Friday, March 26, 2010

SU’AAL FURAN TOLOW XISBIGA UDUB QOF KALIYA OO DAMIIR IYO DAREEN WADANIYADEED LIHI LA KU JIRAA????W/Q:ALI KAYSE KABADHE

SU'AAL FURAN TOLOW XISBIGA UDUB QOF KALIYA OO DAMIIR IYO DAREEN WADANIYADEED LIHI LA KU JIRAA????W/Q:ALI KAYSE KABADHE


Waxaan Salamayaa Inta Dareenka Iyo damiirka Somaliland-nimo leh, Inta U damqata Somaliland Inta ka soo Horjeeda Musuqmaasaqa Hanti Boobka Horumar La'aanta Biyo La'aanta Caafimaad La'aanta Waddo La'aant Doorasho La'aanta  Citiraaf La'aanta Dhaqaalo La'aanta Waxbarasho La'aanta Shaqo La'aanta Dastuur Jabinta iyo  Ku Tartanka Boobista Hantida Ummada.
Waxaa Salaantayda Ka Reeban Kuwo Intaa Aan Soo Sheegay Ku Sifoobay Ama Intaas Oo Dib U Dhac Ah Geyaysiiyey Shacabka Somaliland, Iyaga Oo Raacanaya Danahooda Gaarka Ah, Waxaa Salaantayda Ka Reeban Kooxda Ama Ururka  Aan U Bixiyay Macaan Jecel.Macaan Jecel Waxaa La Yidhaahaa Bahal Yaroo Xayawaanka  Dhulka Ku Nool Kamida Oo Had Iyo Jeer Meel Kasta Oo Wax Macaani Ku Dhacaan Ama Ku Qubtaan Ku Soo  Urura.

Intaa Kadib Haddii Aan Gudo Gallo Qoraalkan Kooban Ee Aan Ciwaanka Ugu Dhigay Tolow Qof Damiir Iyo Dareen Wadaniyadeed Lihi Maku Jiraa  Xusbiga UDUB?
Marka Hore Waxaan Ka Cudur Daaranayaa In Aan Kooxdaas Riyaale Madaxa U Yahay  Xusbi Ugu Yeedho, Sababtoo Ah Xiligan La Joogo UDUB Wixii La Odhan Jiray  Xusbi Ahaan Umma Jirto Laakiin Wuxuu U Jiraa  Si Magaca Yaal Ah (pronoun).  Sababaha Aan Xusbi Loogu Yeedhi Karin Waxaa Ka Mida.

1-Xusbiga Waxaa Lagu Gartaa Marka Uu Gole Dhexe Iyo Gole Fulineed Leeyahay  UDUB Gole Dhexe  Iyo Mid fuleneed Midna Malaha.

2- UDUB Waxay U Qaybsan Tahay Laba Qaybood Oo Kala Ah Isbedel Doonka UDUB Iyo UDUB Macaan Jecel
Markaa Labada Kooxood Mid Ka Mida Xusbiga Magaciisii Hore Looguma Yeedhi Karo.

3-Sidda Muuqata Waxaa Jiray Riyaale Oo Ka Soo Baxay Xusbigii UDUB Macaan-Jecel La Odhan Jiray Laakiin Hada  Cid Gaara Ama Maamul Xusbi Oo Laysku Raacsan Yahay Oo UDUB Loogu Yeedhi Kara Ma jirto.

Hadaba Aan Idin Tuso Dadka Aan Leeyahay Tolow  Dalka Iyo Dadka Lexejeclo Maka Haysaa?Aniga Oo Isku Deyaya In Aan Qof Qof Idiinku Soo Gudbiyo Waa Udubta Macaan Jecesha Ahe.
Waxaynu Ku Bilaamaynaa Madaxwaynaha  Riyaale Oo Kooxdan Macaan Jecesha U Ah Hormuud, Inaga oo Ka eegayna  Taariikhdiisa Somalilander Nimo Iyo Weliba Wax Qabadkiisa Madaxwayne Nimo.

Madaxwayne Riyaale Waa Masuulka Ugu Sareeya Somaliland Waana Masuulkii Ugu Horeeyey Ee Xilka Madaxtinimo Shacabku u Doorteen, Inta Aynaan U Gelin Doorashada Riyaale Aan Ku Horayno Riyaale Waa Kuma?

