Monday, June 17, 2013

[kulmiye] Shirkii laanta FinLand

Xisbiga KULMIYE Laantiisa Finland Oo Shir Ku Yeeshay Helsinki Iyo Guddi Cusub Oo La Doortay

Helsinki (Somaliland.Org)-Xisbiga KULMIYE ayaa magaaladda Helisinki ee dalka Finland ku yeeshay shir ay iskugu yimaadeen laamaha xisbiga talladda haya laantiisa Caasimadda Finland ee Helsinki.
Shirkan waxa ka soo qeyb galay ,masuuliyiinta xisbiga KULMIYE laantiisa Helsinki iyo taageereyaasha xisbiga KULMIYE.

Ugu horeyn waxa shirkaasi ka hadlay Gudoomiyihii hore ee xisbiga laantiisa Finland isla markaana ahaa gudoomiyihii hore ee Wakaalada Qurbo- jooga Somaliland Mudane Saleebaan Maxamed Faarax, ayaa ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee laanta xisbiga ee Finland aanay sidaasi u sii weynayn marka loo eego laamaha kale ee qurbaha, hase yeeshee waxa uu ku dooday in ay sameeyeen waxqabad aad u balaadhan.
Md. Saleebaan Maxamed Faarax waxa uu tilmaamay in laanta Finland ee xisbiga KULMIYE ay door wax ku ool ah ka qaadatay dedaaladii xisbiga KULMIYE lagu kaalin gelinayay xiligii uu ahaa Mucaaridka.
Guddoomiyihii hore ee Wakaaladda Qurbo-jooga Somaliland waxa uu Taageereyaasha xisbiga KULMIYE laantiisa Finland ugu baaqay inay sii wadaan, siina kordhiyaan taageeradii ay siin jireen xisbigooda talladda haya.
Mudane Saleebaan Maxamed Faarax waxa uu si weyn u majeertay Garabka Haweenka ee xisbiga KULMIYE ee Finland oo uu xusay inay udub-dhexaad u ahaayeen waxqabadka xisbiga.
Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay xubno tiro badan oo ku sugnaa madasha shirka iyagoo dhamaantood ku nuux nuuxsaday sidii loo dardar galin lahaa horumarka xisbiga iyo wada shaqaynta guud ee bulshada Somaliland ee ku dhaqan wadanka Finland, waxaana ka mid ahaa Oday Jaamac Maxamed Maxamuud (Aar Jaberti) iyo sidoo kale waxaa kale oo ka hadlay kana soo jeediyey hadalo isugu jiray waano iyo guubaabo xildhibaan Maxamed Aadan Cilmi.

Gabagabadii shirka ayaa waxa lagu doortay gudi ka kooban 9 xubnood oo ka kooban Gudoomiye,Gudoomiye ku xigeen, Af hayeen, Xog hayn,Qasnaji, Gudoomiyaha dhalin yaradda, Gudoomiyaha garabka haweenka,gudoomiye ku xigeenka garabka haweenka iyo madaxa xidhiidhka bulshada xisbiga oo dhamaan uu yeelan doono xisbiga kulmiye laantiisa wadanka Finland. Guntii iyo gabagabadii shirkan ayaa ku dhamaaday jawi degan,hoos ka akhriso magacyada gudida cusub ee loo magacaabay Xisbiga Kulmiye laantiisa Finland.
1. Fowsi Cabdi Taraashiib, Gudoomiye.
2. Xildhibaan Maxamed Aadan Cilmi, Gudoomiye ku xigeen.
3. Cabbdirisak Mohamed Osman (Biijood), Afhayeenka Xisbiga Kulmiye laantiisa Finland.
4. Jamaal Haybe Dhuxul, isku Xidhka goboladda iyo arrimaha Bulshadda.
5. Abdullahi Mohamed Ayax, Xoghaye.
6. Ismail Yusuf Mohamed, Gudoomiyaha garabka dhalinyaradda.
7. Fadumo Sanyare Xoosh, Gudoomiyaha Garabka Haweenka.
8. Fowsi Hassan Aden, Gudoomiye ku xigeenka Garabka Haweenka.
9. Sabaad Cabdi Dhimbil, Khasnaji.

Somaliland.Org/Finland

2 comments:

  1. Hello aad la raadinayay qaab amaah ah ee ganacsiga shakhsi dhan, waxaanu ku siin amaah ugu dulsaarka 3%, haddii aad danaynayso inaad nagala soo xidhiidh emailkan: amaah.credit.offer@gmail.com. aad amaah aan lagu wareejiyo si aad u toddobaad ka hor mar aad document waxaa ay ahayd heli aad ka si degdeg ah dib u dhac kasta oo ku jawaabaa ok la'aan. Codso amaah hadda.

    ReplyDelete
  2. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan ahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete