Wednesday, October 23, 2013

LA-TALIYAHA MADAXWEYNHA EE DHAQAALAHA AXMED CARWO, OO TACSI U DIRAYA EHELKA MARXUUM ABWAAN CALI BANFAS

LA-TALIYAHA MADAXWEYNHA EE DHAQAALAHA AXMED CARWO, OO TACSI U DIRAYA EHELKA MARXUUM ABWAAN CALI BANFAS


Waxaan tacsi u dirayaa ehelka, ubadka, tafiirta kale, gacalka, qaraabada, xigaalka, xito iyo asxaabta uu marxuum ABWAAN CALI XASAN ROODHIILE (CALI BANFAS) ka tegay meel kasta oo ay joogaanba . Sidoo kale waxaan tacsi u dirayaa shacbi weynaha Somaliland iyo Soomali oo dhan, gaar ahaan gobalka Maroodijeex ee uu ka soo jeeday iyo bahda abwaanada Soomaaliyeed.

ABWAAN CALI BANFAS waxuu ahaa diiwaanka taariikhda halganka Somaliland.

 Geesi noociisu naadir yahay, aan hadalka la gaban, garyaqaan xaqqa ku addima, nin weedhiisu tuf leedahay oo carabkiisu damqo daalin kasta oo dadkiisa duudsiye, nin ereyga uu yidhaahdaa ka nixiyo inta aan dadkooda u damqan, nin aamin san xorriyada afkaarta qoraal iyo hadalba. Nin tilmaama oo toosiya madaxda kuna soo rida tubta toosan iyo dariiqa wanaagsan. Waxuu ahaa fariin yuururta oo il dheer, nin u damqada danyarta iyo qofka dulman. Waa nin galay taariikha Soomaaliyeed oo qalin dahab ah lagu qoray, gabaayaa iyo maansoyahan, ku caan baxay cilmiyeenta afka Soomaliga. Macalin weyn oo ummadda u horseeda tiigsi dheer oo wanaag iyo himmilo sare leh.


Waxuu tilmaan badan ka bixiyey himmilada shacbiga Soomaliland oo uu gabayga la baxay DARDAARAN uu ku yidhi sidan:

....damal aan la jarin baan ahee daysta midhihiina 
 dan qudhaynu wad leenehee daaf u wada jeeda
 dabku yuu iga seexanine dogobyo weyn saara
 daroorimad waan necebehee daadka iga moosa 

 daldaloola badan baa jiree daah isaga yeella
 dadnimadu hiday noo tahay dariska nooleeya
 qoladii wax daandaansatana daafac ku lahaada 
 dacr iyo inaad malab tihiin dunida gaadhsiiya...

Dardaarankaas cali waxuu tiriyey xiligii halganka SNM, isagoo ku arkaayey aragti dheer iyo fikir abwaan.

Waxaan Illaahay uga baryayaa inuu u naxariisto oo uu janatal fardows ku abaal mariyo, innagana dhammaan inaga siiyo samir iyo Iimaan.



Ahmed Hassan Arwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga
Hargeysa,
Eci.advisor@ymail.com


http://samotalis.blogspot.com/


--
Posted By Blogger to SAMOTALIS at 10/23/2013 04:20:00 PM

No comments:

Post a Comment