  • Riyaale Waa Shaqsi Ka Mid Ahaa   Xukuumadii SIYAAD BARRE Ee Xalaashatay Dhiiga Iyo Dhaqaalaha Iyo Weliba Dhulka Shacabka Somaliland ba.
  • Riyaale Waa  Derejadiii  Loo Yaqaaanay (National Secret Service) NSS,  Shaqadiisuna Ahayd Soo Dhego Dhegaynta.
  • Riyaale Wuxuu Ahaa  Dadkii Markii Mujaahidiintii S.N.M Dalka Qabsatay  Qaxay Ama Cararay Isaga Oo  Markaa  Ogaa Wixii Uu Geystay, Isla Mar Ahaan Taana Ku Fekerayay Haddii Uu Gacanta Mujaahidiinta Galo In Ay Dili Donan Taasina Waa Tii Keliiftey In Uu  Firxado Illaa Laascaanood.
  • Riyaale Markii  Uu Socday Shirkii Magaalada Burco Ee Beelaha Somaliland Wuxuu Warqad Usoo Qortay Labada Mujaahid Ee Kala Ah  Muj. Cabdiraxmaan Laba Tole Iyo Mujaahid Maxamed Kaahin, Waxaanu Codsigiisa Ku Dalbaday In La Samaxayo Iyo In La Dilayo? Labada Mujaahid Iyoga Oo Eegaya  Isa Saamixida Beelaha Somaliland Iyo In La Abuuro Kalsooni Dhex Marta Beelaha Somaliland Waxay  Yidhaaheen Waa Lagu Saamaxay Ee Iska Soo Noqo.
  • Riyaale  Intaa Kadib Wuxuu Noqday Gudoomiyaha Gobolka Awdal, Markii Uu Muddo Yar Xilka HayeyWuxuu Gobolkii Noqday Mid  Arradan Dhinac Kasta Musuqsaamuq Iyo Hanti Boob Ayuu Bilaabay Shacabka Reer Awdal Ayaa Markiiba Ku Kacay  Kadibna Xilkii Ayuu Sidaa Ku Waayey Riyaale.
  • Riyaale Wuxuu Noqday Xiligaa Ka dib Wakiil Qaad Oo U Jooga Gobolka Awdal   Qaadkii La odhan Jiray 571. Intaa Kadibna Riyaale Oo Murxuumkii Cigaal U Yeedhay Wuxuu Noqday Madaxwane Kuxigeen.

Intaasi Waa Rayaale Iyo Taariikhdiisa Intii Aanu Madaxwaynaha Noqon, Hadaba Intii Uu Madaxwanaha Ahaa Ayaynu Eegaynaa Imikana, Riyaale Wuxuu Madaxwayne Noqday Kadib Markii Alle How Naxariistee Murxuum Cigaal Dhintay,  Doorashadii Danbe Ee Riyaale Dib Loogu Doortay Laba Xaaladood Ba Waa Lagu Macnayn Karaa,Ta Koowaad  Waxay Ahayd  Aqoon La'aan aan Dadku Aqoon Ka  Haysan ,Ta Labaadna Waxay Ahayd In Shacabka Iyo Gobolka Uu Ka Soo Jeedo Iyo Dhamanba Beelaha Somaliland La Tuso In Somaliland La Wada Leeyahay Oo Qof Welba La Dooran Karo Isna Uu Wax Dooran Karo. Taasi Waxay U Sahashay In uu Madaxwayne Noqdo.
Hadaba Madaxwaynaha Oo Ah  Shaqsiga Ugu Sareeya  Somaliland Illaa Imika  Waxaynu Iswayniinaynaa Ma Leeyahay  Wadaniyad Mise Kursiga Uun Ayuu Ku Fadhiyaa?
Jawaabtu Waxay Tahay  Riyaale Iyo Inta La Socota Qof Keliya Oo Wadaniyad Leh Kuma Jiro, Hadaba Aan Idiin Qodobeeyo Sababaha Aanu Riyaale  Lexejeclo Dalkan Iyo Dadkan Uga Qabin.

Calaamadaha Muwaadinimo La'aanta Ee Riyaale,

1-Haddii Riyaale Somaliland  Lexejeclo Ka Qabo  Ciidankeena Qaranka Ee Dhaxanta Iyo Roobka Iyo Milicdaba Ugu Badheedhey  Difaaca Dalka,  Maanta Oo Uu Todoba Sano  Ku fadhiyo Kursiga Bilaa Derejo May Noqdeen Haddii Uu Muwaadin Yahay  Sababta   Bulshada Somaliland Ayaan U Deynayaa?

