Wednesday, May 15, 2013

Xubno Kamida Xisbiga Ucid Ayaa Jawaab Kulul Ka Bixiyay Hadaladii Dhawaan ka Soo Yeedhay Wasiiro Xukumada Ka Mida

Xubno Kamida Xisbiga Ucid Ayaa Jawaab Kulul Ka Bixiyay Hadaladii Dhawaan ka Soo Yeedhay Wasiiro Xukumada Ka Mida

ucid2Hargaysa(waaheen)-Xubno kamida Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka Ayaa maanta shir Jaraid oo Ay ku Qabteen Hotel Bar-Guuled kaga Jawaabay HAdaladii Dhawaan Ka Soo yedhay Qaar Kamida Wasiirada Xukuumada Somaliland iyaga Oo Sheegay In ay meel kaga Dhaceen Guddomiyaha Xisbiga Cadaalada Iyo DAryeelka Ee Ucid Mud: FAysal Caku Waraabe Oo Dhawaan ay Warbaahinta lagu Arkay Sawr uu La fadhiyo Madaxweynaha Somaliya Iyo Wasiiradiisa Daakhiliga.
Hadaba xubnahani oo iskugu jiray dumar iyo dhalinyarta xisbiga ayaa waxaa ugu horeyn warbaahinta la hadashay marwo xaliimo oo ah guddomiyaha garabka hawenka ee Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka Iyada oo tilmaamtay inay Tahay Meel KAga dhac wixii Ay Ku Hadleen Wasiiradii Dhalecaynaayay Guddomiyaha Xisbiga mud: faysal Cali Waraabe waxaana hadaladeedi ka mid ahaa

" somaliya waatii ay barlamaanku u codeeyeen ee madax iyo haween ay tageen ma marka aad la kulmaysaan waa xalaal ayaad leedahiin marka uu qofkale la kulmana waa xaaran waxaan arkaa in ay ceebeysan yahiin dawlada iyo madaxda isku sheeganba, faysal cali cidna ka sheekeyn mayso halka uu dimuquradiyada iyo horunmarka somaliland gaadhsiiyay waa nin u damqada dalka iyo dakiisaba, waanu ognahay in shanta sano dib loo dhigay oo la doonayo in laysku daro xamar iyo hargaisa ee makhajilayaan kamana yeelayno shacabka iyo dadka reer Somaliland midnimadoodu waa muqadasayaanu leenahay cayda iyo aflagaadada ay wadaan kuwan xukumada isku sheegiina ha joojiyaan ayaan leenahay"
Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay mud: c/raxmaan sheikh Aadan oo ah Guddomiyaha Gobalka ee Xisbiga Ucid waxaana hadaladiisi ka mid ahaa " waxaynu ognahay in dhawaan ay soo baxday dacayad aan meelnaba haysan oo badheedha oo faysal lagu qaaday taasi oo ahayd mid been abuura oo shacabka laga dhaadhaciyay in uu faysal meel kaga dhacay qaranimadii hase ahaate anagu waxaanu maanta leenahay dawlada iyo madax isku sheeganba waad iska hadasheen ee faysal waxaas ka weyn waxaa jirta in shacabka markii ay madax weynaha iyo intii la socotay ay tageen ingiriiska laysku ag sawray siranyo iyo madax weynaha somaliya shacabku dhib umuu arag, sidoo kalena markii turkiga waa laysku ag sawray shcabku hadana dhib umuu arag, hadaba mawaxaad leedahiin anagu markaanu qadiyadayada ka dhaadhicinayno waa xalaal dadka lena waa xaaraan hase ahaate madaxdan waa weyn ee caytamaysa ee aflagadaynaysa guddomiyaha dhan ee aad aragteen ee hiil iyo hooba shacabkiisa la garab taagan sidii ay u heli lahayeen ictiraaf caalamka u weydiiya ee cid wax kal qabataa aanay jirin ayaad maantana ku tilmaamteen mid qaranimada ku ciyaaraya, waxaa jirta inankan yare e xirsi iyo wasiirkan warfaafintuba waa ay iska hadleen oo wax aan masuul ku hadal ayaa ay ku hadleen,
waxaa jirtay imika markanu shirkan qabanaynay ayaa waxaanu halkan ugu soo galnay wasiirka warfaafinta oo lacag dollar halkan ku tirsanaya markuu na arkayna waa uu baxay malaha waxaan isnidhiba cayda faysak kacag ayaa lagu helaa oo madaxda qaar lacag ayaa lagu guddonsiyaa waar waxaas ka xishooda oo isla yaaba ayaanu leenahy faysalna waa nin tan u dhintay idinkana abaal idinkama rabo ee ilaahay ayaa ka abaal marin doona"
gaba gabadii waxaa soo xidhay yuusuf kayse cabdulaahi oo isna ku yara dheeraday ka jawaab bixinta hadaladii dhawaan ka soo yeedhay qaar ka mida madaxda dalka kaasi oo ay aflagaado badheedha kula kacayeen guddomiyaha xisbiga waxaana hadaladiisi ka mid ahaa " waxa dhacday ee aanu ognahay in ay madax qaran oo qaran huwani shicibkoodi meel habaabin ku sameeyeen oo dadka inay nacsiiyaan ugu tala galeen waar mawaxaad weydeen mar marsiyo kale oo aad faysal ku weerar taan waxaan leeyahay waar khajila oo wax isku fala, mida kale ninkan xirsi lagu sheegayo waxaan leenahay ma maslaxaad iyo laaluushid ayaad beesha 5 kilo mitir iskaga dhaadhicinaysay waxaan leeyahay waxaa dhow shirkii qaran ee lagu baaqay waana uu qabsoomaya cid joojinkartaana majirto ama xirsi ha soo diraan ma mid kale ha soo dirsadaan ee waxaan leenahay waanu qabanaynaa waana uu dhacayaa"
Si Kastaba ha ahaate maalmahan u danbeeyay ayaa waxaa suuqyada iyo meheradaha lagu caweeyo lagu sheekaysanayay sawr dhawaan warbaahinta lagu arkay kaaasi oo ka turjimayay fadhi ay wada fadhiyeen guddomiyaha xisbiga iyo madaxweynaha somaliya iyo wasiiradiisa daakhiliga oo asal ahaan ka soo jeeda Somaliland, hadaba hadaladan ay xukumada iyo xisbiga mucaaridka ah ee ucud is dhafsanayeen ayaa waxaa ka dhex dhalan doona isnac iyo kala tafaraaruq hadii an wx laga qaban iyada oo waliba ay soo dhawdahay maalintii qaranimada Somaliland ee 18-kamay
Yacquub kuuriya
Hargaisa, Somaliland
Waaheen desk office

No comments:

Post a Comment