Wednesday, May 15, 2013

Dawladdaha G7-ka oo Dawladda Somaliya la saxeexday Mashruuc ay ku midaynayaan qaadhaamadii ay Somaliya siin jireen

Dawladdaha G7-ka oo Dawladda Somaliya la saxeexday Mashruuc ay ku midaynayaan qaadhaamadii ay Somaliya siin jireen

7gMuqdisho(Waaheen) Ra'iisal Wasaaraha Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon "Saacid" ayaa shalay ka hadlay muhiimada midaynta gargaarka Qaadhaan-bixiyeyaasha ee loo yaqaan 'New Deal Process'. Munaasaba lagu maamusay bilowga qorshahan cusub ayaa ka dhacday Muqdisho, waxaana ka soo qeyb galay xubno ka tirsan labada golle ee dawladda, diplomasiyiin, masuuliyiin ka socda Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa.

Qorshahan cusub ayaa waxaa dajiyay qaadahaan-bixiyeyaasha gaar ahaan wadamada ku bahoobay G7 waxaana loogu talagalay in lagu caawiyo 19 wadan oo ay colaado ragaadiyeen. Waa qorshe midaynaya dawlaadda Soomaaliya, ururada bulshada iyo qaadahaan-bixiyeyaasha si loo daboole baahida mucaawino ee dalka Soomaaliya. Waa qorshe lagu doonayo in kor loogu qaado waxtarka deeqaha caalamku siiyo wadamada ka soo kabanaya dagaalada.

"Waxaan diyaar u nahay inaan qaadhaan-bixiyeyaasha caalamka kala shaqayno qorshahan oo noo ogolaanaya inaan sheegano baahideena rasmiga ah iyo qaabka aan u doonayno in gacan nalooga siiyo," ayuu yidhi Ra'iisul wasaaraha oo ka hadlay furitaankii munaasabadan lagu maamuusayay bilowga qorshaha "New Deal".

Wasiirka Maaliyada iyo Qorsheynta Qaranka mudane Maxamed Xasan Suleymaan oo munaasabadan ka hadlay ayaa isna sheegay in ugu horeyn dawladdu daraaseyn rasmi ah ku samaynayso xaalada dalka iyo colaadaha. isagoo intaas ku daray in daraasada kadib Soomaaliya ay deeq-bixiyeyaasha u gudbisan doonto baahideeda ayna la gali doonto heshiis is afgarad ku aadan qaabka loo daboolayo baahida Soomaaliya.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay baahida ay Soomaaliya u qabto taakulada caalamka. Waxaase uu sheegay inay lagama maar-maan tahay in nooca gar-gaar uu noqdo mid dawladda iyo shacbiga Soomaaliyeed lagala tashado si uu wax-tar u yeesho. isagoo dhanka kalana xusay inay lagama maar-maan tahay in qaadhaan-bixiyeyaashu mideeyaan hawlahooda iyo wax-qabadkooda ku aadan Soomaaliya.

 

"Shaki kuma jiro in aan u baahanahay in caalamku gacan naga siiyo sidaan uga soo kaban lahayn colaadaha dalka ragaadiyay, aanan u higsan lahayn horumar, bulshadeenana u daryeeli lahayn. Sidaas daraadeed, waxaan doonaynaa inaan heshiis is afgarad la gaadhno deeq-bixiyayaasha doonaya inay na garab istaagaan, si taageeradoodu u noqoto mid wax tar leh. Waa inaan isku afgarano meelaha noogu muhiimsan ee aan kaalmadooda uga baahanahay, qaabka aan ugu baahanahay iyo waqti ay macquul tahay in laga guul-gaadho hawshaas," ayuu yidhi Ra'iisal Wasaaruhu.

 

Ugu dambayntii, aad ayay u soo dhaweeyeen qorshaha dawladda dhamaan qaadhaan-bixiyeyaashii ka soo qeyb-galay munaasabada shalay. Waxaana si rasmi ah loo gudo galay qeybtii kowaad ee fulinta qorshahan "New Deal" ee ku aadanayd daraasada xaalada dalka iyo colaadaha oo ay ka wada shaqaynayaa dhawladda Soomaaliya, ururada bulshada rayidka ah iyo wadamada qaadhaan-bixiyeyaasha ah.

Waxaa sidoo kale xafladda ka qeyb-galay wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya iyo saraakiil ka socday Qaramada Midoobay.Wakiilka Yurub oo goobta ka hadlay ayaa carabka ku balaadhiyay in heshiiskani meel qudha iskugu keeno doono kaalmadii la siin jiray guud ahaan Somaliya,taasi oo maamulka Dawlada Somaliya u qaybin doono goobaha ay ka jiraan maamuladu.

No comments:

Post a Comment