2-Haddi Riyaale Muwaadin Xalaal Ah Yahay Hargeysa Waa Caasimadii Somaliland Waana Bilaa Biyo   Waana Xaruntii Dowlada, Afarta Waaxood Ee Hargeysa Maalinba Mid Ayaa La Waraabiyaa Biyo Dhaamis Ayaa Ka Socda  Haddii Aad Muwaadin Tahay Ka Jawaab Sababta?

3-Somaliland Waa Dal aan Caalmka Citiraaf Ka Haysan Sidoo Kalena  Dagaal Ugu Jirta Siddii Ay U Helli Lahayd, Wadada Keliya Ee Lagu Helli Karaa Waxay Ahayd In Indhaha Caalamka La Soo Jiito Doorasho La qabto Dalka La Furfuro, Riyaale  In Somaliland La Ctiraafo Wuxuu Ka door Biday Innuu Kursiga Ku Fadhiyo, Su'aashu Waxay Tahay Madaxwaynuhu In uu Kursiga Ku Fadhiyo  Oo Somaliland Baabado Iyo In Uu Doorasho Qabto Oo Somaliland Horumar Gaadho Keebuu Jecel Yahay?

4-Haddii Uu Riyaale  Dareen Wadaniyadeed Leeyahay Muu Noqdeen Mid Cadowga Somaliland Saaxiib La Ahaada Sida  Ina Cumar Geelle, Su'aashu Waxay Tahay Ina Cumar Geelle  Somaliland Iyo Madaxbanaanideeda Midna Ma Maqli Karo  Hadaba Bal Siddee Ayaa Madaxwaynaheenu Ulla Saaxiibay?

5-Sidda Aad La Wada Socotaan Madaxwayanaha Iyo Kooxdiisu Waxay Ku Hawlanaayeen Sanadkii  U Danbeeyey Illaa Hada Sidii Ay Beelaha Somaliland Isaga Hor Keeni Lahayeen, Haddii aad EegtoWixii Ka dhacay Gabilay Ee Xukuumadu Waxba Ka Qaban Wayday, Illaa Dilkii Foosha Xumaa Ee Ka dhacay Wadada Isku Xidha Gabilay Iyo Boorame, Dhinac Kale Saraakiishii Ciidanka Oo La  Laynayo Sidoo Kalena  Dililkaas Sarakiisha Riyaale Lug Ku Leeyahay, Caalamka Laguma Arag Madaxwayne Ciidankiisii Laynaya Colaadna Abuuraya?!

6- Waxaad La Socotaan In Madaxwaynuhu Haysto Pasport Jaboutian Ah,  In Madaxwayne Dal Dhan Xukumaa Uu Dal Kale Oo Weliba Cadowgiisa Ah Passpor Waydiisto Waxay Noqonaysaa Madaxwaynihii Ugu Horeeyey Ee Sidaa Yeella, Waxayna Muujinaysaa In Dalka Uu Madaxwaynah ka Yahay Uu Ka Doorbiday Passport Jaboutian Ka Ah.

7-Madaxwaynuhu Wuxuu  U Xidhay Xoolihii Somaliland Nin Carab ah,  Madaxwaynuhu Shacabkii Somaliland  Iyo Bulshadii Somaliland Iyo Dadkii Doortayba Mar Kalena Uu Codka Ka Doonayey Wuxuu Ka Doorbiday (Percentage) Ka Ninka Carabka Ah Uu Ka Helayo,  Calaamadani Waxay Ina Tusaysaa Ama Idiin Macnaynaysaa Kelmada Aan Kor Ku Xusay Ee Macaan Jecel Iyo Sida Madaxwaynuhu Shilimada Uga Jecel Dalka Iyo Dadkaba.

8- Madaxwaynuhu Wuxuu Magacaabay 49 Wasiir Iyo Wasiir Ku Xigeeno,Ulla Jeedada Wasiiradan Faraha Badani Maha In Wax Dalka Loogu Qabto Ujeedada Keliya Ee Uu Ka Leeyahay Waa In Ay  Laba Xaaladood U Adeegaan. (1) In Ay Dhaqaale Ururiyan Jeebka Riyaalena Ku Soo Shubaan(2) Iyo In  Wasiir Waliba Reerkooda U Jawaabo, Marka Qof    Beeshiisa Kamid Ahi Riyaale Dhaliilo In Uu Jawabka Bixiya Taasina Waa Sumada Iyo Sowraca La Yidhaaho (divide And Role) Iyo Weliba Isku Dir Oo Ka Faa'iidayso.

