaan Dalka Itoobiya ku dhex maray Somaliland, Dawladda Ingiriiska iyo Hay'ad Dhexe oo la doonayay in maamulka Sanduuqaas lagu wareejiyo.

Kulankaas waxa ka qayb qaatay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Sacad Cali Shire iyo Wasiiru dawlaha Maaliyadda Cismaan Saxardiid (Cadaani), waxaanay ka wada hadleen qaadhaan bixiyayaasha Sanduuqaasi sidii Somaliland lacagtaasi loogu sii dayn lahaa, balse ilaa hada lacagtaasi Somaliland kamay faa'iidaysan.

Ilo wareedyo isa soo taraya ayaa Waaheen u xaqiijiyay in Sanduuqaas lagu sameeyay mu'aamarad lagu hakinayo in Somaliland lacagtaasi la siiyo, waxaanay wararka hordhaca ah ee ka soo baxayaa sheegayaan in shirkad kale oo ka shaqaysata Arrimaha ururinta Qaadhaamada oo ka soo jeeda Ingiriisku Somaliland ku eedaysay inaanay lacagihii hore ee tooska loo siin jiray wax xisaab xidh ah ka keenin isla markaana an la gaadahsiin meelihii loogu talo galay.

Arrintan ayaa la sheegay inay Dood ka dhalisay dhaqaalihii ku jiray sanduuqaasi sidii loo maamuli lahaa, taasina waxay sababtay in Dawladda Ingiriiska iyo Hay'addii lacagtaas ururinasay ay soo jeediyaan in lacagtaas lagu daro lacagaha kale ee Somaliya loogu Ururinayo shirka Dawladda Ingiriiska iyo Dawladda Somaliya London ku wada qabteen isla markaana Somaliland wixii qorshe kaga soo hagaaga lacagaha guud ee loo helo Somaliya halkaas looga qoondeeyo.

Ilo wareedyo kale ayaa sheegaya lacagta Sanduuqaasi in ay Dawladda Ingiriisku Somaliland ku war gelisay in aanay siinayn ilaa ay ka soo qayb galaan shirkii ka qabsoomay Dalkeeda ee ay wada maamulayeen iyaga iyo Somaliya, taasna Somaliland dhinaceeda ay ka diiday, hase yeeshee sida ay wararku sheegayaan dawladda Ingiriisku waxay isku dayday tabo kale oo ay Beelaha Somaliland dad ka socda ku jilaaban lahaayeen iyagoo maqaar saar uga dhigaya dhaqaalaha Sanduuqaas ku jira.

Ilo wareedyada warkan sheegaya ayaa sabab uga dhigaya kulan kale oo isla Addis ababa ka dhacay oo dhex maray dad metelayay beelaha Somaliland kuwaas oo isugu jiray Aqoon yahano, Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka soo kala jeeday Beelaha Goboladda Somaliland dega, kaasoo ay ujeedadiisu ahayd sidii ay Lacagta Sanduuqaas ku jira uga arrimin lahaayeen ama qorshe ugu dajin lahaayeen, iyadoo dano siyaasadeed darteed wakhtigaas Dawladda Ingiriisku is lahayd uga faa'iidayso si ay Xukuumadda culays ugu saaraan Shirkii Ingiriisk in ay tagto.

Sanduuqan Somaliland waxa ay sanadkan ugu talo gashay dhaqaalaha ka soo gala in ay Miisaaniyadda si toos ah ugu muujiso iyadoo ka hortagaysa Eedaha ah in aan dhaqaalahaas lagu darin Miisaaniyadda Qaranka, isla markaana aan lagu fulin mashaariicdii loogu talo galay, waxaanu Madaxweyne Siilaanyo ku soo saaray Digreetada Siyaaasadda guud ee Miisaaniyadda Qaranka Sanadkan.

Balse sida muuqata lacagtaasi waxay u egtahay in Dawladda Ingiriiska iyo Dawladihii soo bixiyayba ay leexiyeen iyaga oo uga faa'iidaysanaya dhaqaalaha ay doonayaasn in ay Somaliya ku maamulaan.

Somaliland ayaa hore u sheegtay Beesha Caalamku in ay si wadayso Deeqihii ay Somaliland siin jireen, balse dareenka arrintani ay keensatay ayaa iftiiminaysa dhawaaqii Wasiirka Arrimaha Dibedu ku dalbanayay in dhaqaalaha Somaliya shirka Ingiriiska loogu ururinayo in somaliland qaybteeda la soo siiyo.

Dhinaca kale waxa Somaliland hor yaala caqabado kale oo ka saamayn kara Hay'adaha qaramada Midoobay ee u guuraya Somaliya iyo guddida Somaliya iyo Ingiriisku u saareen dhaqaalaha loo ururinayo oo loo magacaabay sida wararku sheegayaan shan iyo toban qof oo Maamul wanaaga iyo dhaqaalaha ku takhasusay, kuwaas oo uu ka mid yahay nin ay Oryo walaalo yihiin madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin kaas oo ahaa khabiir dhinaca Dhaqaalaha ah oo Wasaaradda Maaliyadda Somaliland u hayay xafiis Baanka Adduunka iyo Qaramada Midoobay u sameeyeen sidii dhaqaalaha Somaliland loogu samayn lahaa Nidaam caalamku kula macaamilo.

Sarkaalkan ka midka noqday madaxda Dhaqaalaha Somaliya maamulaysa ayay Xukuumadda talada haysa ee Xisbiga Kulmiye banaanka dhigtay markii ay talada la wareegtay iyadoo si fool xumo ah ula macaamishay markii ay meesha ka saaraysay, sidoo kale waxa ay xukuumadda Somaliland Albaabada u laabtay Xafiiskii uu ka shaqayn jiray oo la odhan jiray jaan-goynta siyaasada Maaliyada oo ay maal gelin jireen qaramada midoobay.

Sidoo kale sarkaal u dhuun daloola nidaamka ay ku shaqeeyaan hay'addaha Caalamiga ah ayaa Waaheen u sheegay dhibaatooyinka hoos u dhigay maal-gashigii Hay'addaha Caalamka uga iman jiray Somaliland in ay caqabad ku noqotay shuruudaha Xeerka ay dalka kaga shaqayn lahaayeen dhigayo, taasoo keentay qaar badani inay ka gaabsadeen in ay aqbalaan iyagoo mashaariicihii ay wateen Dalal kale u wareejiyay.

 

Si kasta ha ahaatee Somaliland waxa hor yaala qorshihii ay ku heli lahayd dhaqaalihii beesha Caalamku siin jiray maadaama Dawladda Somaliya dhex cararayso dunida isla markaana Somaliland la gashay Heshii Beesha Caalamku soo dhaweysay oo ah in qaybta ay leedahay laga siiyo qaadhaankaas loogu yaboohay wixii la isku odhan jiray Somaliweyn.

Short URL: http://waaheen.com/?p=65668

No comments:

Post a Comment