9-Madaxwaynuhu Wuxuu Ka Xishoon Waayey 2% Kii Gobolada Bariga La Yidhi Halagu Hore Mariyo,Gaar Ahaan Gobolka Sool  Illaa Iyo Maantana Meel Ay Jaan Iyo Cidhib Dhigtay Lama Hayo  Oo Aan Ahayn In Ay Jeebkiisa Gaarka Ah Ku Dhacday.

10-Xukuumada Madaxwayne Riyaale  Toddoba Sano Ayay Xilka Haysay Illaa Iyo Maanta Shacaka Somaliland Gudo Iyo Debad  Meel uu  Xalada Dalka Kala Socdo Malaha Sida TV, RADIO, Waxaa Hubaal Ah Haddii Madaxwaynuhu Yahay Mid Dalka Iyo Dadka U Daacad Ah In Uu Suuro Gelin Lahaa  Labadaba Oo Shacabka Somaliland Na Kaga Raysan Lahaayeen Dhegaysiga Idaacadaha  Ku Caan Baxay Nacaybka Somaliland. Dowladeenu Ma  Radio Ama TV Ayay Awoodi Waydey Mise Inta Ku Baxaysa Ayaanay Quudhayn?

11- Riyaale Wuxuu Sameeyey Koox Ama Group Mushar Ku Qaata In Hargeysa Oo Caasimada Somaliland Ah Dadka Laga Sheegto  Kooxdaasina Iyaga Oo Awaamiirta Riyaale Fulinaya Yidhaahaan Hargeysa Anaga Ayaa Leh Reer Hebel Ama Hebel Ha Nooga Baxaan. Waa Calaamadda Isku Dir Adna Ka Faa'iid.

12-Dowladeenu Sanadkii Kastab Waxay Yidhaahan Beri Ayaanu Bedelaynaa Lacagta Giinbaarka Ahee Burco Laga Isticimaalo, Illaa Maantana Waad Arkaysaan Oo Lama Bedelin. Taas Waxaa Ka daran Boorama Oo Ah Magaaladii Madaxwaynuhu Ka Soo Jeeday Waxaa Laga Isticimaalaa Faranka Jabouti Iyo Birta Ethiopia Tolow Iygana Madaxwaynuhu Goorma Ayuu Bedelayaa?

Intaa Iyo In Kale Oo Badan Oo Aan La Soo Koobi Karini Waa Madaxwayanaha Oo Keliya, Marka Madaxwaynihii Ugu Sareeyey Xukuumada Uu Sidaa Yahay Maxaad Ka Filan Kartaan Wasiirka Isagu Magaacay  Waxaan Filayaa In Wixii Aad Wasiirkiisa Ka Fishaana Ay Ka soo Darnan Doonto. Waxaynu Qaybta Danbe Ku Soo Qaadan Doonaa Wasiiradiisa Iyo Wax Qabadkooda.

Cali Kayse Kabadhe
The Netherlands
Calikayse@live.com

Thursday, March 25, 2010

Civilians in Somalia face ongoing human rights violations

Civilians in Somalia face ongoing human rights violations

Thursday, March 25, 2010

Clear patterns of human rights abuse have emerged during the latest cycle of violence in Somalia, which began when armed opposition groups launched a major offensive against the government in Mogadishu in May 2009, Amnesty International said on Thursday.

In the document, No end in sight: The ongoing suffering of Somalia's civilians, Amnesty International reviews violations of international human rights and humanitarian law committed over the past six months, primarily by armed groups opposed to the Somali government and African Union (AU) forces. 

The document also lists allegations of indiscriminate fire by government and AU forces that need to be investigated.

Thousands of civilians have been killed and injured by shelling and other heavy bombardment, as armed opposition groups al-Shabab and Hizbul Islam have fought Transitional Federal Government (TFG) and AU forces, primarily in the capital Mogadishu. 

"We believe reported cases represent the tip of the iceberg, continuing insecurity has made it desperately difficult to obtain reliable information," said Erwin van der Borght, Africa Programme Director. 

UN figures estimate that fighting between government forces and insurgents in the city has killed scores of civilians and forced more than 55,000 to flee their homes since the beginning of February 2010. 

Armed groups fire mortars and heavy artillery from residential and public areas in Mogadishu, targeting TFG and African Union (AMISOM) bases near civilian areas, which in turn leads to retaliation and results in continuous displacement after those who survive have fled for their lives. 

Some attacks target civilians deliberately. Twenty-three people were killed and 60 injured on 3 December 2009 when explosives ripped through Shamo hotel, which was hosting a medical students' graduation ceremony.

"No party to this conflict appears to take the necessary precautions to avoid loss of civilian life and injury, despite their obligations to do so under international humanitarian law," said Erwin van der Borght. "All sides must stop targeting civilians that continue to be unlawfully killed with impunity."

People living in areas controlled by armed opposition groups are under growing threat of torture and unlawful public killings, including stoning to death, amputations and floggings, under the pretext of maintaining law and order.

"These abhorrent, public displays of cruelty and violence appear to be attempts by armed groups to intimidate and instil fear in the population in order to assert their control over territory," said Erwin van der Borght. 

Delivery of humanitarian aid, desperately needed by those displaced by the conflict, is being seriously hampered by opposition groups that often accuse aid organisations of spying for the international community. 

Armed groups also continue to intimidate journalists and impose strict rules on media outlets in a systematic attempt to suffocate freedom of expression. 

Amnesty International has urged the TFG, armed opposition groups, the African Union and the international community to implement a set of recommendations in a bid to reduce human rights abuses against civilians and allow safe access to humanitarian organizations.

Full report Click Amnesty link under:

Somalia: No end in sight: The ongoing suffering of Somalia's civilians (Document, 25 March 2010)

UN HUMAN RIGHTS COUNCIL CALLS FOR INDEPENDENT INQUIRY INTO GAZA CONFLICT

UN HUMAN RIGHTS COUNCIL CALLS FOR INDEPENDENT INQUIRY INTO GAZA CONFLICT

The United Nations <"http://www2.ohchr.org/english/bodies/hrcouncil/">Human Rights Council today, echoing the General Assembly, called on the Israeli Government and the Palestinian side to carry out independent and credible investigations into the deadly conflict in the Gaza Strip that ended early last year.

Those inquiries, the Council said in Geneva, must look into the serious violations of international humanitarian and human rights law reported by the fact-finding mission into the Operation Cast Lead, the three-week Israeli military offensive starting at the end of 2008 that had the stated aim of ending rocket attacks by militants operating in the area.

The fighting left more than 1,400 people dead, injured 5,000 others and reduced homes, schools, hospitals and marketplaces to rubble.

The Goldstone Report, as it has become known, found that both Israeli forces and Palestinian militants were guilty of serious human rights violations and breaches of humanitarian law during the Gaza conflict, which began in late December 2008. The General Assembly has endorsed the mission's findings.

The four-member fact-finding team headed by former UN war crimes prosecutor Justice Richard Goldstone, set up at the request of the Human Rights Council, called on the two sides to carry out independent investigations into their actions during the conflict.

The Human Rights Council today also called on the High Commissioner for Human Rights, Navi Pillay, to look into setting up an escrow fund to provide reparations to Palestinians who suffered losses as a result of unlawful Israeli actions during the conflict.

It also decided to establish a committee of independent experts to monitor the independence, effective and genuineness of the investigations and their conformity with international standards.

Earlier this month, the General Assembly also appealed for independent investigations by Israel and the Palestinians, reiterating a call by Secretary-General Ban Ki-moon in a follow-up report to the Goldstone Report that they must conform with "international standards into the serious violations of international humanitarian and international human rights law reported by the fact-finding mission, towards ensuring accountability and justice."

During its meeting in Geneva today, the Human Rights Council also took action on the situation of human rights in the Democratic People's Republic of Korea (DPRK), extending the mandate of the Special Rapporteur covering the Asian nation for one year, Vitit Muntarbhorn.

RAPE MUST NEVER BE MINIMIZED AS PART OF CULTURAL TRADITIONS, UN ENVOY SAYS

RAPE MUST NEVER BE MINIMIZED AS PART OF CULTURAL TRADITIONS, UN ENVOY SAYS

Sexual violence during conflicts is all too often downplayed and treated as part of local cultural traditions instead of being viewed as a war crime, a senior United Nations official has warned as she called for much greater international action to defeat the scourge.

Margot Wallström, the recently appointed Secretary-General's Special Representative on Sexual Violence in Conflict, voiced concern about the "lingering assumption that sexual violence is a tradition, rather than a tactic of choice" by groups engaged in war.

"Prevailing opinion would have us believe that what happens in a 'private hut' has nothing to do with security," she wrote in the Oslo newspaper <i>Dagsavisen</i> on Tuesday in a column jointly authored with Jonas Gahr Støre, Norwegian Foreign Minister.

"While bullets, bombs and blades make the headlines, women's bodies remain invisible battlefields. Yet it is utterly indefensible to downgrade the threat level of sexual violence because it primarily targets women and girls. What makes forced displacement part of the war, and mass rape an intractable cultural trait?"

Ms. Wallström and Mr. Støre wrote that there are only cultures of impunity, and not cultures of rape, as some commentators have argued in certain countries or conflicts.

"Cultural relativism legitimizes the violence and discredits the victims, because when you accept rape as cultural, you make rape inevitable. This shields the perpetrators and allows world leaders to shrug off sexual violence as an immutable – if regrettable – truth. It is time to state, once and for all, that mass rape is no more inevitable, cultural or acceptable than mass murder."

The Special Representative – who is visiting Norway on her first official visit since being appointed by the UN – and the Foreign Minister stressed that the best way to overcome this problem is to ensure that perpetrators of rape and other forms of sexual violence are held accountable.

"We are convinced that where there's a political will, there's a way. Every rape – even in the midst of war – is a crime that can be commanded, condoned or condemned. That is a choice made by those in power, and it is a matter that concerns the guardians of global peace and security.

Madaxweyne, Wasiir aan Wax Ku Tari Karin Waxba Kuma Yeeli Karo..!

Madaxweyne, Wasiir aan Wax Ku Tari Karin Waxba Kuma Yeeli Karo..!
Waa Sunnaha dawladnimo Sannadkiiba mar ama wax ka badan in la isku shaandheeyo ama'se qaarkood xilkaba laga xayuubiyo Golaha Xukuumadda ee markaa jira, si markaa talaabadaasi u noqoto mid kalsooni cusub ku abuurta shacbi-weynaha.

Geesta kale-na u noqoto mid wax ka bedesha dhaqanka ama dareenka Wasiirada ku digo-jabsaday Wasaaradaha qaarkood. Sidaa darteed talaabadii Madaxweyne Rayaale uu xilalkii ay hayeen ugu kala wareejiyey xubno ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Aggaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha qaarkood, ayaa noqotay mid dad badani soo dhoweeyeen una arkeen Madaxweyne Rayaale shaqsi ku baraarugsan dareenka bulshadiisa.

Dadka aaminsan in arrintaa Madaxweynuhu ku talaabadsaday tahay mid waqti ku haboon timi, waxay doodahooda daliil uga dhigayeen khilaafkii ka dhex aloosnaa Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka, khilaafkaa soo markii danbe sababay inuu gebi ahaan-ba uu is taago xidhiidhkii wada shaqayneed ee Wasaarada iyo inuu hakad galo addeegii Caafimaad ee Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa, halkaa soo maalin walba addeeg Caafimaad u soo doona jireen Boqolaal oo dan'yar ah, oo iyagu aan awood inay tagaan goobaha Caafimaadka ee loo yaqaano PRIVET-KA.

Haddaba, markaa taa laga yimaado, waxa jira Wasiiro, Wasiir-ku-xigeeno ama Aggaasimayaal kale oo kuwaa aynu soo sheegnay aan waxba dhaamin, tusaale ahaan marka loo eego dhinaca waxqabadkooda, kuwaa soo Boqolkiiba Sagaashan aan fulin adeegii looga baahnaa inay bulshada u qabtaan, isla markaana waqtigoodu ku dhammaysta faro gelinta hawlo iyo siyaasado kale oo aanay Xukuumadu u igman. Sida safaro ay ugu baxaan meelo dalka dibadiisa ama gudihiisa iyo mararka qaarkood oo ay Sheeko la dhex fadhiistaan Xafiisyada Wasaaradahooda, halka qaar kale ay xafiisaydooda uga maqnaadaan, iyagoo ka cararaya SHAXAAD.

Dhinaca kale, waxa jira Wasiiro, Wasiir-ku-xigeeno ama Aggaasimayaal aad moodo inay DHAXAL ama YARAD u heleen xilalka ay hayaan, kuwaasoo qaarkood ay Xafiisyada fadhiyeen muddo Toddoba sanno ku dhow, iyadoo haba yaraatee aanay jirin wax wanaag ah oo lagu xushay, isla markaana ay KHAATI BILAA bulshadu ka taagan tahay.

Masuuliyiintaa soo marka dadweynuhu iska warsado sababta Madaxweyne Rayale ugu dhegan yahay, dadka qaarkood ku micneeyaan in Madaxweynuhu uga habranayo arrimha doorashada awgood, isagoo aaminsan in Wasiirka ama Aggaasimaha uu xilka ka qaadaa inuu taageerayaal badan oo Codadkooda siin lahaa ka lumin doonaan marka la gaadho Doorashada, balse arintu sidaa maaha, waxay'se xaqiiqadu tahay "TIISABA DARYEELAA TU-KALENA KU DARA." Markaa Madaxweyne Wasiir ama Aggaasime markii uu xilka hayey aan waxba tarin [Xukuumada], markuu kaa tagana waxba ma yeeli karo Xukuumada iyo Adiga toona.

Waxa kaloo, xusid mudan in Wasaarada Madaxtooyadu oo iyadu hadda aan shaqo badan qaban ay ku dhaqaaqdo sidii ay dabogal ugu samayn lahayd Wasiirada ama Wasaaradaha si markaa ay warbixin sugan uga siiso Madaxweynaha Wasiirada ama Wasaaradaha fadhiidka ah.

Si kastaba ha ahaatee, waxa Madaxweyne Rayaale la gudboon inuu ku dhiirado sidii uu arimahaa u surto-gelin lahaa si la mid ah talaabadii uu ku kala wareejiyey masuuliyiintii Wasaarada Caafimaadka, arintaa soo dad badani ku boogaadiyeen Madaxweynaha Rayaale

Wargeyska Yool

Xisbiga KULMIYE oo munaasibad ku qaabilay taageerayaal ka baxay Xisbiga UDUB

Xisbiga KULMIYE oo munaasibad ku qaabilay taageerayaal ka baxay Xisbiga UDUB

Munaasibaddan oo ay ka qaybgaleen hoggaanka sare ee Xisbiga KULMIYE oo ay hormood ka yihiin Guddoomiyaha Xisbigaas Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Xoghayaha guud Keyse Xasan Cige, ayaa maanta lagu qabtay Hutel Scandanevian ee magaalada Hargeysa.

Munaasibaddan oo si heer sare ah loo soo agaasimay, isla markaana ay ka qayb galeen dadweyne aad u tiro badan, ayaa masuuliyiintii halkaa ka hadlay waxa ka mid ahaa, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo dadweynaha ku biiray Xisbigaas uga mahad-naqay taageeradooda. "Waxa farxad aad u wayn ii ah in aan ka soo qayb-galo Xafladdan qiimaha leh ee Dhalinyarta waddaniyiinta ah ee firfircoon ee garatay xaaladda dalku marayo iyo danaha dalka iyo mustaqbalkiisa, sidoo kalena garatay xisbiga u diyaar ah in uu qaado masuuliyadda dalka." Ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, "Dhalinyartaas aad baan u soo dhawaynayaa. Waxaan u mahad-naqayaa Xaafadda Maxamuud Haybe (Hargeysa) maamulayaasheeda iyo shacabkeeda iyo dhammaan xubnaha Xisbiga oo dhan..Safarkii Maraykanka markaan ka soo noqday, Xaafaddii sida wayn uga qayb qaadatay soo-dhawayntaydii ee biladda qaadatay Xaafadda Maxamuud Haybe ayay ahayd."

Guddoomiyaha KULMIYE wuxuu taageerayaasha maanta Xisbigaas ku biiray uga mahad-naqay taageerada ay u muujiyee, waxaanu sheegay inay wax ka qaban doonaan baahiyaha xaafaddaas haddii ay talada ku guulaystaan. "Waxa magaalada Hargeysa ku dhibban tahay ee xaafadda Maxamuud Haybe ku kadeedan tahay waa Biyaha, ballan baanu idinka qaadaynaa in waxyaabaha aanu mudnaanta siinayno ay ka mid noqonayso in aanu Xaafaddaas Biyo gelino, waa axdi iyo ballan aanu idinka qaadayno." Ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo.

Sidoo kale, waxa isna halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa ee Xisbigaas Axmed Cabdilaahi (Xamarji) oo hadalladii uu halkaa ka jeediyay ay ka mid ahaayeen; "Waxa nasiib leh dhalinyarta ama qofka maanta nagu soo biira iyada oo dhibtii iyo rafaadkii aasaaska KULMIYE waanu soo dhamaysanay ee haddana maanta taladii, wanaaggii iyo gorfayntii nala leh. Wada-tashi iyo is-maqal baana ka jira Xisbiga."

Waxa kale oo halkaa ka hadlay Axmed X. Cali Cadami oo talo u jeediyay Wasiirka Duulista Hawada. "Anigu waxaan leeyahay, dad lagama quustee, Wasiirka Duulista Hawada oo ahaa qofka kaliya ee aan islahaa isagaa ku jira Xukuumadda, Madaarka Hargeysa hagaaji oo dhis. Dhawaan baan ka soo laabtay dibedda, waxaan ka soo degay Garoonka Berbera, dadkeenii Qurba-joogga ahaana way la soo noqonayaan Ubadkii, markaa waxaan leeyahay Caruurta iyo dadkuba ma awoodaan safarka intaa le'eg (Hargeisa ilaa Berbera) ee Madaarka dhis." Ayuu yidhi Cadami.

Dadkii kale ee halkaa ka hadlay waxa ka mid ahaa, Dr. Ismaaciil Cali Jaamac, Xildhibaan Jaamac Shabeel, Xildhibaan Maxamed Nuur Carraale (Duur) iyo Garabka Haweenka KULMIYE ee heer gobol Layla Cismaan, kuwaas oo dhammaantood halkaa uga mahad-naqay taageerayaasha.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com


Wednesday, March 24, 2010

Top Somali judge asks for help after judge deaths

Top Somali judge asks for help after judge deaths
   In this photo taken Friday, March 19. 2010 a Somalia's Chief Justice Mohamud Omar Farah, seen, during an interview with the Associated Press in Nairobi, Kenya.  About 10 judges have been killed in the last four years because of violence in Somalia or as a direct result of their jobs, the country's chief justice said. Somalia's court system is being undermined by a lack of security, irregular financing and interference from top politicians, Mohamud Omar Farah told The Associated Press in a recent interview.
In this photo taken Friday, March 19. 2010 a Somalia's Chief Justice Mohamud Omar Farah, seen, during an interview with the Associated Press in Nairobi, Kenya. About 10 judges have been killed in the last four years because of violence in Somalia or as a direct result of their jobs, the country's chief justice said. Somalia's court system is being undermined by a lack of security, irregular financing and interference from top politicians, Mohamud Omar Farah told The Associated Press in a recent interview.
Khalil Senosi / AP Photo

BY MALKHADIR M. MUHUMED

ASSOCIATED PRESS WRITER

NAIROBI, Kenya -- About 10 judges have been killed in the last four years because of violence in Somalia or as a direct result of their jobs, the country's chief justice said.

Somalia's court system is being undermined by a lack of security, irregular financing and interference from top politicians, Mohamud Omar Farah told The Associated Press in a recent interview.

"Somalia needs an effective judicial system more than any time before to sort out the mess left behind by nearly two decades of conflict," said Farah, who took office as Somalia's chief justice in December. "We need the assistance of everyone. We have to turn a decayed system around, and to do so we need a money that we don't have right now."

Farah served as attorney general in the last central government in Somalia, which disintegrated in 1991. The current transitional government has been struggling to assert its control over the country since its formation in 2004.

Islamist insurgents control much of southern and central Somalia, including large swaths of the capital, Mogadishu.

The militants have a rough system of justice based on a conservative interpretation of Shariah law. The Islamists consider officials of the U.N.-backed government as legitimate targets because - they argue - they are part of a secular government.

The problems facing the approximately 70 judges who operate in the capital do not only come from Islamist rebels, but also from disgruntled civilians who sometimes take the law onto their own hands and attack judges, Farah said. Several months ago, for example, a judge ruled in a land dispute case and was attacked afterward, he said.

"After delivering the verdict, the judges - because they don't have official cars to take them to their homes or money to buy their own cars - use public vehicles with, perhaps, angry relatives of a convicted person," Farah said.

Benedict Goderiaux, a researcher with the advocacy group Amnesty International, said Farah's appeal for help merits support from the international community to restore the rule of law.

"The need for a proper justice system in Somalia cannot be underestimated. It is of immense importance. A lot of human rights abuses have been committed in Somalia. Impunity is rampant and perpetrators are not punished," she said.

Farah has accused some Somali ministers of interfering with the work of the courts and trying to turn judges pro-government.

"They are afraid of an independent judicial system that can hold everyone accountable for his action," he said.

Farah is in Nairobi to press U.N. agencies and diplomats to mobilize resources for Somalia to establish effective and reliable courts.

He said Somali judges "operate on a voluntary basis, and receive bonuses once in a blue moon."

Six district and regional courts and as well as an appeals court and the high court operate in the slice of the capital controlled by government forces and their African Union backers.

Read more: http://www.miamiherald.com/2010/03/22/1541241/top-somali-judge-asks-for-help.html#ixzz0j9R7vcpn